SIR CULUS OO LASHAACIYAY MAXAYTAHAY SIRTAAS Yaa ka dambeeya - TopicsExpress



          

SIR CULUS OO LASHAACIYAY MAXAYTAHAY SIRTAAS Yaa ka dambeeya Qaraxyada Kismaayo lagula beegsado Ciiddamadda AMISOM ee Siera Leon?? (Xog la helay). Illo-wareedyo ka tirsan Xukuumadda Somalia, ayaa Shabakadda Allbanaadir u xaqiijiyay in Qaraxyada Kismaayo lagula eeganaayo Ciiddamada AMISOM gaar ahaan kuwa dhawaan la geeyay ay ka dambeyso Kenya iyo Raaskambooni. Shabakadda oo xiganeysa Mas’uul ka tirsan Xukuumadda gaar ahaan Wasaaradda Gaashandhiga, ayaa waxaa la sheegaya in Ciiddamadda Kenya iyo Raaskambooni ka careysan yihiin hadalkii dhawaan ka soo yeeray Midowga Africa oo ahaa in Ciiddamadda Kenya laga saarayo Kismaayo kadibna la geyn doono Ciiddamo aan lug ku laheyn Siyaasadaha Kismaayo. Mas’uulka ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadu ay kawarqabto in Qaraxyada lala eeganaayo Ciiddamadda AMISOM gaar ahaan kuwa Siera Leon ay ka dambeeyan Ciiddamadda Kenya oo adeegsanaayo kuwa Raaskambooni si loo carqaladeeyo faragalinta Xukuumadda ay ku heyso Maamulka Jubbaland garabka Axmed Madoobe oo aan sharciga la waafajin. Dhanka kale, Mas’uulka ayaa sheegay in Xukuumadu ay ka warqabto dhaqdhaqaaqyada ka socda Kismaayo oo ay isu garabsanayaan Kenya iyo Raaskambooni, isagoona sheegay in Axmed Madoobe uu qaadi doono Khasaara waliba oo soo gaaro Ciiddamadda AMISOM gaar ahaan Siera Lion. Ugu dambeyntii, Mas’uulka ayaa waxa uu sheegay in Ciiddamadda Raaskambooni ay miinooyinka ku aasan wadooyinka iyo goobaha ay isticmaalaan Ciiddamada Siera Lione taasina ay ka warqabaan Saraakiisha AMIOSM Ugandha iyo Burundi, balse go’aan laga soo saari doono.
Posted on: Mon, 22 Jul 2013 22:15:55 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015