Shirkeenii golaha wasiirada ee khamiislaha ahaa ee aan anigu shir - TopicsExpress



          

Shirkeenii golaha wasiirada ee khamiislaha ahaa ee aan anigu shir gudoominayay maanta waxaanu isla garanay muhiimadda baxinta mushaaraadka ciidamada dowladda hadii ay ahaan lahaayeen booliis, nabad sugid, xooga iyo asluubta. Askarigiiba waxaa uu guno ahaan u heli doonaa bishi 160 USD. Ma aha mushaarki ku haboonaa ee ciidamadu heli lahaayeen balse waa biloow aan rajeeneeno in loogu gudbo mushaar fiican oo ay ciidamada qalabka sida ee dalka ay helaan. Waxaanu rajeeyneeynaa in talaabadani ay wax wayn ka badasho amaniga dhamaan gobalada dalka ee laga xoreeyay argagaxisada oo ay caasimadu ugu horeeyso sidoo kalana looga sii xoreeyn lahaa goobaha ay kaga sii harsanyihiin dalkeena.
Posted on: Thu, 25 Jul 2013 18:14:21 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015