Qisadu waa mid cajiib ah oo aan hubo in ay naxdin galineyso qof - TopicsExpress



          

Qisadu waa mid cajiib ah oo aan hubo in ay naxdin galineyso qof walba oo uu ku jiro dhiig dhaqaaqa iyo jir dareema wanaaga walaalnimada, in badan ayuu qalinkeyga ka meer meeray in aan qoro qisadan kadib markii aan aqriyay ayada oo ku qoran luqada Carabiga lakin ugu danbeyn waan ku qasbay nafteyda qorista qisadan ayada oo waliba qalbigu I gil gilanayo lakin dhibka aan dareemayo iyo murugta waxaa igala muhiimsan xumaanta ay qisada ka digeyso iyo wanaga ka dhalan kara hadii uu aqriyo qof xumaan doon ahaa. Qisadani waa dhab hadafka aan ka leeyahayna waa in lagu waan samo, dhabtii qisadan waa mid aan si sahlan kaga go’aynin Qof kasta ee Akhriya Qalbigiisa waana Mid Digniin u ah mid walba ee baneysta waxyaabihii alle weyne ka Xarimay anaga oo og in xumaan kastaahi ay leedahay Cawaaqib xumo sida Qur’anka iyo Sunada Nabiga CSW ku cad. Qisadan waxa ay ku socotaa wiil dhalinyaro ah oo wax badan ku caan ahaa dhagarta iyo hagardaamada Gabdhaha waanu arki doonaa sida uu wax yeelay iyo waxii ka dhashay lkn aan idinku baraarujiyo magaca aan u adeegsan doono dhagar qabahan inta qisadu ay socoto kaas oo aan aheyn midkiisa saxda ah lkn anagu aan ku aqoonsaneyno waana (Bahal) dib ayaad ka ogaan doontaa Akhriste in magacaasi uu u qalmo iyo in kale. Qisadii oo Bilaabatay Bahal waxa uu ahaa wiil dhalin yaro ah oo aanan shaqeyn wax culusna ma aheyn in dhalinyarada kale ay ku tilmaamaan Shabeel naagood maadaama uu Halis ku ahaa la haasaawida Dumarka aad ayeyna u jeclaayeen sheekooyinkiisa qayaanadu ay ka buuxdo gabdhaha ay xiligaasi isku deegaanka ahaayeen oo uu hadalo macaan iyo balamo guur oo been ah la gali jiray ayaguna ay run moodi jireen lkn Bahal marna ma uusan xasuusay Xikmadan qiimaha badan (God sired ha qodin hadii aad qodana Hadheereyn ku dhici doontidaa lama ogee). Dabinada uu gabdhaha u dhigo oday bahal ma aysan aheyn kuwo yar mana sahlaneyn sida ay uga bad baado gabadhii mar kusoo dhacdo, maalin maalmaha ka mid ah ayaa oday bahal waxa uu bartay gabadh alle u dhameystiray wanag inta dumar ragu ay ku doortaan lkn wey u jil caneed xagiisa maadaama uu carab seyfta oo kale wax u jara alle ku maneystay siriqdii ayeyna ku dhacday markii isbarasho kadib nambaradii ay kala qaateen. Damacu waa balaayee gabadhii ayaa caashaq galay oo ka howl dhigatay wacitaan joogto ah, oday bahalna iskama uusan waaline waxa uu ku shubay sheekadiisii macaaneed ee quruxda badneyd lkn god holcaya ee maryo qurxoon la dulsaaray oo kale aheyd waxaana suura gal noqotay in leebabkii jaceylka ay si hal haleel ah ugu hoobtaan qalbiga gabadha ilaa ay dhax maquurato jaceylka ….Xaalkeedu waxa uu gaaray xaalada ay tilmaantay Fanaanada Khadra dahir xiligii ay ku luuqeyneysay Erayadan. Mahiigaan Jaceylbaan Dhax maquurayaa Miraalihiisa midigta igu qaadyoo Mowjad baa isidatee Mowjadii ayaa la tagtay gabadhii ilaa ay u dulwodo Oday bahal oo farxadiisu ay aheyd in dabinadiisu ay kusoo dhacaan dumarka ayaga oo dhan. Oday bahal markii uu Hubsaday in jaceylkiisa cabsan tahay gabadhii ayuu damcay in uu ku dhaqaaqo howshiisii caadada u aheyd ee ka fara qabsiga (Galmood sharci daro ah) lkn gabadhii ayaa arintaas is hortaag ku sameysay ayada oo waliba ku leh cod dheer………….. waxaa inaga dhaxeeya Jaceyl dhowr soon wax aan guur aheyna imasoo maraan. Bahalkii Hungowyay oo meysan noqon sidii uu rabay ee Hore gabdho badan ugu soo sameeyay lkn ma uusan joojin isku dayadiisa xumaanta asiga oo goostay in uu ka aar goosto diidmadeeda una dhigo cashar cajiib ah oo aysan waligeed halmaamin. Oday Bahal oo Dabin kale oo cusub Dhigaya Ma uusan dareen siin gabadha in uu ka Xanaaqay diidmadeedii xumaanta uu la damcay waxa uuna halkii kasii waday hadaladii jilicsanaa ee uu ku beer laxawsan jiray dumarka asigoo mindhaa ay niyadiisu ka guuxeyso erayadan ama kuwo u dhigma … Nimaad dagi, nimaad dili, iyo nin aad dabin la goobeyso intaba waa leysku kala daadiyaa yeysan kaa didine gabadhii ma aysan galin wax dhiilo ah waxa uu ka codsaday in uu doonan rabo lkn ka hor ay mar ku kulmaan meel xeebta bada ah si arimo muhiim u ah guurkooda ay uga wada hadlaan ayaduna hooraarsan ayey ku tiri ileen waa jaceylkeedii ay wanaaga moodaye. Bahal waa uu bishaareystay maadaama ay siriqdii labaad u muuqato in aysan ka baxsan doonin gabadhan maskiinta ah waxaana ay ka ogolaatay dhamaan codsiyadiisii ayaga oo qalinka ku wada duugay in la kulmo habeenkaas ay wada hadlayeen maalinka xiga xili subax ah oo xeebtu ay cidlo tahay markii ay sheekadoodii dhamaatayna bahal waxa uu dalbay bahaladii ay sxbada ahaayeen oo uu rabay in ay howl Fuliyeyaal Noqdaan waxii asigoo kaligiis ah ay ka diidayna ay ayaga oo koox ah ugu sameeyaan waliba si aan baryo iyo sir aheyn ee awood sheegasho ah. Dabinkii oo la Fulinayo Waagii ayaa Baryay maalintaasina maalin kheyraad uma aheyn Bahal sida uu is dareensiiyay waxii ka danbeeyay fulintii barnaamijkii uu isku xir xiray. Xiligii balanta markey ku beeg need oo ay bahaladii isku geedaameen hareeraha goobta balanta ayaa waxaa timid Gabadh ku dhawaaqeyso magacii bahal waliba si ku cel celis ah oo dag dag ay ka muuqato lkn bahal meesha kama uusan dhaweyne bahalo wakiil ka ah ayaa soo buux dhaafiyay waxa ayna si hal haleel ah usoo abaareen gabadhii oo ay ku sameeyeen waxii ay ku sameeyeen ilaa ay noqoto qof aan awoodin socod iyo dhawaaq dheer midna. Bahaladii markii ay howsha dhameysteen ayaa sida qorshaha ahaa waxaa goobta soo abaaray oday bahalkii iskusoo xidh xidhay dabinka asaga oo raba in uu aad ugu farxo kuna raaxeysto waxii ay sxbadii sameeyeen kuna sameeyeen gabadhii uu la damcay xumaantaasi waxa aana ka hor yimi ayagii oo dhahaya waxii aad rabtay wey dhaceen dheel dheelna maaha ee waa dhab dhaayahaagase kusoo dheeho ayaga oo farta ku fiiqaya halkii falku ka dhacay. Oday bahal Maxuu arkay maxaase is badalay Bahalkii weynaa markii uu dul istaagay gabadhii waxa ay indhahiisu qabteen wax markii uu eegay uu ku sigtay in naftu ay ka haado lugihii uu ku taagnaana ay celin waayaan !!!!!!!!!!! Af labadiii ayuu dhawaaqay Bahal Asigoo leh DULIYAAL YAHOW MAXAAD SAMEYSEEN LIITAYAASHA SII SOCDOW ………….Akhriste maxey kula tahay in uu bahal ka naxay ma sida ay gabadhii uu dabinka la rabay u dubteen bahaladii sxbka uu la ahaa mase wax kale ayaa dhacay.? Waxba yaanan idinku mashquulin su’aal lkn catawgiisa ayaad ka garan doontaa waxa dhacay waxuna lahaa ilaa uu waali ku dhawaado DULIYAAL YAHOW MAXAAD SAMEYSEEN LIITAYAASHA SII SOCDOW IYADU WAA WALASHEEEY QOFKA AAD XUMAANTA KU SAMEYSEEN WAA WALASHEY WAA WALASHEY WAA WALASHEY catow, Baroorasho ayuu la fadhiistay meesha asiga oo aad u naxsan. Sir Ma qabe Saab ayaa biyu u celshaan. Gabadhii wanaga badneyd ee xumaan diidka aheyd alle ayaa ka badbaadiyay dhagartii uu la damcay bahal waxaana ku dhacay walaashii la dhalatay maadaama gabadha lala damacsanaa dabinka ay soo daahday gabadha la dhalatay bahal oo dano la xariira guriga ka dooneysay walaalkeedna ay kusoo beegantay goobta fool xumadu ay ka dhacday iyo waqtigii xumaanta la doonayay in la sameeyo. Godkii sireed ee uu qoday Bahal ayey ku dhacday walashii maskiintu ma aysan qaldamin xumaana ma aysan jecleen lkn dhibkaas ku dhacay ayaa kasoo wajahay dhanka walaalkeed oo xumaan fale ahaa. indas ayaa ku soo afmeraaayaa raul
Posted on: Fri, 19 Jul 2013 00:11:12 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015