Nin iyo Itaalkiis. Wuxuu u keenay Ubax uu Ku siday gacanta midig, - TopicsExpress



          

Nin iyo Itaalkiis. Wuxuu u keenay Ubax uu Ku siday gacanta midig, wuxuu soo dhex gashay haruub. Gacanta bidix wuxuu ku hayay yicib laga soo Guray gudii Dhiiltare, deegaan Hodan ah oo dhaca waqooyi Bari Galdogob qiyaastii 15 mile. Gabadhii faraxday, booday oo kala badatay. Amaanta afkiisa ka baxaysay waxaaba sii kaamilay agabka gacmaha ugu jira. Waxay ku tiri geeri oo kaliya ayaa iga kaa celin kadha. Asbuuc ka dib, meeshii waxaa soo galay Mr. Falaarayste, mucjiso ninkii gacaliso la dhaafinayo lagu salado. Wuxuu la hor tagay Igaartii 100 kilogram oo dahaba, waa dahab laga soo qoday Kimis Hills, dhanka Waqooyi Galbeed ee Galdogob. Waxaa u weheliya gaari dhawaan lagu soo sameeyay SOMALIA TECHNOLOGY AND VEHICLES FACTORY oo ku taal Muqdisho iyo lacag laga soo shaqeeyay markab la yiraahdo MUDUG OCEAN oo uu share ka yahay. Igaartii, Mr. Falaarayste aqbashay......Haruublena jawaab u heshay....Geeridii waxaa ka soo hormaray Geedi Buuxa.
Posted on: Thu, 19 Sep 2013 08:32:19 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015