QISO IN LAGU CIBTO QAATO MUDAN:- Nin aan dabka ku - TopicsExpress



          

QISO IN LAGU CIBTO QAATO MUDAN:- Nin aan dabka ku guban....... Nin dadkii saalixiinta kamid ahaa ayaa wuxuu yiri waxaan soo galay masar waxaan arkay nin biraha ka shaqeysta (BIRTUME) isagoo birta dabka ugu soo bixinayo gacantiisa birtii oo guduudan gacantiisa ku ged gedinaayo isagoo aanan ku gubanayin Waxaan isiri ninkaanu waa owliyo oo dabka kuma gubanayo kadib waan u dhawaaday waana salaamay waxaan ku iri yaa sayyidii ilaahaygii kugu mannaysantay karaamadaan ayaan kugu dhaarshee ii ducee Markaasuu ooyey wuxuuna igu yiri wallaahi walaaloow sida aad imoodday ma ihi waxaan ku iri walaalow waxaan aad samanayso qof aanan owliyo ahayn ma samayn karo wuxuuna yiri arrintaan waxay ku timid sheeko yaab badan haddaad rabto in aan kaaga sheekeeyana waan kaaga sheekeyn waxaan iri haye haye iiga sheekee Wuxuu yiri maalin maalmaha kamid ah waxaan dhex fadhiyey dukaankaan waxaana ahaa nin firfircoon oo bulsho ah , waxaa ii timid naag aanan weli arkn naag iyada ka qurux badan waxayna igi tiri walaalow wax aad ilaahay dartiisa u bixinayso ma haysaa? waxaan ku iri guriga maa iiraacaysaa aan ku isticmaalee waxaad rabto oo dhanna waan ku siinaa ee cabbaar ayey i fiirisay waana iga tagtay In muddo ah ayeey iga maqnayd kadib wey ii timid waxayna igu tiri dan iyo baahi ayaa igu kallaftay inaan kaa ogolaado inaan ku raaco ee nakeen dukaankii ayaan xiray guriga ayaan uwatay markii aan guriga galnay waxay igu tiri waxaan kasoo tagay caruur aan dhalay oo aad ubaahan ee hadda wax yar isii sii aan usii geeyee waana kuusoo noqon , Wuuxu yiri ballan adag ayaan ka qaaday in ay iisoo noqoto waxaana siiyey xoogaa daraaahim ah wey baxde saacad kadib ayeey iitimid guriga ayey iigusoo gashay albaabka ayaan xirtay waxay igu tiri maxaad uxirtay albaabka ? waxaan ku iri dadka in ay na arkaan ayaan ka baqayaa waxay igu tirii oomaxaad allae oogabaqaynin ? Waxaan iri alle waa denbi dhaafe naxariis badan (qafuuru raxiim ) kadib xaggeeda ayaan aaday markaasay ooysay oo jaraysay illinteedaba dhabanada kusoo hooreen waxaan ku iri maxaad la oyneysaa oo aad la jaraynaysaa ? waxay igu tiri ilaahay cabsidiisa ayaan la oynayaa oo aan la jaraynayaa kadib waxay igu tiri ninkaanow haddi aad ilaahay dartiis ii dhaafto waxaan ballan qaadi in uusan alle kugu cadaabin dab (naar) aduun iyo aakhiro , wuxuu yiri waan istaagay wixii aan hayey oo dhami waan siiyey waxaana ku iri gabar yahay waxan kugu dhaafay illaahay cabsidiida Markii ay iga tagtay waxan aad iiqabatay hurdo waan seexday waxaan riyo ku arke naag aad iyo aad uqurux badan madaxana ku wadato taaj kasamaysan yaaquudka gaduudan , waxay igu tiri ilaahay kheyr ha innaga kaa siiyo , waxaan ku iri oo tumaa ahayd ? Waxay igu tiri waxaan ahay hooyadii carruurta lahayd e kuu imaanaysey ee aad alle dartiis ku dhaaftay ilaahay dab kugu gubi maayo adduun iyo aakhiro waxaan ku iri isu kay sheeg ? qabiilkee ka dhalatay ilaahay hakuu naxariistee ? Waxay igu tiri waxaan ka soo jedaa nasabka rasuulka naxariis uyo Nabad gelyo korkiisa allaaha ka yelee kadib waxaan xasuustay ayaaddii alle ee ehayd (ILLAAHAY WUXUU DOONAYAA INUU IDIN DHAAFIYO WIXII XIMAAN AH AH-LU BAYDOW OO UU IDIN DHAHIRO DHAHIRID ) Waxan markiiba kasoo booday hurdadii laga soo billaabo maalintaas dab oodhan kuma guban waxaana rajaynayaa aakhirana in aan ku guban insha allah ...... ILAAHAY HANAGA ILAALIYO CADAABTA DHAMAANTEEN ๑۩๑Waxaa message ahaan noogu so diray (sumayiito casey) ๑۩๑ ·.·.· Ƹ̴Ӂ̴Ʒ Like Our Page=> Somalia Peace
Posted on: Mon, 07 Oct 2013 18:33:15 +0000

Trending Topics



377">Who is looking for a job in I.T.? This company is WONDERFUL and it
Barbarian kid !!!! and i will never forget this, which happed
♥Túi, Balô đồng giá 130k/1 cái, Bóp đồng Giá 100k♥

Recently Viewed Topics




© 2015