Sirta Nolosha Haadraawi Saaxiibkayow heedhe Safar baan ka imi - TopicsExpress



          

Sirta Nolosha Haadraawi Saaxiibkayow heedhe Safar baan ka imi dheere Marka hore salaan diirrran Marka xiga samow heedhe Ha ka nixin si-dalagtayda Sacab fara-madhnaantayda Suugaanta yaabkeeda Salka iyo fadhaa keena Marka xiga sugnaanteeda Socodkiyo falkaa sheega Xeerkeedu waa saase. Saaxiibkayow heedhe Anba saaka qaybteeda Sirsirraan ka joogaaye Xadhiggiyo bal eeg suunka Iyo sabarka gaadiidey Iyo salabka ii qaaran Iyo suudha guudkayga Hilaygiyo waxaan saabka U gilgiley Samaw haanta Subag inay ku dhiiqdaaye Saasay ku badisaaye Sannad weliba xeeshiiye Kol hadday silloonaato Samaheedu waa dhiige Sumuc talada loo dhiibye Sida sida sidaas weeye Si la yeeli jirey weeye Marka xiga Samaw heedhe Talo sibiq dhaqaaqeeda Soof-daran habawgeeda Sal-fudaydka hooggiisa Bal sallaankan fuul laalan Iyo sagabtan heensaysan Dhulka saas u jeedaali Sidan iyo sidaas fiiri Sidan iyo gadaal dheeho Raqda solan lafaa soogan Bal su’aal u celi meydkan Sababtuu u go’ay raadi Bal dhegeyso saylaanka Iyo salowga beer-qaadka Iyo sebiga yeedhiisa Waxaad aragtay oo saasa Waxaad maqashayoo saasa Maxaad odhan lahayd Suudi? Samalaho furfuriddooda Godka seer-ma weydaanka Marka ay sabbuux gaadho Si kalaan u dhigi taase Saaxiibkay Waayaale Suurtuu dhalaay heedhe Heedhee Sahraay heedhe. Waxaan adiga kuu saantay Dadka kaaga soo soocay Sahra kuugu yeedh-yeedhay Siduu aabbahaa heedhe Samo ii faraan heedhe Kuu siinayaa heedhe Sooyaalka taariikhdu Iyadaan salguurayne Murtidaan Sahraay heedhe Sadar kuugu qorayaaye Heedhee Sahraay heedhe Curad suubbaneey heedhe Summadii Rashiid yeelo Iyo weynidii Saado Iyo sawracii hooyo Sinjigii hablaa geeska Subaxdii indhaa kuulo Tintu saqafta yay waayin Iyo diibka loo saaro Subko oo xayaabayso Korka siigo yey taaban Ku illaali saabuunta Dharku siifad yuu yeelan Suyac iyo bar gaasheysan Ku ilaali saahoodka Garashadu Sahraay ruuxa Sed u gaara weeyaane Hadduu saamigaas yeeshay Qurux ma leh saluuggeedu Dadku siigga dida maaha Sogob iyo ri’weyn maaha Sumal iyo laxdiis maaha Rati iyo sabeen maaha Falka iyo sugnaantiisa Socodkiyo abbaaartiisa Dhaqan sida xishoodkiisa Dabar iyo silsilad haysa Iyo suun ma dhaafaan ah Wuxuu soofka xoolaaba Kaga soocan yahay weeye Waxan uga socdaa heedhe Naftu seeto yey waayin Hana falin sidaad doonto Hadalkana sar weedhiisa Una saaf qofkii waaya Ha ka tegin sarbeebtiisa Hana gelin sursuur oodan Hana lumin sargoyntiisa Hana liqin sangaabtiisa Ha ku saxan badheedhkiisa Runta sogordoh haw yeelin Ha suldaarin dooddiisa Sisibaa wadaaggiisa Sababee abbaartaada Hana badin su’aashiisa Sarrifkiyo tilmaantiisa Saddex erey halkii dooni Soddon yaanay kaa qaadan Siddi-qabaxi yay raacin Sare haw dhig-dhigin luuqda Gacantana ha saydh-saydhin Hana odhan wax sawliila Heedhee Sahraay heedhe Sarta hilibka dheehaaga Samaydaada dhererkaaga Sarajooga muuqaaga Sanqaroorka jaahaaga Dahab iyo xariir saran Uma baahna saantaadu Hadda silis ha xidhan maaha Luquntana ha sudhin mahaa Waxan uga socdaa heedhe Marka aad sunuud hayso Waxa suuq mug-weyn yaalla Ha la simin kitaab weeye Hurdo iyo Sahraay jiifka Marka hore sariir raadi Salli iyo furaash dayday Saddexdaba hadaad weydo Lama seexan kari waayo Hadda saantu qodox maaha Suugaantu gogol weeye. Ninku qaday Sahraay tiisa Hadduu seed liqliqiddeeda Ku saruurad goyn waayo Subag iyo baruur doono Sidu jecelyahaa been ah Dhadhan iyo sibraar kayda Sidig caanaheedaa leh Badar iy sarreen shiidan Iyo sixin ku iidaaman Wax la cuno sabiib baa ah Nin samaystay baa faan leh Waxaad haysataa saasa ah Ka sokow intaan sheegay Hadda soortu dacar maaha Dharku Saadhi qudha maaha Saylooni garan maaha Iyo sabarandaa giiran Mana aha surwaal biid ah Haddaan saarku kuu diidin Saddex-qaydu ceeb maaha. Heedhee Sahraay heedhe Sar daruuran oo maasa Mar Abu Sarmaantiiya Dhacle baarka loo seesay Boqor wada xiyaakhaysan Sildiyaal jiljila dhiibsan Tusbax dhawr sagaal laaba Iyo qool sunaar dheehan Subeciyad xiddiyo laaf leh Adigoo siddeeddaas hal Iyo timaha oo soohan Ku darsaday sifaa guudka Garashiyo sarriig sheegtay Ma qofkaa sitaa jooga. Hadda salamadhlow gaabi Ha ku jabin saqlaa waalan Sallow ololka hoy jooji Ha saloolan xayndaabka Ha ku bixin saloognaanta Ha sarriiran waayeelka Sakatiga ka daa beesha Saha iyo af kala qaadka Ha ka nixin hiddaa suubban. Gabdhayahow sidee waaye Ilbaxnimadu saas maaha Hadba suf karkaro maaha Sararaha bannee maaha Qorqor suunniyaa maaha Dhabanada sibbaaq maaha Sanka oo la mudo maaha Sakhrad iyo xashiish maaha Sawir iyo riyaaq maaha Filin iyo sarcaad maaha Saxan reer galbeed maaha Kabo sookal dheer maaha Suuriyo durduro maaha Salsalaw cid kale maaha Qof silloon ku dayo maaha Wax sawaaban noqo maaha Sinta iyo lafaa duudka Saddex goor jejebi maaha Dhaqankaaga saydh maaha Soomaali diid maaha Sidaad doonto yeel maaha Dhulka oon ku sidi waayin Samadoo la koro maaha Xilliyada wax saareenka Iyo saacadaa reebban Sabbadiyo rugtay joogtey Gabadh timi ma saalloona Ku salliya Rasuulkiina (C.S.W) Salka dhiga guryaa seexda. Sunsun falan siddaha feyda Sati fudud salaan sheegan Indha suhub af geed saarrey Hadba surin ka sheekeeya Sidan iyo sibaas yeela Ereyada saluuuggoo dhan Kuma lihid Sahraay meella. Sunbo iyo maraadaa leh Inta sibiq dhaqaaqdaa leh Sagan daaqa jiitaa leh Inta marinka seegtaa leh Waxba aan sugeyn baa leh Inta sharafta saydhaa leh Suuraafta maqan baa leh Xadhig lama sitaan baa leh Saca Faarsa nacay baa leh Barni sumal xadkeedaa leh Heedhe Sahraay heedhe Suugaantu iib maaha Erey iyo sunnee maaha Hugun iyo sitaad maaha Siddi iyo I daya maaha Sadho iyo xajiin maaha Laba saaq ku gado maaha Waxan seylad gelin weeye Sahdi iyo dareen weeye Bulsho saaasaheed weeye Samaheeda mudan weeye Sawdkeeda diga weeye Sacabkeeda kulul weeeye Marna baadi sooc weeye Sahan iyo tilmaan weeye Dhaxal soo jireen weeye Wax ku saabsan meel weeye So’da iyo ka guro dhuuxa. Heedhee Sahraay heedhe Sirta noloshu xoog maaha Dhagar iyo suryee mahaa Surma seegto dedan maaha Sibqi iyo hunguri maaha Sacab iyo ka leef maaha Sukhrad iyo fal xumo maaha Hadba seeb u rogo maaha Salfo iyo ku faan maaha Damac iyo sandaho maaha Derejiyo saldano maaha Saro io dhalaal maaha Sidan iyo sidaas maaha Hadda sadadu lacag maaha Heedhee Sahraay heedhe Bulsho saami loo tuurtay Shan siyood wax loo yeelay Samir inay xigtaan maaha Surka inay dhigtaan maaha Sas inay didaan maaha Inay suudalaan maaha Sardho inay galaan maaha Sixir inay dirtaan maaha Inay kala saftaan maaha Nin I sugayayow heedhe Anigoo ku sugey heedhe Maxaad ii sugtaa heedhe? Heedhee Sahraay heedhe Marka haaddu socod deyso Dhirta sare tukuu fuulo Gorayadu sanqadha reebto Adna soonka xidho maaha Mugdi talada sii maaha Berri iyo siday doonto Sug cadceedda maqan maaha Saqda dhexe habeen soocan Gudcur simay adduunkeenna Wax siraata noqo weeye Heedhee Sahraay heedhe Saran seerka jiilaalka Surbacaadka jaahweynta Sumal-haadka roob waaga Iyo solanka daaduunka Cirka oo sabaad guurey Dhulka oo huwadey siigo Iyo dogobbo soogsoogan Marka beladu sooyaanto Saadaashu beenowdo Saca nuguli kaa leexdo Adna sebenka raac maaha Inan sabadu duugoobin Sayax iyo ugbaad waayin Sudda iyo degaankaagu Surmi iyo harraad leeyan Ama saacu guur-guurin Sohda ceelku dheeraannin Adaa yeeli kara saasba. Heedhee Sahraay heedhe Saxariirka aafaadka Saxallada kal-meerkooda Sambabkuba col weeyaane Marka saymo loo iisho Ama soofku jaan qaado Ushu way sabooshaaye Ha ku dagan sidsidadkeeda Qalinkaa wax suureeya Kugu sima halkaad doonto Saaxiib kal furan weeye Sunto fara ku hayntiisa Weligaa ha sii deynin. Sisin iyo ku beer muufo Iyo laanta saytuunka Ku qotomi sungaan waarta Iyo nabadda seeskeeda Samo iyo ku doon heedhe Dunidiyo sinnaanteeda Ku dawee sawaaceenka Iyo siica daacuunka Ku burburi sarbaa mooska Iyo soohdimaa meersan Ku midee samuud raaca Midabada la sooc soocay Dadkan tobanka saamood leh Weligaa ha tumin seefo Iyo sabaradaha mowdka Dar samaysan baa yaalla Sancayahan gaboobaa leh Sahankaynu diranaa leh Nin sokeeyeheenaa leh Ninka sida xilkeennaa leh Ka sarjara heddeennaa leh Salab ciiddu hayn weydey Ninka sudhay xiddigahaa leh Nin sabuul la aayaysto Dhulka siib ku ridin baa leh Nin Sahraay adduunkeenna Sacad gubi karaa haysta Ninka sigay kun jeer baa leh Waxa nolosha saameeya Sako nimaan ka bixin baa leh Nafta saawa-saawaysan Santi nimaan ku furan baa leh Nin aqoonta soorkeeda Sida kale u rogey baa leh Ninka sulubka maadhiinka Ugu roon saboolkaa leh Nin samaa ku adag baa leh Sannadkaynu caydhowney Kaynu suus ka weynaa leh Naftu waa sir xeel dheere Nimaan suubin Karin baa leh Wedka qudha sameeyaa leh Sulda iyo xanuunkeeda Shalay iyo sadaaddeeda Iyo saawihii hoogga Naxdintii badh baa suuxsan Selelkii badh baa waashay Dad sawaaban baa buuxa Dumar waayey saygooda Hengashii sidaa muuqda Ololkii badh baan seexan Sarihii dumaa jiifa Qabrigii sinmaa jeexan Waxa saaka joogow ah Surrad baa I guud taalla Salabkii horaa tuuran Samadiyo dhulkaa buuxa Baddu waa sakalo miidhan Qalab suruc leh baa laalan Sanqadhuhu hub kacay weeye Sabarkii dadkaa baahan Saantii dadkaa qaawan Weli talo ma saalloona Waxa soo socdaa yaab leh Wershed suufiyaa daaran Waxay soo siddaa geeri Midhaheedu waa saymo Belo aan fan seeraarka Saxar loo mar-maran weeye Waxan ahay qof cayn saaban Deldelaad u sudhan jeebka! Allow yaa wax suureeya Salka dunida yaa dhawra Iyo seeska jiriddeeda Wacanaa sansaankeedu Badanaa sudaaddeedu Saxanaa hannaankeedu Allow yaan sugnaanteeda Saymiyo u rogin duullan Subax noolba dhiig daata Xadhig iyo silsilad shiilan Allow yaan sinnaanteeda Ku beddelin saraar oodan Iyo seere wiil qaytey Dadka saran guudkeeda Yaan ka dhigin sabool qaawan Iyo soobir caydh jooga Erey sami wuxuu gooyo Allow yaan ku jarin soodhka Garashada ka dhigan seefo. Allow yaa su’aashaasi Sida ay u tahay yeela. Heedhee Sahraay heedhe Dhulka iyo wixii saran Sare iyo wixii laalan Inta sudan intii seemman Waxa jira sir iyo caadba Rabbi qudha sax weedhiisa Sida uu ku yidhi buuxi Waxa hadhay salka iyo baarka Inta sool qarsoon joogta Inta seel xidhxidhan jiifta Inta saydha waabayda Maroodiga siddaa dheer leh Wiyil iyo sahboodkeeda Inta laga subxaanaysto Kolay tahay libaax sayn leh Marka aad Sahraay meel fog Uga suul-dhabaaleyso Deg-deg inay sujuuddaada Suxullada dhigtaan weeye! Sidashada awooddaasi Sahal io wax fudud maaha Qofba waa si garadkiisa. Heedhee Sahraay heedhe Badda iyo sulaaqeeda Iyo buurta saysaaban Onkodkiyo sawaxankiisa Salowgiyo jibaadkiisa Danabkiyo salsalihiisa Sarka dhabanka duufaanka Ha ka didin sawaxankooda Duni kuu sakhiran weeye Sayid baad u tahay caana Suubaali oo layli Ku sasabo aqoontaada Senge iyo ka dhigo doonni Sallo iyo ka dhigo oori Gabadh weeye caad saran Badi saayiraadeeda Iyo laab salaaxeeda Guro saadka guudkeeda Iyo sahayda uurkeeda Kordhi noole soorkeeda Iyo baahi saarkeeda Hubi nabad sugnaanteeda Iyo sabo negaanteeda Ha ku deyin xannun saaqa Ha ku badin saqaaf ciiddan Suluf iyo colaad waarta Ha ku saaxin naabaalka Iyo sulubka baaruudda Ha ku didin sabbeeyaanka Sabareynka boodbooda Iyo sukhula naareedka Ha la dhicin sawaariikhda Iyo saanadaa miiggan Ha sumayn macaankeeda Salabaha ha marin doogga Ha burburin sansaankeeda Quruxdiyo sureerkeeda Ha sadhayn hagoogteeda Sagalkiyo daruurteeda Ha sukuumin uunkeeda Saryankiyo ugaadheeda Ha furfurin sin-dadabkeeda Ha ka rogin dul saarkeeda Udubbada ha siibsiibin Ha afuufin suurkeeda Subax qudha ha duuduubin Sakaraadka taaheeda Uga xilo samaanteeda Sacabkiyo mashxaraddeeda Garashadu mid soofaysa Ha ka dhign sadqaynteeda Ha ku solo wanaaggeedu Ku sin inan-dumaalkeeda Kuwa saadanbee laalan. Heedhee Sahraay heedhe Seben tegey xusuustiisa Raad raaca Siinleyda Socod barashadii doodad Saxarliyo abbaarteeda Anigaan wax saaraynin Sannad iyo garaadkiisa Saadaashu been weeye Waxba samir ma liileeyo Ha sarwicin qof kaa jeeda Hana sugin nin kaa maarmay Hana sigan mar mooyaane. Nin ku siray ha faallaynin Sababana ha weydiinnin Ha u seeta dheeraynin Hana sidin culayskiisa Siriq iyo ku qabo baydo Hana falin siduu yeelay. Nin ku yidhi anaa saasa Ha ku odhan sidaas weeye Sida uu ku yidhi heedhe Haddii ay siniin weydo Ama sarin sanaan weydo Waxa furan sidaas maaha Qof saluugey maankiisa Ama suufay muuqiisa Ka sal kacay xaqiiqdiisa Qabku saami ladha maaha Nin sitaba bar baa saran Ninka sii sitaa jooga Raggannimada sooceeda Adigoo sagaal buuxshey Hal ku seegay baa yaalla. Sogotiga qof tegayaa leh Si hadday u dhici weydo Si kalaa u waan waan ah Dunidaa sidaas yeesha. Sooryana qof yimi baa leh Si hadday u noqo weydo Si kalaa u waaceen ah Dad horaa sidaad yeelay. Nin salaad u kacay oogan Sahwi galay xalaaleeye Adna sahankan beel loogan Ha ka dhigin socdaal baada In halkii sal hayn waayo Laga saba rogtaa doora In su’aal jawaabteeda leh Lala sara kacaa fiican Nin ku yidhi sinnaan mayno Adna buri sarrayntiisa Sidka waa wadaagtaane Ma sagaashan baa tiisu. Selelkaba hurdaa keenta Haba seexan goor baas leh Han sareedo loo waayey In saraayo loo daayo Sida aan u idhi weeye Bela saacaddeed joogta Sabti nabada haw riixin Subax dhalatay caadkeeda Ha ka bogan wax saarkeeda Adiguba samee maanta Berritona sargoo heedhe Noloshaba inaad saafto Qaabayso saabkeeda Waxaan suura gelin maaha Garashiyo sugnaan hoyso Falka sami ha kuu raaco Mana jiro sed kaa baaqday Ilbaxnimadu saas weeye Sirta noloshu taas weeye.
Posted on: Thu, 21 Nov 2013 15:50:52 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015