Tikniko & Ciidamo aad u fara badan oo ka soo baxay Magaalada - TopicsExpress



          

Tikniko & Ciidamo aad u fara badan oo ka soo baxay Magaalada Galbahaarey iyo Dagaalka oo Qabiil isku badali rabo . Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Magaalada Galbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya saakay ilaa xalay inay deegaanadaas ka soo qul qulayeen ciidamo iyo Tikniko aad u fara badan oo ku soo jeeda magaalada Kismaayo. Ugu yaran xalay ilaa saakay waxaa Magaalada Galbahaarey ee Gobolka Gedo ka soo baxay 21 Tikniko ah iyo gawaari kale oo xamuul ah kuwaas oo qaarkood waday Rasaas iyo Shidaal. Ciidamadaan oo u badan beesha Sade waxaa lagu wadaa inay garab siiyaan kuwa Col.Barre Hiiraale oo xaalada ku xumaatay ka dib markii ay dagaalka si toos ah u soo galeen ciidamada dawlada Kenya oo garbinaya maleeshiyaadka Axmed Madoobe. Inta badan beesha Sade markii hore kuma jirin dagaalka balse iminka ayaa moodaa inay soo wada galeen maadaama la Bililiqeeystay hanti badan oo beeshaan u taalay in mudo ah magaalada Kismaayo
Posted on: Sun, 30 Jun 2013 13:38:45 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015