Madaxweynaha #Puntland Cabdiraxmaan #Faroole Islaan la sheegay - TopicsExpress



          

Madaxweynaha #Puntland Cabdiraxmaan #Faroole Islaan la sheegay inay u Ahayd Fooxiiso (FAALISO) ayaa lagu dilay magaalada #Garoowe Fiidnimadii 27/9/2013, Haweeneyda ayaa lagu magcaabi jiray Faadumo Cabaas waxana la sheegay inay ahayd mid ka mida Haweenka ugu caansan dhinaca Faalka gobolka #Nugaal waxana iyadoo gurigeeda Oo ku yaala Xaafada Hodan Abaare 6 Maqribnimo ku toogtay dabley aan heybtooda la aqoon Islaanta la dilay ayaa ka tirsaneed Madaxtooyada iyadoo u qaabilsaneed dhinaca Faal tuurka, waxana la sheegay inay ahayd qof sii weyn loga yaqiin gobolka & degmada Garooweba, in kasta oo aan la aqoon kooxda dilka fulisay hadana intaa badan dilalka qorsheysan ee magaalada ka dhaca ayaa waxa lagu Eedeya kooxda Alshabaab oo iyadu dhowr dil oo hore degaanka uga dhacay lagu Eedeyey.
Posted on: Sat, 28 Sep 2013 02:01:29 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015