Su,aal Iyo Jawab Sidaan horayba u soo sheegnay Daahir Nuur - TopicsExpress



          

Su,aal Iyo Jawab Sidaan horayba u soo sheegnay Daahir Nuur Sugulle waa khabiir ku xeel-dheer arrimaha, mililatiriga iyo siyaasadda Gees-Weynaha Afrika (Greater Horn of Africa). Dowladda EPRDF ayuu u soo noqday Lataliye Sare, khaasatan dhanka Milatary Strategy and Greater Horn of Africa Political Science, in kasta oo khadkii lala rabay markay ka leexdeen uu Sugulle iskaga tagay, oo dib ugu noqday dowladihii Reer Galbeedka ee uu awalba Jaamacadaha NATO ee Militariga wax ka dhigi jiray. Dadka ina soo weeydiiyey su’aashan soo socota iyo su’aalo badan oo u’eg way badanyihiin, sidaa daraaddeed magacyadooda halkan kuma soo wada bandhigi karo. Su’aasha 2aad: Maxay tahay khadka lala rabay Ethiopia in ay marto, sidee ayeyse uga leexdeen, maxayse Reer Galbeedkuu maanta ka aamminsanyihiin Ethiopia? Waa Xaqiiqo Raadin. Jawaab 2aad: Ethiopia waxay soo martay silsilad dheer oo boqortooyo ay u adeegeyso kinisaddu (Monarchism). Adduunka waxaa ugu danbeyey maamul boqortooyo iyo kiinisad is-huwan xilligii kacaankii Franciska ee Napoleon Bonebert qarnigii 18aad. Dadku waxay ahaayeen laba dabaqadood, oo slave iyo master isu ah (addoon iyo kii lahaa addoonka). Waxay soo afjarantay xilligii Xayleselaasse 1974. Waxaa qabtay xilli iyadana ay taagantahay shuuciyaddu oo xukun military oo kulul uu ku xigay Mingist Xaylemariyam. Markii Shuuciyadda lasoo xididdo siibay, ayuu xukunkaasina dhacay 1991. Xilligaas isaga ah, waxay ku shireen mucaaradkii Ethiopia Yurub, waxaana lagu heshiiyey in qolo walba ay qabato dhulkeeda, dabeedna Addis Ababa laysugu yimaaddo, oo Transitional Charter lagu wada saxeexdo in lawada joogayo iyo in lakala tagayo. Xilligaas Somalia ayaa burburtay, dhammaan dalalkii shuuciyadda u ololeeyn jiray oo dhan baa laga takhallusay. Eritrea ayaa ugu xogbadneyd mucaaradkaas, oo dhulka Ethiopia oo dhan qabatay, Ogadeniya lama qabanin, bil kaddib ayey Ertrea iyo Tigray oo wada socda qabteen. ONLF shirkaas sidii ay u qaaddacday iyo markii danbe sidii ay ugu khasbanaatay in ay Charter-ka Aftideeda ku soo gudbiso, waa sheeko dheer oo danbe. Adduunka oo dhan ayaa Ethiopia u soo birmaday. Qolo walba iyada oo suxulduubeysa ayey soo rartay waxay khuburo lahayd oo dhan. Waxaa loo jeexay khad cad oo si hagar la’aan ah loo maalgaliyey. Afar barnaamij ayaa loo diyaariyey oo loogu dhiibay UNDP. Haddii aan jilciyo afarta program ee UNDP loogu dhiibay, waxay kala ahaayeen. Caddaaladda iyo Xuquuqul Insaanka (Justice System and Human Rights) Dowladnimo Wanaag (Good Governance) Dhismaha Tasiilaadka (Infrastructure Building) Tabar iyo Tayo Dhisid (Capacity Building) Lacag bilaashuruud ah ayaa lagu hurgufay. Qolaba danbeey ka lahayd. Danaha laga lahaa waxaa ugu weyneyd, in ay Model Africa u noqoto in dimooqraaddinimadu suurto gal tahay, sidaa daraadeedna, la helo irid laga soo galo Africa. Mar waxaad is odhan shirkii Berlin ee Africa ay ku qaybsadeen dowladaha reer Yurub mid u eg ayaa lala rabay Africa. Waayo Africa waa qaarad wali tihin, oo aan la soo saarin kheyraadkoodii dabeeciga ahaa. Boqol barnaamij oo la damcay in lagu soo dhexgalana Afrika, iridaha oo dhan ayey soo xidheen oo waxay odhan marlabaad baa la rabaa in nala gumeysto. Go’aankii ay ku qaateen 1972 Tokyo UN General Assembly (waxaa lagu naaneysaa 0.7%) ayey si adeg u dabajoogeen. (Marka kale ayaan ka sheekeyn doonnaa) Waxaa ka mid ahaa barnaamijyada la rabay in Africa lagu soo dhexgalo, ganacsiga xorta ah World Trade Organisation (WTO) ay inta Reer Galbeedka ahi kaliya saxeexdeen, oo la rabay in suuqyada adduunka oo dhan laysku furo. Tusaale ahaan, in laga furo Africa ganacsi ay dadku shaqo ka helaan, iyaguna ka helaan, lacag badan iyo kheyraad jaban. Waxaa ka mid ahaa, genetic modification-ka (GM) cuntooyinka la dhalangadinayo oo la leeyahay Africa gaajada ayaa laydinka saarayaa. Waxaa lagu soo garaacayey marwalba cunto gargaar ah (food aid dumping) xilliga ay beeruhu soo go’aan. Waxaa ka mid ahaa, warshadaha daawooyinka oo la arabay in laga sameeyo Africa isla markaana dadka lagu tijaabiyo. Irid laga soo galo ayaa la raadinayey Afrika. Markaas, Ethiopia waxaa laysku xidhay nadaamkii caddaaladda iyo horumarinta iyo dhaqaalaha. Waxaa la ansixyey Bottom-Up-Strategy, oo ah in horumarinta, iyo caddaaladdu isku xidhan tahay oo dhaqaalaha iyo kheyraadka dabeeciga ah ee ay degmo walba leedahay, iyadu soo sheegto sida ay ku gaadhi horumar. Xafiisyadii qorshaynta ayaa la gaadhsiiyey illaa heer degmo. Waxaa billaabmay iskumar seminaarro lawada siinayo militariga iyo booliska, shaqaalaha dowladda. Waxaa isku mar la sugayey in degmooyinku isku si u hanaqaadaan. TPLF waxay arkeen Odayaashii Ethiopia oo tabar loo yeelay; dadkii oo dhan oo sharciga bartay oo isku xukumaya; dadkii oo bartay macnaha doorasho waxa ay tahay, oo isdooranaya; dadkii oo bartay kheyraadkooda dabeeciga, oo dalabanaya mashaariic lagu maalgaliyo, Waagii oo ku baryaya ayeey is arkeen. Barnaamijkaasi wuxuu socday 1993 illaa horrantii 1994. Dhowr bilood markuu socday, oo wajigii hore ee wacyi galinta iyo tababbarka ah, ayey TPLF shir gashay. Waxaa u soo baxay, sida uu u socdo horumarku iyo haddii uu sii socdo, in aysan doorasho danbe kusoo baxaynin. Waayo, waxay Ethiopia ka yihiin 4%, meesha Soomalida reer Ogadeniya ay ahaayeen 8%. Go’aan ka-dhan horumarkaas ayey qaateen. Waxay iska soo xuleen dhowr nin oo jilib culustoodi ah oo ay ka mid ahaayeen, Meles Zenawi, Siye Abraha, Gebru Asrat, Ghidey Zeratsion, Aregawi Berhe, Tewolde Wolde Mariam, iyo Alemseged Gebreamlak, waxay kaloo raadiyeen markii la odhan jiray Marxist-Leninist League of Tigray; qolyo ay isku shuuci ahaayeen 1983, oo iyaguna jabay, raggii macallimiinta u ahaa, oo ku jiray the Albanian Party of Labour. Xafiiska Madaxweynaha raggii loogu talagalay in ay tababarka dhanka militariga ee ku aaddan sinaanta iyo caddaaladda iyo xuquuqul insaanku in ay aasaas u yihiin horumarka ayaan ku jiray. Waxaan tiigsaneynay sidii naloo fasixi lahaa, oo aan seminnaarro farabadan u soo bixin lahayn. Madaxweeynuhu (Zenawi) wuu qaatay wixii seminar ahaa. Toddobadaa nin oo wada socota ayaa noo timid. Talo kasta oo aan maalintii kuwada hadallo habeenkii waxay ula tagaan qolyo shuuci ah oo ay keensadeen oo Albaaniyiin ah. Annaguna waxaa kula soo noqonnaa dowladihii reer Galbeedka ahaa iyo ergooyin noo joogay safaaradaha. Waxa ugu muhiimsan ee laga garanayo, waxaa weeyaan Bottom Up Strategy naga daaya. Masii jiri doonno (haddan Tigree nahay) ayey sabab ka dhiganayaan. Ogadeniyana way gu’i, Axmaaro iyo Oromana inteey isku dhacaan ayaa la qixi. Durbadiiba dhaqaalihii oo dhan waxaa la galiyey ciidan. Waddankii oo dhan, waxaa lagu billaabay xisbigii ugu xoog badnaa ee Axmaarad in la qixiyo. Waxaa la weeraray Oromadii, oo markii hore lakala rebay. IFLO ayaa lagu billaabay, kaddibna OLF. Awaasa ayaa ku xigay. Markaas kabacdi ayaa ONLF la qixiyey. Jabhadihii soo jireenka ahaa ee dhargigii la soo diriray ayaa laga xaadhay waddanka, taladaasna waxaa lahaa nimankii Albaaniyiinta ahaa. Taladii reer Galbeedka waxba wuu ka dhageysan waayey Zenawi. Wasaaraddii Qorshaynta iyo Horumarinta oo la rabay in afartaas barnaamijba ay saldhig u noqoto ayaa markiiba la soo afjaray, oo laga soo reebay heer Kilil, meeshii ay ahaan jirtay illaa heer degmo. Ninkii ugu sarreeyey UNDP ayaa la eryey. Raggii ahaa Wasiir Goboleedyada Qorshaynta ee tacliintan wax ka qaatay oo dhan baa la xidhxidhay. Afartii barnaamijba halkii ayey ku bas beeleen. Waxaa beddelay shirkado ganacsi oo badan oo Tigree ah, oo qandaraaslayaal ah oo dhulboob iyo dhismo kaliya ka shaqeynaya. Lacagtii dowladda dhismo ayaa la galiyey, intooda Tigreega ah lagu naasnuujinayo. Waxaa ku xigay, gadoodkii ciidamada TPLF oo ay is-hayn waayeen, oo arkay golihii dhexe ee TPLF oo lacag yeeshay, oo ay iayaguna dheheen goorma ayaan annaguna dagaalka ka nasaneynaa oo aan lacag heleynaa. Qorshuhu wuxuu ahaa group-ka ugu horreeya ee iyaga ah, ee Jaamacaddaha ka baxa in laga dhigo Korneello, sidaasna ay ku dallacaan mid mid. Markiiba wuxuu magacaabay 18 General oo mid qudha oo wax qori kara uusan jirin, si uu iyaga u dajiyo. Wuxuuna siiyey xorriyad buuxda in ay waxa ay rabaan ka tabcadaan shacabka ay la joogaan. Laakiinse meesha kaliya ee ay wax qumman ka tabcadeen, oo aan wali wax audit ah oo lagu sameyey jirin waa kililka 5aad, sida ay caddeysay Jaamacadda Harvard ee dalka USA. Wuxuu go’aan ku qaatay wixii nadaamkan wax ka ogaaba in laga saaro meesha, oo lagu beddelo rag cusub oo yar yar oo dhago la’. Dugsiyadii Sare wuxuu ka dhigay laba laba sano kaliya. Wuxuu dhisay Civil Service College. Wuxuu yidhi halkaas nin ka soo baxay ayaa maamulaya waddanka oo dhan. Dhaqaalihii la saxeexay 1993 oo la rabay in 10 sano lagu hirgaliyo, reer Galbeedkii way la noqon waayeen, maxaa yeelay, gabbalkii-dhaca iyo waagi-baryaba wuxuu ku hanjabayaa sir uu mar ka helay isla reer Galbeedka oo ahayd, si kasta oo aad yeeshidba, dadkaas 80ka million ah, ha qixinin. Wuxuu billaabay in uu ku hanjabo dadkii 80ka million ahaa ayaan soo qixinayaa. Adduunka oo dhan qaxootiga jiraa waa 13 milion. 80 million sidee la odhan. Hadalkaas uu yidhi boqol joornaal oo addunka ka soo baxa ayuu ku qoran yahay. Mar ay damceen Golaha Dhexe ee TPLF in ay ka horyimaaddaan Meles horraantii 2001, wuu xididdo siibay. Abay Tsehaye and Hassen Shiffa ayuu ka soo reebay, labadubana ahaa rag rug caddaa ah oo isaga markii horaba meesha raggii u dhiibay ahaa. Siyaasaddii oo dhan wuu ka leexiyey, golihii dhexana wuu ka saaray, laakiin Abay-na wuxuu ku magacaabay wasaaradda Sonkorta oo aan jirinba, Hassan-na wuxuu ku magacaabay wasaaradda maraakiibta. Ninkii mar balaayada ahaa ee la odhan jiray Siye Abraha oo wasiirkii hore ee ahaa Gaashaandhiga, Bitaw Belay oo Madax arrimaha Gobalada iyaga markiiba xabsi buu ku tuuray. Ninkii ka ahaa Madaxweynaha Gobolka Tigray Gebru Asrat iyo ninkii ahaa Guddoomiye Kuxiggenka TPLF ee la odhan jiray Tewolde Wolde Mariam wuu ka qaaday xilalkoodii xabsi-gurina ka dhigay. 12 nin oo kalana wuuna ka saaray golaha dhexe ee TPLF wuuna ruqseeyey, qaarna wuu dilay, qaarna wuu xidhay. Ethiopiyadii kalena saddex nin (Cabdimajiid, Tamrat Layne, iyo Seyuum Mesfin) ayuu ka soo qaatay, oo markii danabana isagu gacantiisa ku dilay. Wax sharci ah oo u oggolaanaya in uu intaas oo tallaabo qaadana ma jirto, waa dictatornimo uun. Addunkuna sidaas unbuu afka gacanta ugu hayaa, oo daawanayaa. Iyada oo wixii la taliyaal ahaa ee addunka dacalladiisa ka yimid oo dhan ay iska noqdeen oo ku hungoobeen, ayaa waxaa dhacay degaalkii September 11 iyo ninkii waallaa ee Bush ahaa. Halkaas ayey mar kale kibistiisu maraq ku dhacday oo gacan yare u noqday la degaalanka argagixisada. Waxaana waliba u sii seeta-dheereyey Soomaalida ku nool Somalia, iyo in yar oo ku hadhay Ogadeniya oo adduun iyo aakhiraba aan kala ogeyn, oo qofkii aan Tigree soo marin uusan waxba ka noqon karin Soomaaliya iyo kililka 5aadba. Sheeko yarbaan ka sheekeynayaa ku saabsan sida ay Soomaalidu u gunoowdaye, nin aan saaxiib ahayn oo sargaal ahaan jiray ayaa yidhi Somalia ayaan u shaqo doonan. Yurub buu ka soo tagay. Markaasuu Nairobi tagay. Isaga oo koox la qayilaya, ayaa mirqaankii ka maray waxa uu damacsanyahay, markaasaa la yidhi, war waa talo fiicane, annagaa kuu geyneyna ninka Soomaaliya loo maro arrimaheeda, e ina keen. Isaga oo sidii u mirqaansan buu racay. Marka ay dhexda marayaan, ayey arkeen ninkani in uusan soo fidhanin oo wali jaadkii afku ku leeyahay. Meeshii ay ka kaceen ayey ku soo celiyeen. Markaasay dheheen si wanaagsan u labbiso oo rumayo, afkaaga hadduu jaad ku arko inama qaabbilayo e. Markaasuu yidhi war wa ayo ninka aad sidaas uga haybaysaneysaan? Markaasay dhaheen waa nin Tigree ah oo Gabre la dhaho, oo Meles habeen ay kala tirsadaan. War ma illaahaybaa!!! Isagaa marka salaadda la horistaagayo la yidhi, ha la rumaydo e. Soomaali in ay nin Tigree ah u rumaydaan ayey gaadheen, tolay-oo-tol-beelay. Hadda wuu soo afjarmay degaalkii argagixisada, iyagiina isbeddel baa ku yimid oo ninkii philosopher-ka ahaa wuu dhintay, ciidamadiina lama xukumo, siyaasiyiintoodina saddex kooxood bay u kala socdaan. Dadka xabsiyada ugu jirana ma tirsana, oo adduunkii oo dhan baa laga xidhxidhay. Waad arkayseen shalay State House qeelyadii ka yeedheysay. 20ka nin e ugu maalbadan Ethiopiana waa Tigree, waxay leeyihiin shirkado dhismayaal, waana kuwada wada wax alla waxa dhismo ka socda waddanka. Intaas bay kaga jeedaan, oo Soomaalidana indho-daraan ku noqotay, oo ay dhihi waddanka horumar baa ka jira. Reer Galbeedku waxaa maamula institutions. Waxay aragtida ka qaataan institutions-kaas. Rag rug caddaa ah oo think-tank ah , ayaana wada howsha. Raggaasi waaaaaaa hore ayey, ka samreen dowladda Meles Zenawi. Waxay u haystaan Ethiopia 90 million, oo masaakiin ah, oo nugul ah, oo maskaxda ka qaawan; (oo waayo nin walani intaas oo sano maba xukumi kareen dad wax garanaya); oo uu u taliyo nin waalan. Waxay u arkaan ninkaas waalan in uu nasiib badan yahay, oo ka dhashay qabiil adeg oo la yidhaahdo Tigree. Intii uu kaga tagay meeshana, wali xabaashiisa bay ka baqayaan. Ragga intii si wanaagsan u fahamtayna meel buu iskaga xidhay, oo waa raga hadda gilgilaya dhowladda. Ragga uu geedka iskaga xidhay ee kula jiray Golaha Dhexe ee TPLF waxaa ka mid ah: Sibhat Nega, Mulugeta Alemseged, Dr. Gebreab Barnabas, Dr. Adhane Haile, Ambassador Tewolde Gebru, Dr. Hailemikael Abera, Fiseha Zerihun , iyo Dr Wolderufael Alemayehu. Raggaas oo aan iyagu waxba ku heshiineynin saddex meelodna u kala socda, koox walbana ay leeyihiin dhowr general oo isku qabiil yihiin, ayaa dumin doona Ethiopia. Adduunku mar hore ayey ka samreen, lacagta ugu bandanna Carabta ayey ka helaan, oo ninkii Bush ahaa uu mar farta ugu miidaray oo ku yidhi Ethiopia ha la ogaado, waxay la dirireysaa argagixisada. Dadbase waxaa ugu ayaan daran, kuwa xabaashiisii taallada u dhisay hadda iyo kuwa lacagta u doontay ee isleh wax-baad ka tabcan doontaan. Waxayna ogeyn kooxda hadda ugu xoog badan ee Tigreega ah, ee ugu dhow in ay xukunkan afganbiyaan in ay yihiin kuwa ugu neceb Meles iyo wixii ku abtirsadaba. Wax hadal haya, ama ka cabsanaya, oo aamminsan in ay Ethiopia dowlad tahay, adduunka oo dhan Soomaali unbaa jirta. Lax waliba shilalka ay is-dhigtaa lagu qalaa. Iyaga unbaa halkaas is gaadhsiiyey. Ka-naxoow-nafta-waa. Daahir Nuur Sugulle ogadentoday
Posted on: Mon, 24 Mar 2014 04:24:05 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015