Odayaasha dhaqanka oo maanta dood cilmiyeed loogu qabtay magaalada - TopicsExpress



          

Odayaasha dhaqanka oo maanta dood cilmiyeed loogu qabtay magaalada Muqdisho Dood cilmiyeed looga hadlayay sida odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed uga bad baadin karaan dhalinyarada in aanay ku dhicin dabinta Al-Shabaab ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Dood cilmiyeedkan oo ay soo qaban qaabisay Heyadda Wada hadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa khudbado ka jeediyay Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo ka hadlayay in dhalinyarada lagu hogaamiyo wadada saxda Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo kulanka ka hadlay ayaa ku amaanay Heyadda CCD doorka ay siiso Odayaasha dhaqanka ee dhinaca nabadeynta iyo sidii loogu caqli celin lahaa dhalinyarada. Marka hore dhalinyarada la qalday inay ka waantoobaan fikirkaas wax lagu bur burinayo, ee la tuso wadada saxda ah ayaa ku talineynaa, dhalinayarada in la baro nabada waxay tahay ayaa muhiim ah, in loo caqli celiyoayuu yiri Nabdoon Xaad. Caaqil Iimaan Jimcaale ayaa sheegay in muhiim tahay in kulamada iyo siminaarada la joogteeyo, isla markaana odayaasha dhaqanka la awoodeeyo, si ay kaalin muuqata uga qaataan dhaqan celinta dhalinyarada la marin habaabiyay iyo sidii jidka saxda ah loogu hogaamin lahaa. Islow Abuukar Socdaal Abtidoon oo dood cilmiyeedka ka hadlay ayaa sheegay in sida kaliya ee heyadaha amniga iyo odayaasha isula shaqeyn karaan ay tahay in marka hore ay timaado daacadnimo, isla markaana odayaasha dhaqanka ay hormuud u noqdaan xasilinta iyo nabadeynta dalka. C/qaadir Xasan Warsame ayaa sheegay in sida kaliya ee lagu wacyi gelin karo dhalinyarada ay tahay in oday kasta uu qoyskiisa xisaabiyo, isla markaana waalidiinta aanay ka cabsan caruurtooda, waxaana uu ku baaqay in ubadka lagu dadaalo. Wacyi gelin sideeda waxay ku bilaabataa qoys ilaa qaran, waa in oday kasta uu qoyskiisa xisaabiyaa, yaan la cabsan caruurta, waa in lagu dadaalaa, in canuga aad dhashay si gaar ah uga war qabto, si hadhow aan loo marin habaabin ama uusan ku dhicin dabinta Al-Shabaab, waxaa muhiim ah in dowladda kaalinteeda la timaado oo ay sameyso xerooyin lagu dhaqan celiyo dhalinyaradaayuu yiri Mr C/qaadir Xasan Warsame. Waxaa uu sheegay inay nasiib daro tahay in dhalinyaro jaamacadaha ka baxa ama wax bartay la qaldo, loona soo diro inay dilaan waalidiintooda, waxaana uu xusay in taas looga hortagi karo in odayaasha dhaqanka u istaagaan in laga wacyi geliyo fikradaha qaldan ee lagu shubay. Macalin Xasan Fariid ayaa sheegay in loo baahan yahay in maalin walba dadka la baraarujiyo, isla markaana qaladaadka jira la saxo, si jiilka cusub ee dhalinyarada soo koraya aysan wado qaldan ugu dhicin, isla markaana loo horseedo horumar inay dalkan gaarsiiyaan. Waa in marka hore la kordhiyaa wacyi gelinta, in dooda iyo siminaarada la badiyo qaladaadka badan ee jirana la saxo, dhalinyarada la qaday tubta toosan la tusiyoayuu yiri Macalin Xasan Fariid. Ugu dambeyn ka qeyb galayaasha dood cilmiyeedkan ayaa is weydaarsaday fikrado iyo talooyin ku saabsan sidii waxyaabaha ay ka faaideen ama ka kororsadeen ay gaarsiiyaan bulshada inteeda kale.
Posted on: Mon, 09 Dec 2013 11:10:03 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015