Ramdaan waa fursad ( 14 ) Qalbiga ayna ku jrin aayad ka mid ah - TopicsExpress



          

Ramdaan waa fursad ( 14 ) Qalbiga ayna ku jrin aayad ka mid ah kitaabka ilaahay wuxuu la mid yahay guri kharribmay sida xaddiikska ku soo aroortay , dad badan oo quraanka wada xafiday ama qaybo ka mid xafidayna waxaa laga yaabaa inuu ka lumay oo ay illoobeen, qofkii quraanka dayaca intii uu bartay ka dibna khatar ayuu u yahay waciidka ku soo arooray in quraanka la dayoco ama laga haajiro. Bisha ramadaan qof walba wuxuu haystaa fursad uu ku xafidi karo quraanka, ama uu ku soo celin karo quraankii uu illoobay, haddii uu qofku isku dayo inuu salaadda duhur iyo salaadda casar ka dib iyo ka horba bog ama labo ugu yaraan xafido salaadda subax ka hor iyo ka dibna uu sidaas oo kale yeelo waxaa suura gal ah inuu wax ku dhow toban jus si dhib yar u xafido. Sidoo kale waxaa fursad gaara ah qofkii ilaahay u sahlo inuu masjidka ku ictikaafo tobanka danbe, waxaana laga yaabaa inuu tobankaas maalood ku soo wada celiyo xifdigii ka lumay, haddiiba aanu horay waxba u xafidsaneynna waxaa dhici karta inuu ugu yaraan dhowr jus xafido si dhib yar. # Abuu Xassaan XasanIbraahim
Posted on: Fri, 26 Jul 2013 02:26:13 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015