Sheeko: dhaqtarku waa xariif hada kahor aya dhaqtar wuxuu boor - TopicsExpress



          

Sheeko: dhaqtarku waa xariif hada kahor aya dhaqtar wuxuu boor kusoo qortay qofkii an daweeyo wuxuu bixinaya 200 shilin, kii an daweyn waayana waxan siinaya 200 shilin, mid ciyalka xaafada ah aya hunguri ka galay lacagta dhaqtarka markasu intu dhaqtarka u tagay ku yiri ditore aniga waxba iima dhadhaman, dhaqtarki durbadiiba wuxu soo qabtay gasac wuxuuna siiyay bukanki shey qaraar badan oo gasaca uu kaso bixiyay, kii ciyalka xafada aha intu u adkesan waayay ayuu tufay qaraarka, dhaqtarki wuxu yiri hadii uu dhadhanka kuso laabtay hambalyo 200 iska bixi, maalin kale ayuu soo laabtay kii ciyalka xaafada ah wuxuna yiri ditoore aniga waxba ma xuxuusto, dhaqtarki durbadiba gasacii ayuu soo qabtay, xarifki ciyalka xafada inta is celin waayay ayuu yiri sow maaha gasacii maalin dhaweyd ee qaraarka badna, dhaqtarki wuxu yiri markale hambalyo madama ad wax xusuusatay 200 shilina iska bixi, xariifki isagoo madax xanuun hayo ayuu isaga tagay.
Posted on: Sat, 23 Nov 2013 12:57:29 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015