Maqaal:Qaybtii 1aad ee maqaalkii Xaalka soomaaliya iyo - TopicsExpress



          

Maqaal:Qaybtii 1aad ee maqaalkii Xaalka soomaaliya iyo xagxagashada dariska Soomaaliya waa wadan dhaca geeska afrika waxaana dagan amaba kunool ilaahayna ku abuuray umad badanaa leh hal luuqad ah oo ay iskufahanto iyo waliba haldiina oo ah diinta islaamka Soomaaliya waa wadan ay kunoolyihiin qabaailo kaladuwan oodhamaantood cabsan inay iyagu yihiin soomaalida asalka ah Soomaaliya waa jamuuriyad kamadaxbanaan gumaysi amaba adoonsi wixiikadanbeeyay sanadihii 60meeyadii ee qarnigii tagay Soomaaliya waxay soomartay wakhtiyo wanaag karaamo sharaf iyo dawladnimo ilaahay siiyay waxayna mar noqotay wadankamida kuwa geeska afrika ugu awooda iyo karaamada badan Marabo inaan waxbadan kasheekeeyo waayihii iyo barisamaadkii tagay ee soomaaliya soomartay , wixii kadanbeeyay sanadkii 1991/2 soomaaliya waxay wayday dawladnimadii karaamadii kaladanbayntii iyo qiimihii aydunida kudhexlahayd , soomaaliya waxay noqotay goob kucaanbaxday dagaal iyo dhiigdaata oo aan micna badan kusalaysnayn , ilaahay amarkii soomaaliya waxay uqaybsantay 3qaybood oo kala ah 1.qayb iyagu doortay inay gooni uistaagan sababajira awgood 2.qayb iyagu habeen iyo maalin kuraad joogay siday mar uun usoocelin lahaayeen karaamadii umada soomaaliyeed ee luntay iyo 3.qaybta kale oo iyagu ahaa amaba sal unoqday dhamaanba wixii qas iyo lab soomaaliya kadhacayay wixii kadanbeeyay burburkii dawladii dhexe Wixii intaa kadanbeeyay soomaaliya waxay soomartay marxalado kaladuwan oo intooda badan ahaa qaar aad uqalafsan , uguhoray caasimadii umada soomaaliyeed ayaa iyadu noqotay mashiinka lagahago xumaanta , dagaalka dhaca iyo boobka umada soomaaliyeed loogaysanayo muqdisho nasiib daro waxay noqotay meel kucaanbaxday dhiigdaata iyo dhalaan ooya , wixiikadanbeeyay sanadkii 2005tii soomaaliya gaar ahaan koofurta soomaaliya waxay gashay marxalad cusub oo ah , dagaalkii kusalaysnaa qabiilka waxaa loogaliyay shaad cusub oo khatartiisaleh waxaan markii uguhoraysay indhaheena kuaragnay wiil soomaaliyeed oo wiilal soomaaliyeed siuu ulaayo naftiisa inta bom kuxidho isku qarxinaya waxay ahayd xaajo ugub ah wixii aan indhaheena kuarkaynay lagasoobilaabo xiligaas madaw ee umada soomaaliyeed u curtay ALA naxariistii jano hakawaraabiyee xukuumadii marxuum cabdulaahi yuusuf axmed waxay dadaaldheer kubixisay soocelinta karaamadii umada soomaaliyeed khaasatan marxuumka oo isagu ahaa shaqsi khibrad dheer uleh siyaasada iyo dawladnimada wuxuu kuguulaystay inuu marlabaad dunida tuso xukuumad soomaaliyeed oo saldhigeeduyahay caasimadii umada soomaaliyeed ee xamar (muqdisho) Ala haunaxariistee marxuumku wuxuu heshiis lasixiixday wadamada dariska ah siuu gacan ugahelo wuxuuna kasamaystay kalsoonidhaw oosabab unoqotay inwadamo badan oo dariska soomaaliya ahi hiil iyo hooba lagarab istaagaan xukuumadiisii taasoo ugu danbayntii horseeday in villa Somalia dib madaxwayne soomaaliyeed usoofadhiisto Balse nasiibdaro waxay ahayd wakhtigii uu soomaaliya kabilawday waxa aan ugumagacdaray /xagxagashada dariska/ Waxaa hubaal ah in shaqsikasta oo maskaxdiisu nadiiftahay uu fahmikaro ujeedada ciwaanka sare kuxusan , soomaaliya oo ah wadan madaxbanaan hadana waxay kamaarmi wayday inay hesho gargaar shisheeye oo cudud iyo cuudba kakooban si xukuumadu ay uhesho fursad ay kusamaysato ciidamo difaaca iyo haykal dawladdeed oo shaqaynaya waxaa soomaaliya markii uhoraysay taariikhda ciidan usoodiray wadanka dariska ah ee Ethiopia soomaaliya lagasoobilaabo galitaankii ciidamadii Ethiopia ee soo garabqabtay xukuumadii cabdulaah yuusuf waxaa kabilawday daris xagxagasho Waxaan ulajeedaa soomaaliya kadib burburkii dawladnimo waxaa hubaal ah inay jiraan shaqsiyaad iyo waliba qabaail iyagu kafaaiidaystay kaladaadsanaantii umada soomaaliyeed oo aad moodo inay aaminsanyihiin in iyaga wanaaguba xumaan uyahay Hadaba shaqsiyaadkaas iyo qabaailkaasi waxay bilaabeen daris xagxagasho siay meesha ugasaaraan kaladanbaynta iyo dawladnimada bilawga ah waxay sare uqaadeen inay saacad walba canbaarayn iyo dhaleecayn aansal iyo raadtoonalahay dusha kasaaraan wadamada dariska ah ee kaxumaaday dhibaatada umada soomaaliyeed kutimid , taasoo ugudanbayntii sababtay in ciidamada Ethiopia wadanka isagabaxaan waxaa sidookale soorogaal celiyay kooxihii qaswadayaasha ahaa intabadan caasimada iyo qaybaha koofureed ee wadanka gacanta kudhigay , intaa kadib soomaaliya waxaa yimiday ciidamo shisheeye oo tirobadan , waxaana kamida ciidamada soomaaliya yimid, Uganda ,Burundi, djbouti, siiralyoon,Kenya iyo qaarkale oosidadban ujooga habauguhoreeyaan wadamada reer galbeedkluye Waxaa muqdisho lagasaaray kooxdii alshabaab waxaa xukuumadii sheikh shariif lasiiyay taageero caalami ah waxaa sidookale socday dadaal dheer oo ay wadeen dadka deegaanka siyaasiyiin aqoonyahano iyo wadamada daneeya soomaaliya kaasoo kuwajahnaa in lagaxoreeyo ururka al shabaab dhulka soomaaliya ugu qanisan ee gobolada jubaland state of Somalia Dagaalka alshabaab looga xoraynayay jubaland ma ahayn mid ay gacanway kagaysanaysay xukuumadii soomaaliya ee wakhtigaa jirtay wixiikahoreeyay xukuumadii badbaado qaran ee DR.cabdiwali gaas oo iyadu heshiis kulagashay dawlada Kenya inay garab siiso dadka deegaanka ee iyagu uistaagay inay iska dulqaadaan cadawga shabaab In laxoreeyo jubaland waxaa loosoomaray jid dheer waxaa naftooda huray wiilal iyo gabdho soomaaliyeed oo aan mushaar iyo rasaas iyo dirays iyo raashin midna kahelaynin xukuumada xamar saldhigeeduyahay ee soomaaliyeed , hadaan intaa kagahadho waxaa ugu danbayn gacanta cadawga shabaab lagasaaray magaalada istaraatiijiga ah ee kismaayo iyo deegaano kale oo tirobadan , hadaan runta sheego dhagahaygu ma ayna maqal marna oday soomaaliyeed iyo xildhibaan soomaaliyeed oo xamar jooga kuna dhawaaqaya inlataageero dadka deegaanka iyo wadamada dariska ah ee xoraynaya jubaland khaasatan jabhadii raaskaambooni iyo ciidamada KDF (Kenyan defence force) hadaba waxaa hubaal ah indadka iyagu caadaystay dhaleecaynta wadamada dariska ah ay yihiin kuwii shalay eedaynayay ciidamadii Ethiopia ee wadanka soomaaliya gacanta kasiinayay dhisida dawlad soomaaliyeed maantana waxay eedayn iyo dhaleecayn aan sal iyo raadtoona lahayn ladaba taaganyihiin dawlada Kenya oo ah saldhiga umada soomaaliyeed , waxaan jeclahay inaan waxyar daboolka kaqaado ooah sababta loo eedaynayo Kenya shalayna looeedaynayay Ethiopia , waa maxay sababtu Sababtu waxay tahay , Ethiopia waa wadan daris ah waxaana jira soomaali ilaahay kubeeray halkaas oo ciidoodutahay amaba kamid ah Ethiopia soomaalida Ethiopia iyo somalida kenyana waa labo daris ah oo ehel ah abtirna wadaaga, waxaa jira soomali kunool jamuurida soomaaliya oo ay sidookale abtir iyo ehelba yihiin kuwa Kenya iyo Ethiopia , hadaan kuusheego sababta dhabta ah ee kaliftay in laxagxagto wadamada dariska ah waasidan Uguhorayn waxaan ukalaqaadayaa labo qaybood dadka dhaleecaynaya amaba eedaynaya wadamada dariska ah gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya maqaamkaydoonaanba hajoogaane 1.qaybta koobaad waa hogaamiyayaal qabiil oo iyaga iyo qabaailka aykuabtirasadaani ay kafaaiidaysteen burburkii umada soomaaliyeed waxayna qabsadeen dhul iyo hanti ayna xaq iyo sune midna kulahayn waxayna kabaqayaan inlagasooceshto dhulkii iyo hantidii ayboobka iyo bililiqada kuhaysteen waxayna kudadaalayaan inay kahortagaan waxkasta oo dawladnimo iyo kaladanbayn horseedikara 2.qaybta labaad ooah kuwa aad moodo inay iyagu yihiin kuwa uguliita waxay yihiin shaqsiyaad oo kabuuxo isir nacayb iyo colaad qabiili kusalaysan waana kuwo dhagar qabayaal ah kana baqaya iyagu inlaga aargoosto lagulana xisaabtamo dhibaatadii ay ugaysteen umada soomaaliyeed Ugudanbayn waxaan jeclahay inaan kusoogabagabeey Kenya iyo Ethiopia waa laba wadan oo daris ah waxayna naga mudanyihiin sharaf iyo karaamo iyo inaan u abaal gudno Kenya waxaa kusugan qaxooti soomaaliyeed oo tirobeelay kuna abtirsada intooda badan kuwa Kenya dhaleecaynaya Kenya waxaadagan xaasaska iyo caruuraha dhamaan shaqsiyaadka soomaaliya gaarahaan muqdisho xilalka kahaya haba uguhoreeyaan raisulwasaare saacid iyo madaxwayne xasan waxaakaloo Kenya saldhig utahay dhamaan haayadaha iyo ururada taakuleeya xukuumada soomaaliya Kenya waawadan aan waligay xusuusnaandoono una abaalgudi doono Ethiopia waxaa dagan oo ganacsi ardaynimo iyo qaxootinimo intaba kujooga kumanaan soomaali ah oo kakalayimid xamar , afgooye, balcad, galguduud, hiiraan ,mudug iyo meelkale oobadan Waxaa hubaal ah indhamaan shaqsiyaadka isir nacaybku kabuuxo ay hilmaansanyihiin in soomaalida kusooqaxday Ethiopia iyo Kenya ayna lakulmin wax caqabad ah markay martida uguyimaadeen walaalahooda DDSI iyo NFD KENYA sidookale majiro shaqsi xamar kayimid oo loo abtiriyay markuu wejeer soogalayay gaarisana kibandaha kagoosanayay Lasoco qaybta2aad Qalinkii abwaan seeraar e-mail mardaale53@hotmail
Posted on: Thu, 18 Jul 2013 23:29:36 +0000

Recently Viewed Topics




© 2015