Q.Midoobe “Ciidanka Kenya Waxay Si Sharci darro ah Dekedda - TopicsExpress



          

Q.Midoobe “Ciidanka Kenya Waxay Si Sharci darro ah Dekedda Kismaayo uga dhoofiyaan dhuxusha”. Written by Maamul on 14 July 2013. Sid ay daabacday wakaaladda wararka Reuters, warbixin ay soo saartay dhawaan Q.Midoobe ayaa lagu sheegay in ciidanka Kenya ee wata magaca AMISOM balse xoogga ku heysta magaalada Kismaayo ay si sharci darro ah dekedda magaaladaasi kaga dhoofiyaan dhuxusha oo la mamnuucay goor sii horeysay. Koox baarayaal ah oo ka tirsan UN-ka islamarkaana loo xil saaray inay isha ku hayaan hanaanka dekedda iyo dhaq dhaqaaqa dhoofinta dhuxusha ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay inay ciidanka Kenya ee heysta dekeddaasi si rasmi ah ugu howlanyihiin dhoofinta dhuxusha oo ah mid sharci darro ah maadaama la mamnuucay. UN-ka waxaa ay warbixintooda ku sii dareen in Militariga Kenya ay ku tasarufaan Malaayiin Doollar oo ka soo xaroota dhuxushaasi iyagoo aan xitaa cidna kala tashan, taasi oo gebi ahaanba ka soo horjeeda howsha loo idmaday ee Kismaayo. Warbixintan oo ay si rasmi ah u soo saareen guddiga qeybta cunuqabateynnada ururka UN-ka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa si cad u sheegay in Kenya ay si indho la`aan ah ugu lug leedahay dhoofinta sharcidarrada ah ee dhuxusha Kismaayo. Mas’uuliyiin u hadlay militariga Kenya ayaa eedeymahaasi oo soo baxay kadib dagaaladii lagu riiqmay ee Kismaayo iska diiday waxaana ay ku tilmaameen kuwo aan sal iyo raad toona lahayn islamarkaana lagu xumeynayo muuqaalka ciidanka Kenya. somalimemo.net Askari Kenyan ah oo dhax taagan dhuxul laga dhoofinayo dekadda caalamiga magaalada Kismaay “Dabayaaqadii 26-kii October ee sanadkii tagay ayaa ku xigeenka madaxa howlgallada iyo qorsheynta ciidanka Amisom oo lagu magacaabo Major General Simon Karanji oo u dhashay wadanka Kenya waxaa uu si rasmi ah u shaaciyay in guud ahaan dekedda Kismaayo ay xirantahay islamarkaana aanay jirin wax maraakiib ah oo halkaasi ku soo xiran kara” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay UN-ka waxaana intaasi la sii raaciyay “Laakiin nasiib darro ciidanka Kenya ciribtooda ayay ka laabteen hadana waxay ku howlanyihiin dhoofin sharci darro ah”. UN waxay sheegeen in kaliya markii la xaqiijiyo in la qaaday xanibaadaasi ay u furantahay ciidanka Kenya Axmed Madoobe iyo dowladda Muqdisho inay ka wadahadlaan sidii loo sii ambaqaadi lahaa ganacsiga dekedda guud ahaan iyo dhoofinyta dhuxusha. Waxaa xusid mudan in Q.Midoobe ay horay u ansixisay in gumeystaha madoobe ee Kenya ay ku duulaan Soomaaliya si ay u xasuuqa shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay u dumiyaan maamulada islaamiga ee kajira wilaayaatka Gedo iyo Jubbada Hoose. Si kastaba ha ahaatee UN oo markii horeba mamnuucay dhoofka dhuxusha xilligii ay Kismaayo ka talinayeen Mujaahidiinta ayaa u muuqda inay xaaladda dekeddaasi laba wajiilaynayaan iyagoo si dadban ugu ogolaanaya shisheeyaha inay gurtaan kheyraatka dalka islamarkaana caqabad ku ah kobaca dhaqaalaha wadanka iyo shilimaadka yar ee ay dekeddaasi ka heli jireen ganacsatada Soomaalid ah.
Posted on: Sun, 14 Jul 2013 17:13:16 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015