Sida wararku sheegayaan Midowga Yurub, ayaa go’aansaday in - TopicsExpress



          

Sida wararku sheegayaan Midowga Yurub, ayaa go’aansaday in khudbad uu Faroole ka jeediyey shirkii Brussels ka dhacay ee New Deal aan la baahin, lana duubin oo kaamirooyinkii laga damiyo. Haddaba war aanu kasoo xiganay caasimada ayaa xog iyo sawirro ku saabsan muran dhex maray Faroole iyo Midowga Yurub, wax yar un ka hor inta aanu billaaban shirka, taasi oo iminka la sheegayo in EU-da ay ku qasabtay inay ku xumeeyaan Faroole. Muranka ayaa billaabmay, kadib markii Midowga Yurub ay Faroole u qoondeeyeen inuu fariisto kursi ka dambeeye kan madaxweynaha Somalia (Sawirka hoose eeg waa Faroole oo fadhiya madaxweyne Xasan gadaashiisa) , ayada oo go’aankuna ahaa in dhammaan xubnaha Soomaalida ay xaga danbe feelaan dowladda Somalia
Posted on: Thu, 19 Sep 2013 08:39:09 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015