SIYAASIGA IYO SIYAASADDA(TODAY AND POLICY)MAANTA IYO SIYAASADDA - TopicsExpress



          

SIYAASIGA IYO SIYAASADDA(TODAY AND POLICY)MAANTA IYO SIYAASADDA CASRIGAN. Dhabahaanti siyaasiga waa midka ka saara ummadiisa dhibka, kana damqada xanuunka, gaajada, cudurada, dagaalada iyo jahliga ummadiisa ku habsada. Waa midka u jiheeya umadiisa dhinaca hormarka kana saara gudcurka, kana fekera habeen iyo maalin sidii uga dhigi lahaa dadkiisa mid la jaanqaada dadyawga kale ee Aduunka NNN:28.09.2013:Dhabahaanti siyaasiga waa midka ka saara ummadiisa dhibka, kana damqada xanuunka, gaajada, cudurada, dagaalada iyo jahliga ummadiisa ku habsada. Waa midka u jiheeya umadiisa dhinaca hormarka kana saara gudcurka, kana fekera habeen iyo maalin sidii uga dhigi lahaa dadkiisa mid la jaanqaada dadyawga kale ee Aduunka. Akhristoow waa maxay siyaasadi? Macnaha siyaasadi waxa ayleedahay qeexitaano farabadan hadaynu isku dayno anba aynu waxka taabano siyaasad, siyaasadu waxa weeye inaad ilaashato sumcadaada sharaftaada qiimaha bulshadaada oo loo yaqaan afka qalaad “struggle for power”waa maxay siyaasi?Siyaasigu waxa weeye ka umadda matala ama afka qalaad loo yaqaan“representative” maxaalooga baahan yahay siyaasi. 1.Waa in uu leeyahayaqoon kufilan diiniyan iyo madiyanba,noocay rabto ha ahaatee. 2.Waa in uu yahay qofxallin kara dhibka markaasi taagan noqdaana mid go’aan adag marka xaalad adagitaagan tahay, markaas ayuu siyaasigu u jeesan karaa wadada siyaasadeed eebaaxada weyn leh, noqonaya qof qadarin ku dhex leh bulsha weeynta kana qeybgali kara doorashooyinka xorta ah ee cadaalada ku dhisan,waxaad ogaataan taariikhdu ayada is qorta oo ifinaysa waxyabahii tagay iyo kuwa mustaqbalka soosocdaba, dhab ahaantiina ma dhacdo in si dhab ah loo qeexo waxii dhacay.Maxaayeelay qolo walba oo adunkan ku nool waxay leedahay cadow badanaa daboola waxarunta ah,banaankana soo dhiga tariikh aan jirin Aduunka aan ku nool nahay waxaa jira qawaaniin iyo sharciyo ay dajisteen Dowladaha dunnida oo ku dhowaad ah 200 oo dowladood. Dowladahaan waxaa hogaamiya una ilaaliya sharciyadaasi hogaamiyaal iyo siyaasiyiin ay matalaan dadkooda iyo dalkooda.Wadan kasta ee aduunka hormarkiisa wuxuu ku xiranyahay sida hufan ay u shaqeeyaan hormuudka wadanka iyo hay’adaha.......lasoco..q 2aad.... Mohamed Haji Essa(Maygaag) University Applied Science Netherland.
Posted on: Sat, 28 Sep 2013 12:14:50 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015