QISADII NABI YUUSUF CS. Qeybtii Toddobaad. KULANKII BIN YAMIIN & - TopicsExpress



          

QISADII NABI YUUSUF CS. Qeybtii Toddobaad. KULANKII BIN YAMIIN & YUUSUF. Binyaamiin waa la soo kaxeeyey, weyna yimaadeen meeshii, iyagoo ka soo galay kala albaab, siduu Aabahooda uu ugula soo dardaarmay, waxeyna u yimaadeen Yuusuf, balse weli iyaga ma fahamsana inuu ninkaan uu yahay Yuusuf. Haddaba Yuusuf markuu arkay Walaalkiis Binyaamiin aad ayuu u farxay, wuxuuna ku yiri:- Aniga waxaan ahay walaalkaaga. Haddaba Yuusuf iyo Binyaamiin waxaa isugu dambeesay muddo aad u fog, Yuusuf wuxuu soo xusuustay Hooyadiis iyo Aabihiisa iyo Gurigiisaba. wuxuuna Yuusuf rabay Walaalkiisa Binyaamiin inuu la joogo, ayna wada sheekeestaan, balse sidee ugu suurtoobi kartaa ileen Binyaamiin berito wuu noqonayaa. Haddaba hadduu Yuusuf walaalkiis u haro, dadka waxey is weydiinayaan:-Sidee ayuu Yuusuf gurigiisa ugu heysanaa Wiil Kancaan ka yimid, taasi waa dulmi weyn. Balse Yuusuf Caaqil ayuu ahaa. oo wuxuu sameeyey Weel uu isaga biyaha ku cabi jiray oo Qaali ah ayuu ku dhex riday Alaabtii uu walaalkiis Binyaamiin watay. Haddaba waxaa wiilashii ku qeyliyey nin ka mid ah Shaqaalaha meesha, wuxuuna ku yiri:- Tuugo ayaa tihiin ee bal istaaga. kolkaasey iyagana yiraahdeen:- Maxaa idiinka maqan? ninkii ayaa yiri :- Weel ayaa naga maqan, qofkii laga helana lacagtiisa ayuu bixinaa, Kolkaas ayey wiilashii yiraahdeen :- Anaga uma imaanin inaan Arladiina fasahaadino, mana nihi tuugo. Ninkii ayaa ku yiri:- Haddii ay beentiina noqoto hadalkaasi maxaa jisadiina ah? waxey wiilashii yiraahdeen:- Kaasi waxey jisadiisa noqoneysaa wixii alaale wixii lagu xukumo, wuxuuna noqonaa Daalun. Haddaba, weelkii waxaa laga helay Alaabtii uu watay Binyaamiin, sidaasi darteed walaalihii wey xishoodeen, waxeyna yiraahdeen:- Binyaamiin ayaa xaday, sababtoo ah walaalkiisa Tuug ayuu ahaan jiray. Haddaba Yuusuf wuu maqlaayey hadalkaasi, lamana hadlin oo wuu isaga aamusay, mana ku xanaaqin. misan walaalihii waxey ku yiraahdeen ninkii:- Ninkaagan wanaagsanoow Binyaamiin wuxuu leeyahay Oday Sheekh ah oo weyn, balse anaga mid naga kaxeeyso, ee Binyaamiin daa, waxaan aragnaa inaad nin wanaagsan tahay. Haddaba, ninkaasi ay la hadlayaan waa Yuusuf mana dareensana iyaga inuu Yuusuf yahay, balse Yuusuf markuu arrintaasi sameynaayey ee uu weelka ugu dhex riday alaabtii Binyaamiin wuxuu ugala dan lahaa si uu walaalkiisa ugu haro oo ay u wada sheekeestaan. Yuusuf markey wiilashii intaasi ku yiraahdeen ayuu ku yiri:- Maya anaga waxaan qabaneynaa qofka aan ku qabanay alaabteeena oo keliya, balse uma baahani qof kale, maxa yeelay haddaan qof kale u qabano wax uusan sameynin, anaga waxaan noqoneynaa Daalumiin, sidaasi ayuuna Binyaamiin ugula joogay walaalkiisa Yuusuf, aad ayeyna u faraxsanaayeen ileen Yuusuf kaligiisa ayuu ahaa muddo aad u dheer, mana arki jirin qof femilkiisa ah. Haddaba, walaalihii waxey is weydiiyeen sideen ugu laabanaa Aabaheena wejigeese ayaan ugula hortagnaa, aad ayeyna uga fekereen sidii ay kuqancin lahaayeen Aabahooda Yacquub, ileen mar hore ayey Aabahooda uga nixiyeen Arriintii Yuusuf, haddana mid labaad miyey sameyn karaan? kii ugu weynaa wuu diiday inuu u soo laabto Aabihiisa, wuxuuna ku yiri walaalihiisa:- Ku noqda Aabo, waxaadna ku tiraahdaan Aaaboow waa la xaday walaalkeena Binyaamiin, mana ognihi meel uu cagaha dhigay. Haddaba, wiilashii sidii ayey sameeyeen oo Aabhooda intaasi ayey ku yiraahdeen, Yacquubna markuu hadalkooda maqlay wuxuu dareemay iney arrintaan ay tahay Imtixaan Eebe, sababtoo ah shalay wuxuu ka naxay arrintii Yuusuf oo uu ahaa kii uu ifka ugu jeclaa, maantana waxaa ugu darabtay tii Binyaamiin oo isaguna aad u jeclaa, kii ugu weynaana Masar ayuu ku haray, Yacquubna waxey taasi dareensiisay iney arintu ay tahay mid la sameeyey, wuxuuna yiri :- Waxaan ilaaheey ka baryaa inuu Saddexdoodaba uu ii keeno, ilaaheey waa kii wax og, waxna Xukmiya.
Posted on: Fri, 27 Sep 2013 21:39:09 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015