Quusadka iyo in yadadiil xumada ku beerantay cindiga qofka - TopicsExpress



          

Quusadka iyo in yadadiil xumada ku beerantay cindiga qofka Somaliga ah, waa arrin u baahan daweeyn dhab ah, inta aanan wax kale la qaban, marka laga hadlayo dib u dhiska Somaliya iyo xal u raadinta mashaakilaadka kala duwan ee lagdaday dalka iyo dadka. Qof arki arki meysid maanta, kalsooni ku qabo dowladda hadda jirto, in ay soo celin karto kalsooni iyo kala dambeyntii dhuntay, haddii uu jirana inta badan, waa afraad ama koox u muuqdo shakhsi masuul ah, maalinkii laga qaado booska uu ugu gurbaantumina, waa hubaal af Libaax ayuu dhawaaqi. Hadabe, dawada cilaajin karta quuska beermay, dibna abuuri karta kalsooni, waa cadaalad laga arko masuuliyiinta dalka oo uu ugu horeeyo waardiga xafiiskooda ilaa heer tuulo, haddii kale dadka ma mooge ficilkooda beeray kalsooni darada jirta.
Posted on: Sat, 28 Sep 2013 03:53:20 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015