Madaxweynaha Soomaaliya oo casho sharaf la qaatay Madaxweynaha - TopicsExpress



          

Madaxweynaha Soomaaliya oo casho sharaf la qaatay Madaxweynaha Koofurta Suudaan iyo Madax Kale Juba, 08 July 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa caawa casho sharaf uu sameeyey Madaxweeynaha dalka Koofurta Suudaan ka qeybgalay. Xafladdan casho sharafta ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee dalka Koofurta Suudaan, waxaana ka soo qeybgalay Madaxweynaha Bostwana, Madaxweyne ku xigeenka, guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Koofurta Suudaan. Sidoo kale casho sharaftan waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynihii hore ee South Africa Mbeki iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Ethiopia. Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyey casho sharaftan Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koofurta Suudan Mudane Cabdiraxmaan Nur Dinaari, Xildhibaano Soomaaliyeed, La-Taliyeyaal iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha Koofurta Suudaan Mr Salva Kir oo hadalo kooban ka jeediyey xafladda cashada ayaa uga mahadceliyey madaxdii ka soo qeybgashay casho sharafta, iyo dabaaldegga maalinta xornimada dalka Koofurta Suudaan oo maalinta 09ka July 2013ka labo jirsatey. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu caawa kulan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Sudan oo uu kala hadlo sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, iyo horumarka ballaaran ee ka socda dalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ka qeybgali doono xafladda sanadguurada 2aad ee maalintii xornimada dalka Koonfurta Sudan oo uu ka mid yahay Madaxweynayaasha caalamka ee ka qeybgalaya xaflada. - DHAMAAD – Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President, engabdirahman@gmail +252 615 479911 or +252 699 998854 Twitter - @thevillasomalia - Facebook - The Villa Somalia (State House of Somalia)
Posted on: Mon, 08 Jul 2013 21:44:29 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015