Madaxweynaha dowladda Puntland , Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa - TopicsExpress



          

Madaxweynaha dowladda Puntland , Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa Raxanreeb Online u aqoon-satey inuu yahay shaqsiga sanadkii tagay ee 2014-ka. Aqoon-yahanno Soomaali ah oo ay ugu badnaayeen dadka odorosa kana hadla siyaasadda ayaa isku raacay shaqsiga sannadka inuu yahay madaxweynaha hoggaamiya dowladda iyo Shacabka Puntland. Dr Gaas oo ah aqoon-yahan ku xeel dheer cilmiga dhaqaalaha,waxaa uu hoggaaminaya Puntland muddo sanad ah,waxuuna muujiyay karti badan oo u uga soo dhex baxay madaxda Soomaalida. Doorashada Gaas ee shaqsiga sanadka iyo inuu noqday mas’uulka sanadka,waxaana ku xaqiijinaynaa guulaha uu ka gaaray hoggaaminta wanaagsan, hagida siyaasad jiheysan ,hufnaan iyo horumar joogto ah. Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali oo siyaasada xilal kala duwan ka soo qabtay,inta uu yahay xilka madaxweynaha waxaa uu guulo muhiim ah ka gaaray,ammaanka iyo xasiloonida siyaasadda ee uu Puntland u horseeday. Waxuu muujiyay sida uu ku doonayo in uu dadka wax tabanaya uu u qancinayo, dhanka dhaqaalaha oo rajo weyn laga qabo in uu dib u soo noqdo, heshiisyadda caalamiga uu la galayo dalalka deeqaha bixiya iyo sida ay ugu hanweyn yihiin deeeq bixiyaasha caalamka ee Soomaalida Taageera. Dowladda uu hoggaamiyo Gaas waxaa ay baal cusub u furtay hoggaamiyaasha Soomaalida,kaddib markii uu xukuumadiisa kula Xisaabtamay madal ay warbaahinta toos u tabisay,ka qayb-galna u ahaayeen shacabka Puntland. Madaxweyne Gaas ayaa si geesinimo ku dheehan Tahay waxaa uu wadiiqo toosan u mariyey siyaasadda dowladda Puntland isaga oo ka dhowraya leex leexad, eex iyo Hagardaamo, taasi oo lagu yaqaan mas’uul kasta oo hanaan dimuqraadiyad lagu doorto. Sannadkii aynu soo dhaafney siyaabo badan marka la qiimeeyay oo dhinacyo badan loo rogay wax-qabadka iyo hanaanka siyaasadeed ragga taliya ee jagooyinka ka haya maamullada Soomaaliya ka jira madaxweyne Cabdiweli Gaas waxaa uu ku soo baxay 100%, taasi oo ay ka marqaati kaceen wadamada deriska la’ah Soomaaliya sida,Ururada Midowga Afrika, IGAD iyo waddamada beesha Caalamka. Hambalyo Mudane madaxweyne ♥ Puntland ♥
Posted on: Tue, 30 Dec 2014 11:28:59 +0000

Trending Topics



S-WORTH-IT-UNG-topic-601977066511975">*YIHIIII...FINALLY AFTER 5MONTHS OF WAITING ITS WORTH IT UNG

Recently Viewed Topics




© 2015