Shuruudaha lagu aqbalo cibaadada: a)- Iimaanka : Inuu qofku - TopicsExpress



          

Shuruudaha lagu aqbalo cibaadada: a)- Iimaanka : Inuu qofku rymeeyo Ilaahay, ogaadana in Alle oo kaliya xaq u leeyahay cibaadada Ilaahay wuxuuna yiri;Eebe wuxuu ku dhaartey waqtiga casarka ah in dadku khasaaro kusugan yahay marka laga reebo kuwa xaqa rumeeyay ee camal fiican falay. b)- Ikhlaaska: Inuu qofku Alle cibaadada u saafi yeelo kana fogaado istustus iyo isma- qashiis Ilaaheyna wuxuu yiri: Dadkana waxaan Eebe caabudidiisa ahayn lama farin iyagoo u keli yeeli Eebe diintiisa.. c)- Raacida Sunnada: Waxaa waajib ah in qofka muslimka ahi uu kaga daydo cibaadada iyo akhlaaqda ( dabciga wanaagsan) Nabiga oo keliya kana fogaado bidcada iyo firqooyinka ka leexday tubta toosan ee Nabiga kuwaasoo neceb Sunnada Nabiga camalkoodana lama aqbalo ee iyagaa dib loogu celin. Caaisha Allaha ka raali noqdee waxay tiri; Rasuulka Alle naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri: Qofkii ku soo deraya diinteena waxaan ka mid ahayn isagaamdib loogu celin. Taasi waxay daliil u tahay inaan diinta waxna lagu kordhin ama dhimi karin. Sidaas awgeed waxaa waajib ah in qofka muslimka ah inuu diintiisa barto kadibna uu raaci kitaabka iyo sunnada. Waayo Ilaahay ko ahaaye waxuu faray addoomadiisa wanaagsan iney ku daydaan Rasuulka naxariis iyo nabad gelyo Ebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri: Dhab ahaantii waxaa idiinka sugnaaday rasuulka kudayasho wanaagsan haddaad tihiin muminiinta ka rajeyneysa Eebe khayr maalinta qiyaame xusa in badan.
Posted on: Tue, 29 Oct 2013 18:47:48 +0000

Trending Topics



e="min-height:30px;">
I am over the bandwagon of burning jerseys, taking them off
How to Find FLU Designs F-35004 Grip Seat Cover for YZ 125/250
ျမန္မာျပည္ MOH
Oooops having promised myself I was not going to get another pup
Out of love, theres nobody around All I hear is the sound of a
I feel at this time I can share a little about the progress Zac

Recently Viewed Topics




© 2015