QISHO CAJIIB AH :- Waxaa jiri jiray Geed weyn iyo Wiil yar - TopicsExpress



          

QISHO CAJIIB AH :- Waxaa jiri jiray Geed weyn iyo Wiil yar oo ku Ciyaari jiray Geedka hoostiisa, Dhinacyadiisa, Fuuli jirayna Laamihiisa, Guran jiray Mirihiisa. Markuu Daalana isaga hoos Seexan jiray, aad buuna u Jeclaa Geedka. Sidoo kale Geedkuna aad buu ugu Farxi jiray, una Sugi jiray Ciyaarta, Bood-booka iyo Qosolka Wiilka. Muddo kadib Wiilkii wuu Weynaaday wuuna ka Fogaaday Geedkii uu la Ciyaari jiray. Maalin danbana Wiilkii baa soo Laabtay isagoo aan Faraxsanayn, Geedkiina wuxuu ku yiri:- Kaalay ila Ciyaar, wiilkiina wuxuu ku jawaabay:- hadda ma ihi Canug yar, umana baahni Ciyaar, balse waxaan u Baahnahay Lacag aan wax ku soo iibsado!. Geedkiina wuxuu ugu jawaabay:- Aniga Lacag ma Haysto, laakiin waxaad qaadan kartaa Mirahayga, si aad u iibsato, Lacagna uga hesho. Wiilkii aad buu u Farxay, Geedkii buuna Fuulay, Mirihii oo dhan buuna ka Gurtay, wuxuuna ka tagay isagoo Faraxsan, Geedkiina uu Murugaysan yahay, maxaa yeelay, Wiilkii wuu ka Tagayaa mana soo Laaban rabo. Balse mudo kadib ayuu soo Laabtay isagoo Nin weyn ah, Geedkiina aad buu ugu Farxay soo Noqoshadiisa, wuxuuna ku soo Dhoweeyay Farxad, wuxuuna ku yiri:- kaalay ila Ciyaar? Wiilkiina wuxuu ku jawaabay:- ma ihi hadda Ciyaal u baahan Ciyaar ee waxaan ahay Nin Reer Mas´uul ka ah, waxaana u Baahnahay Guri ay ku Hoydaan!. Ee ma igu Kaalmayn kartaa Arintaas? Geedkiina wuxuu ku jawaabay:- waan ka Xumahay Guri kuuma Hayo, laakiin waxaad yeeli kartaa inaad Laamahayga Gurato si aad Guri uga Dhisato, Wiilkiina wuu ku Farxay, wuuna Gurtay Laamihii Geedka oo dhan, wuxuuna tagay isagoo Faraxsan, Geedkiina wuu la Farxay, maadaama uu wiilkii helay wuxuu u baahnaa, wuuna ka naxay ka tagidiisa markale. Maalin kale oo aad u Kululayd buu soo Laabtay Wiilkii, Geedkiina aad buu ugu Farxay soo Laa-bashadiisa si Fiicana wuu u soo Dhaweeyay, wuxuuna ku yiri:- Kaalay ila Ciyaar!, Wiilkiina wuxuu ku jawaabay:- Anigu waan Daalay, waana Duqoobay, waxaana Rabi lahaa inaan u Gudbo meel aan ku Nasto ee ma ii Heli kartaa Doon!. Geedkiina wuxuu yiri:- Maya kuuma hayo Doon, laakiin waxaad qaadan kartaa Guntayda, si aad uga dhisato Doon, aad ugu Gudubto meesha aad Rabto!. Ka dibna wuxuu Goostay Guntii Geedka, wuxuuna ka Samaystay Doon, wuuna ku Safray, muddo Dheerna masoo Laabanin. Sanado badan kadib, ayuu mar kale soo Laabtay, Geedkiina wuxuu ku yiri:- waan ka Xumahay wax aan ku siiyo iima Harin, Miro aad Cunto ma Hayo, Laamo aad ku Fariisato iima harin, Gun aad ku Ciyaarto ma Hayo!, Asna wuxuu ugu jawaabay:- Dhib maleh oo maba hayo ilko aan ku Cuni lahaa Mirahaaga oo waxaan noqday Duq aan Ciyaari karin, waxna qaadi karin, Geedkiina wuu Ooyay, wuxuuna yiri:- kaliya waxaan hayaa Xidido Duqoobay, iyagana kaama Hagranaayo, Wiilkiina wuxuu yiri:- kaliya waxaan u Baah nahay meel aan ku Nasto, Dhibkii sanadaha badan ka dib, Geedkiina wuxuu ku yiri:- Gunta Geedka Duqoobay ayaa ugu Haboon meel lagu Nasto. Kaalay ii soo Dhawow, Farxad bay ii tahay inaad ii soo Fariisato, Ninkiina wuu soo Fariistay, Geedkii oo aad u Faraxsan, illintiisuna Qubanayso. Haddaba, Geedkaasi ma Garaneysaa Walaal? Ma Rabtaa inaad Ogaato Geedkaasi? Ma Rabtaa Inaad Daryeesho? Mase Rabi laheyd Inaad Wanaag u Sameysid? Haddeey Jawaabtaadu Haa noqoto, Ogoow waa Hooyada ku Dhashay. U Dadaal Hooyada waxey heyso kaama Hagrato, Ha Dhibi Hooyada kuma Dhibsatee, Daryeel Hooyada Kuma Xumeysee, Haka Fogaanin Hooyada Qalibigeeda kma Baxdidee (ILAAHOOW HOOYO DEMBIGEEDA DHAAF, YAA RABBI). By:-Hafsa Bint Mahamoud ·.·.· Ƹ̴Ӂ̴Ʒ Like Our Page=> Somalia Peace
Posted on: Mon, 21 Oct 2013 15:30:57 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015