Maxaad ka Taqaan Noocyada aqoonta iyo Calaamadaha Lagu garto dadka - TopicsExpress



          

Maxaad ka Taqaan Noocyada aqoonta iyo Calaamadaha Lagu garto dadka Aqoonta lihi. Ardayga ku fiican waxabarashada Schoolka ayaa waxa lagu tilmaamaa in uu xariif yahay. Waxa loogu yeedhaa xariifka Dugsiga, ama Xariifka Tacliinta, Waa xariifka ku wanaagsan waxa loo dhigo ee loo tilmaamo ama loo sawiro. Hadaba waxa jira laba nooc oo kala duwan oo ah dadka xariifnimadooda waana laba ha boo lagu cabiro dadka xariifiinta lagu tilmaano. Midi waa ta dugsiga oo loogu yidhaa “IQ – The Intelligence Quotient” midna waa ta dareenka oo loogu yidhaa “EQ – Emotional Quotient”. "EQ" Waa xariifnimada Dibiiciga ah, ama ilaahay aadamihiisa uu ku manaystay qaar aadamihiisa ka mid ah. EQ, waa mid Dibiici ah lamana baran karo, Arimaha lagu gartona waxa ka mid ah 5-tan calaamadood: 1 – Waa dad og dareenkooda: Dadka leh xariifnimada dareenka ayaa ah kuwa og dareenkooda. Waxa laga yaabaa in uu qofku arin qalad ah sameeyo laakiin hadii uu yahay mid dareemi kara qaladkaas ayaa waxa jirta fursad uu wax kaga bedeli karo qaladkiisa. 2 – Xukumi kara dareenkiisa: Waa qof xukumi kara dareenkiisa, tusaale ahaan sida uu hore u yidhi aqoonyahankii giriiga ahaa ee la odhan jiray Aristoteles: “In la xanaaqo way fududahay, qof kastaa wuu xanaaqaa. Laakiin in aad qof sax ah, arin sax ah, xili sax iyo arin sax ugu xanaaqdid qof ma fududa”. Taas oo looga jeedo in aad xanaaqdo isla markaana cadhaada aad ceshato oo si sax ah ku maarayso. Mid ka mid ah asxaabtiina waxa uu soo wariyay in qofka ugu xooga badani uu yahay qofka cadhadiisa xukumi kara, ama is qaban kara marka uu xanaaqo. Dareenadan aynu sare ku xusnay ayaa waxaa hoos imanaya, dareenada, Dulqaadka ama samirka, Dareenada maamulaka ama Karida Hogaanka, Dareenada Aftahanimada iyo Waliba abwaanimada. 3 – Waa mid is dhiiri galinaya: Waxa aynu la kulmaan dhibaatooyin badan oo ina horjoogsada laakiin qof kastaaba si gooni ah ayuu uga gudbaa. Markaa qofka had iyo jeer naftiisa u sheega in dhibka hor taagan ka dambeeyo fudayd ayaa ah mid nolosha ka arka dhinaca fiican. Waa kuwa wanaag sheegayaal ah, looguna yeedho “optimist”. Dadka hormarka fiican ka sameeya shaqada, dadkuna jecel yihiin ayaa inta badan ah kuwa dhinaca fiican wax ka eega. dareenkan ayaa waxa hoos imanaya Geesinamada iyo kudhaca. 4 – Dareenka damqashada qalbiga ama naxariista: Boqolkiiba 90 xidhiidhka dareenka ah ee ka dhexeeya waa mid aan ahayn hadal. Tusaale, sida marka uu qofku odhanayo: “marka aan gabadhaas arko waxa aan dareemaa naxariis”, ama marka uu qofku arko qof dhacayo uu ka naxo. Qofka oo dareemi kara in qof ka uu la hadlayaa murugaysan yahay, ama dareemi kara murugada haysata ayaa ah mid aad qaali u ah. 5 – La dhaqanka dadka: Waa qof farxaan ah, leh soo jiidasho ama burji, si wanaagsana wax dadka uga dhaadhicin kara. Si fudud u fahmi kara wada hadalka ka dhexeeya dadka lana qabsan kara – isla markaana ka hor tagi kara is qab qabsiga iyo saaxiibada aan dhabta ahayn.
Posted on: Sat, 31 Aug 2013 23:59:12 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015