Somalia Dowlad aan shacabkeeda maamulin.. Somalia dowlad dadkeeda - TopicsExpress



          

Somalia Dowlad aan shacabkeeda maamulin.. Somalia dowlad dadkeeda aan ka haysan kalsooni. Somalia dowlad aan dadkeedu u sineyn.... Waxa laga soo wareegay 20 sano oo burbur ku habsaday .. Waxa u sabab ahaa burburkaa siyaasiyiin calooshood u shaqaystayaal ah. Waxa ay bulshadoodii u horseedeen hoog iyo hallaag , gaajo iyo burbur .. Waxa ay ku abuureen dadkoodii dagaal .. Waxa ay is dhax dhigeen cadaawo qabiil.. Waxa ay isku dileen qabiil qabiil .. Waxa ay hantidoodi dhaceen shacab... Dadkaa siyaasiyiinta ah ee umadooda cadowga ku ahaa. Dadka qaarbay u ahaayeen halyey, geesi.. Waxa dadka Somalia kunooli ay nabada kadoorbidayeen dagaalka. Waxay meel kaga dhaceen noloshoodii iyo dawladnimadoodii... Waxa ayna wali garowsan inay noqdaan dowlad waxaana ugu wacan hogaankooda... Somalia haka baxdo riyada runta ha isku sheegto... Ha qirto in Somaliland lajeceshahay inay Somalia nabad hesho ... Ha joojiso sheegashada ay sheeganayaan dhulka Somaliland. Somalia ha ogaato inaanay u baahnayn been dambe iyo siyaasi dambe oo beenaalaa ... Somalia si ay Dowlad u hesho waa in ay qirto in ay jirto dowlad kale oo Somaliland ah....
Posted on: Sat, 27 Jul 2013 04:06:40 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015