Shir lagu qabtay Guriga Baarlamaanaka UK oo looga hadlay Xuquuqul - TopicsExpress



          

Shir lagu qabtay Guriga Baarlamaanaka UK oo looga hadlay Xuquuqul Insaanka Ethiopia Taariikhdu markay aheyd 26 November waxaa lagu qabtay abaarihi 5 galabnimo guriga Baarlamaanka Waddanka UK shirweyn oo looga hadlay arrimaha Xuquuqul Insaanka Ethiopia. Shirkan waxaa kasoo qeyb galay Madax sare oo kamid ah Dowlada UK, Xubno kamida Baarlamaanka Boqortooyada UK iyo Northern Ireland, Haayadaha Xuquuql Insaanka ee Ka howlgala Ethioopa iyo Jaaliyadaha kasoo jeeda Ethiopia iyo Jaaliyada Ogadeniya ee wadanka UK. Jaaliyada Ogadeniya ee wadanka UK ayaa hormud u aheyd xubnihii kasoo qeyb galay iyada oo Ururka dhalinyarada OYSU UK uu madasha kasoo jeediyay warbixino qoto dhaadheer oo looga waramayo xadgudubyada Bani aadanimo ee dowlada Ethiopia kula kacdo shacabka aan isdifaaci karin ee Maatida ah. Leyla oo kamid ah Masuuliyiinta Ururka OYSU ayaa halkaas kasoo jeedisay warbixin aad u soo jiidatay xubnihii Baarlamaanka ee kasoo qeyb galay shirkaas midaas oo shirkii kadib abuurtay in gooni loolabaxo su’aalo hoosena laga sii weydiyo iyo xogag dheeraad ah warbixntaas. Leyla ayaa u balan qaaday in si gooni ah ay xubno kamida baarlamaanka ugala shaqeyn doonto Jaaliyada Ogadeniya ee UK oo taagan ilaalinta iyo baahinta xuquuqda aadamaha dhulka Ogadeniya. Xamse shariif oo isagu u qaabislan arrimaha Xuquuql insaanka Jaliyada Ogadeniya iyo Gudomiyaha Jaaliyada London Mudane cabdi Casiis ayaa iyana shirkan kusoo bandhigay xasuuqa kasocda Ogadeniya iyaga oo sheegay in Bishan November ay xasuus gooni ah u leedahay shacabka Ogadneiya. Sanad kasta bishan waxaa ka dhaca Ogadeniya xasuuq lasoo maleegay gaar ahaan waxaa xasuus badan nagu heysa Xasuuqi November 2005 dad maxaabiis aha iyo dad xabaal joogay lagu xasuuqay. Gudomiyaha Jaaliyada London Cabdi Casiis Xasan Ayaa ONA u sheegay in shirkan ahmiyadiisa kowaaad kasokow soo bandhgida xuquuqul insaanka ay aheyd sidii looga hoortagi lahaa dhaqaalaha faraha badna ee Taliska Woyanaha Ethiopia uu ka helo wadamada deeqda Bixiya sida Wadanka UK. Arrintaasna Guulo badan ayaa ka gaadhnay waxaanan helnay Balan qaadyo dhab ah in Wadanka UK haayadiisa DFID cadaadis badan lagu saaro sidii dibu habeyn loogu sameyn lahaa Deeqaha ay siiso Ethiopia ilaa heer laga joojiyo waan daba soconaynaa. Blaydon MP David Anderson ayaa kamid ahaa xubnihii Baarlamaanka ee kasoo qeyb galay shirkan. Waxa uu Xildhibaanku sheegay in Haayada DFID cadaadis badan lasaari doono warbixinta kulankana uu u gudbin doono haayadaas. Horeyna waan ugala hadlay eegana diyaar baan u ahay in aan kala hadlo DFID. Sirkan waxaa kasoo qeybgalay Jaaliyada Oromada, Benshangul, SIdama, Kefocho, Ganbela, Jaaliyada Axmaarada iyo kuwo kale oo badna oo iyana soo bandhigay tacdiyada Goboladooda ka jira iyo sida beesha caalamku indhaha uga qabsaneyso dhibaatoyinkan.
Posted on: Wed, 27 Nov 2013 22:52:59 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015