Sheikh Hussein Guleed who is a teacher and daee in USA wrote this - TopicsExpress



          

Sheikh Hussein Guleed who is a teacher and daee in USA wrote this story, its about how he lost intouch with the teacher that taught him how to write back in 1974, Check out the love he has for his teacher!! May Allah restore peace in Somalia and all the Muslim lands. MACALINKAYGII AAN ILAAWI WAAYAY. QISO DHAB AH. Muddo haatan laga joogo 40 sano oo bilo dhiman waa sanadkii 1974 anigoo kunool dhul miyi ah tacliinta kaliya oo aan aqaanana ay tahay dhaqaalaynta xoolaha iyo tiradooda,ayaa dowladii kacaanka waxay keentay degaankii aankunoolaa BARE( macalin) loogu tala galay inuu reer guuraaga baro farta Somaliga.Macalinkaasi ma ahayn nin daahaan aad uwaynaa qiyaasta 15 ama wax udhaw ayuu ahaa mana ahayn nin waligiis miyi kuhoyday hal habeen,aniga garashadayda wuxuu ila ahaa nin ciyaal maamo ah oo aan isku filnayn,waxaa AQAL SOMALI looga dhisay meel aanka dheerayn guriganagii,wuxuu ahaa nin aad loowada xushmaynayay. Macalin Cali Abtidoon wuxuu bilaabay inuu dadkii ukala qaybiyo 3 qaybood 1;arday joogta ah.2; arday looxjiid ah oo iyagu xoola-jir ah.3;dadka waa wayn. Anigu waxaan nasiib uyeeshay inaan kamid noqdo ardaydii joogtada ahayd,waxaase intaa iidheerayd inaan noqday qofkii macalinka wehel ahaan ula seexan jiray habeenkii illeen waysuuroobi wayday inuu macalinku kaligiis guri cidla ah oo mugdi ah seexdo,fursadaasi waxay iisaamaxday inaan si dhakhsa ah ubarto fartii soomaaliga akhris iyo qoraalba,waxaan kaloo nasiib uyeeshay inaan Macalin Cali kabarto xuruufta farta carabiga inkastoo aanan baran higaada carabiga. Akhristaha qaaliga ahow Macalin Cali wixii mudadaas kadambeeyay wax war iyo wacaal ah kama helin,inkastoo magaalada muqdisho oo ahayd magaaladii macalinkayga uu kayimid aan kaga baxay dugsiga sare sidoo kale aan kadhigtay jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, baar baaris badan iyo baafin kaddib Allah maqadarin inaan helo akhbaarta macalinkaygii maxaa yeelay waxa kaliya oo aan hayay wuxuu ahaa magaciisa oo saddexan qabiilkiisa guud iyo iskuulkii uu waxkusoo bartay oo ahaa 15 may kaas oo uu kagaaray fasalka lixaad intaan loosoo dirin hawsha barenimo. Ugu dambayn muddo hadda laga joogo toddobaad anigoo eeg eegayo maxaa kacusub wadankii ayaa halmar indhahaygu qabteen magacii macalinkayga oo sidiisii ah wuxuu kamid yahay wafdiga dawladda Somaliya ee booqday gobolka Hiiraan,waxaan iswaydiinayaa tolow ma isagiibaa mise waa qof kumagac ah,magaranayo siaan ula xiriiro maxaa yeelay macluumaadka aan akhriyay kuma qorna telfoon ama email midna sidoo kale majiro qof katirsan dawladda somaliya oo aan xiriir leenahay.Runtii waxaa waxwalba iiga muhiimsan inaan macalinkaygii usheego inaanan ilaawin abaalkii uu iigalay islamarkaana aanan lumin xasuustiisa.
Posted on: Thu, 17 Oct 2013 10:50:49 +0000

Trending Topics



x; min-height:30px;"> Hey folks, join us as we support a young 32 year old man near and
كنت انا و 2 صحابي رايحيين نزور واحد
Meanwhile in B.C. 1. You know the provincial flower (mildew) 2.
Sejarah Awal Mula Umat Muslim di China Orang China mengenal Islam
theres a wonderful young lady who lives in the riverland who
Okay, so, Cecil and I went to The Village Baker for supper in our

Recently Viewed Topics




© 2015