Puntland oo taageertay heshiiskii Addis ababa ku wada saxiixdeed - TopicsExpress



          

Puntland oo taageertay heshiiskii Addis ababa ku wada saxiixdeed DFS iyo Jubaland Dowladda Puntland Waxay Soo Dhoweynaysaa Heshiiskii ay Wada Saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo JubalandWAR SAXAAFADEED Dowladda Puntland waxay soo dhoweynaysaa Heshiiskii ay magaalada Addis Ababa ku wada saxiixeen Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Maamulka Jubaland, heshiis kaasoo qeexaya nidaamka maamulka iyo dowladnimada oo waafaqsan Dastuurkii Federaalka Soomaaliya oo lagu wada heshiiyay. Puntland waxay ammaan usoo jeedinaysaa labada Wafdi ee Soomaaliyeed oo ka qeybqaatay wada-hadalo miro dhal ah, iyagoo ku midaysan helitaanka Dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka Federaalka, midnimada iyo dimuqraadiyadda. Maanta waxaa magaalada Nairobi kulan ku yeeshay wafdiga Dowladda Puntland uu hogaaminayey Madaxweyne Cabdiraxman Shiikh Maxamad Farole iyo wafdiga Jubaland oo uu hogaaminayey Madaxweyne Axmed Maxamad Islam (Axmed Madobe), iyadoo shirkaasi looga hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqaynta u dhaxeeya Puntland iyo Jubaland iyo sidii loo taageeri lahaa heshiiska cusub oo maamul la wada aqoonsanyahay u dhisaya gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, ee koonfurta Soomaaliya. Puntland waxay aqoonsantahay ayna ammaanaysaa doorkii muhiimka ahaa ay ciyaartay Dowladda Ethiopia oo ah Gudoonka Urur-goboleedka IGAD iyo Beesha Caalamka, oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, oo fududeeyey wadahadaladii ka socday muddo todobaad ah magaalada Addis Ababa. Puntland waxay diyaar u tahay inay ka caawiso maamulka Jubaland dhisida hey’daha dowliga ah waxayna Puntland mowqifkeedu yahay inay taageerto wadahadalo siyaasadeed, dib u heshiisiin Qaran iyo cadaalad, iyo dowlad-wanaag si loo hormariyo nabadeynta dalka Soomaaliya.
Posted on: Mon, 02 Sep 2013 21:16:41 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015