Qisadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Somaliyeed oo lagu kala - TopicsExpress



          

Qisadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Somaliyeed oo lagu kala magacaabo Sowda iyo Maxamed, Sowda ayaa waxay ka sheekeysay qisadaan oo mid xanuun badan ah. Waxaan ku dhashay magaaladda Mudisho, laakiin waxaan ku soo barbaaray degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo, halkaasoo aan ku soo qaatay waxbarashadeyda hoose iyo dhexe, halka waxbarashadeyda dugsiga sare aan ku soo qaatay magaaladda Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Xilligii uu ii soo dhamaaday waxbarashadeyda heerka dugsiga sare, ayaa waxaa qorsheystay inaan aado magaaladda Nairobi, si’aan halkaasi uga bilaabo waxbarasho Jaamacadeed, waxaana maalintii aan soo goysanaayay ticket-kii aan ku aadi lahaa magaaladda Nairobi, ayaa waxaa isla goobtaasi ticket ka goysanaayay Maxamed, xilligaasi waa markii isku-kaaya horeysay, isla-markaana wuxuu markaasi uu ku sii jeeday magaaladda Garissa. Maxamed ayaa waxaa dhacday inaan goobtaasi si kedis ah iskugu barano, waxaanu kala qaadanay teleefanadii aanu xilligaasi wadanay, waxaana dhacday in uu i soo waco habeenkii, xilligaasi kadib xiriirkaynu ayaa wuxuu noqday mid joogto ah. In muddo ah markaan khadka teleefanka ka wada sheekeysaneynay, ayaa wuxuu Maxamed uu ii soo bandhigay xiriir jaceyleed, aniguna waan soo dhaweeyay, maadaama aan u arkaayay in uu yahay nin dhalinyaro oo wanaagsan. Inkastoo oo uu xiriirkaynu ku dhisnaa khadka teleefanada, ayaa waxaa hadana dhacday inaan Maxamed u qaado jaceyl miisaan leh, waxaana jeclaan jiray inaan mar walba iska maqlo codkiisa, iyadoo aan ka helli jiray inaan la-shekeysto, wuxuuna ahaa ruux ay nafsadaydu raali ka ahayd. Maxamed ayaa waxaa dhacday in uu aado magaalo xeebeedka ee Boosaaso, wuxuuna halkaasi uu ka hellay shaqo, anna intii aan joogay magaaladda Nairobi ayaa waxaan watay waxbarasho heerka Jaamacadeed, isla-markaana aabahay oo ku maqnaa dalka Norway, ayaa wuxuu ii xareeyay Sharciga dalkaasi. Markii uu Maxamed tagay Puntland, ayaa waxaa yaraaday xiriirkaynii khadka teleefanka, maxaa yeelay Soomaaliya iyo Kenya teleefanadu waxaa weeye kuwo aad u qaali ah, laakiin taasi badalkeeda ayaa waxaanu mar walba ku wada xiriiri jirnay khadka Internet-ka, mar-marna waxaanu ka wada hadli jirnay teleefanada. Laakiin mushkiladu ayaa waxay timid, markii aan Maxamed ka waayay wax xiriir ah, waxaan u diray dhambaalo kala duwan, anigoo ugu diri jiray Emailkiisa, laakiin muusan ii soo diri jirin wax jawaabo ah. Hase ahaatee waxaan bilaabay inaan ka waco khadka teleefanka, balse Maxamed muusan iga qaban jirin teleefanka, markaasi kadib aad baan u naxay, waxaana isweydiiyay su’aalo badan, oo ku aadan in uu nool yahay iyo in kale. Muddo dhan laba bilood ayaa wuxuu Maxamed uu iga qaban waayay teleefankiisii gacanta, isla-markaana haddii aan u diro dhambaalo Emailo ah, iima uusan soo jawaabi jirin, runtii aan baan u argagaxay, cunadii waa ay igu yaraatay, oo maxay cunadu igu yaraaneysaa? Ileen ruuxii aan rabay baan waayay’e. Muddo laba bilood kadib markii uu Maxamed uu diiday in uu teleefanka uu iga qabto, ayaa waxaa dhacday in maalintii dambe uu iga qabto, markaan ogaaday in uu caafimaad qabo, ayaa waxaan weydiiyay sababaha uu dhambaalada iga soo jawaabi waayay, isla-markaana uu iga qaban waayay teleefanka, hase ahaatee wuxuu igu jawaabay, jawaab aanu u qalmin, isagoo igu yiraahday “Sowda waxaan rabaa inaan kala harno aniga iyo adiga waxba inama dhex mari karayaan”, waxay igu noqotay layaab, waxaana isku dayay inaan Maxamed kahor taggo go’aanka khaldan ee uu killigiisu qaatay, hase ahaatee wuxuu ugu dambeen uu ku adkeystay go’aankiisa. Xilligaasi waxaa i soo wajahday nolol dhib badan, duni murugo xambaarsan, laakiin habaryartey oo aanu wada joognay magaaladda Nairobi, ayaa aad ii waanin jirtay, iyadoo igu waanin jirtay maadaama uu sidaasi Maxamed gartay, inaan iska aamuso oo welibana iska dulqaato. Waxaa jiray wiil la-yiraahdo C/Fataax oo aanu wada joognay magaaladda Nairobi, aad buu C/Fataax ii doon-dooni jiray, laakiin aniguna waxaan ahaa ruux meel kale looga dhawaaqaayo, waxaana dhacday muddo dheer kadib inaan Maxamed iska ilaawo, waxaana bog cusub la-furay C/Fataax. Alle wuxuu qadaray in uu ii soo baxo Sharcigii aan ku taggi lahaa dalka Norway, laakiin inta aanu Norway aadin, ayaa waxaa u sheegay Maxamed inaan u socdo dalka Norway, hase ahaatee wuxuu igu yiri hadal naxariis leh, oo uu igu beer laxowsanaayo, iyo isagoo i leh “Waanu wada xiriiri doonaa macaan ee marka aad xagaasi tagto ii soo qor teleefankaaga”. Waxaan nabad ku tagay magaaladda Oslo ee dalka Norway, C/Fataax oo uu xiriir fiican inoo dhaxeeyana waan u sheegay inaan tagay, halka Maxamed aan isagana u sheegay, wuxuu Maxamed uu bilaabay in uu maalin walba i soo waco, mar walbana wuxuu ii soo diri jiray dhambaalo ay ku qoran yihiin erey mac macaan, laakiin aniga waxaan ahaa ruux markaasi ka sii jeeda. Soo wicitaanka faraha badan ee Maxamed ayaan dhibsaday, waxaana ku iri mar dambe ima soo wici kareysid, isla-markaana waxaan ku jaray teleefankii, wuu i soo wacaa laakiin kama aan qaban jirin “Nin Walba iyo markiisa”. Waxaan dib ugu soo laabtay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, waxaana kula aqal gallay C/Fataax oo runtii maxamed iga hiiliyay, jabkii aan kala kulmayna iga meeray, markii aan C/Fataax guursaday, ayaa waxaa Maxamed u diray dhambaal Email ah, waxaana u sheegay inaan guursaday wiil la-yiraahdo C/Fataax, waana u sheegay teleefankii aan markaasi Nairobi ku dhex sitay. Ugu dambeen Maxamed wuu i soo wacay, markii uu xaqiiqsaday inaan guursaday C/Fataax, ayaa wuxuu igu yiri “Sowda runtii waad i xumeysay”, hadaba qisadaan ayaa waxaan jecleystay inaan u soo bandhigto akhristayaasha, waxaana akhrista-yaasha sharaf leh weydiin lahaa, Maxamed ma’anaa xumeeyay mise isagaa i xumeeyay?
Posted on: Sat, 06 Jul 2013 22:01:55 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015