Tokyo: 11 July 2013: Golaha Wasiirada iyo Gudiga Amniga ee dalka - TopicsExpress



          

Tokyo: 11 July 2013: Golaha Wasiirada iyo Gudiga Amniga ee dalka Japan ayaa Ansixiyay in mudo hal sano ah oo dheerad ah lagu daro Howlgalka Burcad-badeeda ka dhanka ah ee dowlada Japan ka wado Xeebaha Dalka Soomaliya. Dowlada Japan ayaa sheegtay in Maraakiibteedu ay si wadajir ah ula shaqayn Doonaan maraakiibta caalamiga ah ee Xeebaha Soomaliya ka wada howlgalka ka kadhanka ah Burcadbadeeda, japan ayaa sheegatay in Maraabkiibta lagu magacaabo MSDF ay Ka howlgali doonaan Xeebaha Soomaliya ayna ka hortagi doonan Afduubka Burcadbadeedu u gaystaan Maraakiibta Ganacsiga ee Isticmaasha Xeebaha Soomaliya iyo Xeebaha Badwaynta India, Ayna la shaqayndoonan Marakiibta Caalamiga ah ee ay lee yihiin Waddamada Ingiriiska, Australia, Turkey, koonfurta Kuuriya iyo Pakistan. Muqdisho 11 July 2013Qaraxaani oo ahaa Miinada Dhulka lagu Aaso ayaa waxaa maanta Agagaarka Isgoyska Ex control Balcad lagula eegtay Kolonyo ay saarnaayeen Ciidanka AMISOM. Goob jooge diiday Magaciisa in loo adeegsado Warbaahinta ayaa Shabelle u sheegay in Qaraxaasi Miino uu ku Geeriyooday Darawal ka tirsanaa Ciidamada AMISOM oo waday Gaari Tareel ah oo la socday Kolanyada ay wateen Ciidamad AMISOM ee Qaraxa lagula agtay Ex control Balcad . Goob joogaha ayaa sidoo kale waxa uu intaa kudaray in Darawalka Geeriyooday uu Waday Gaari Tareel ah hayeeshe Markii ay Miinada lakacday uu Garigaasi kala Dhantaalmay sidaana uu ku Geeriyooday Darawalka. Dadka Deegaanka ayaa Sidoo kale sheegay in Durbadiiba in Ciidamada AMISOM ay isku Geedaameen halka lagula eegtay Miinada walow aysan jirin Cid loo soo Qabtay Qaraxaasi. Maaha markii ugu horeysay oo Ciidamada AMISOM Miino lagula eegto Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho. Muqdisho, 11 July 2013 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub oo kala ahaa Erik Solheim oo horey u ahaa Wasiirkii hore ee Horumarinta Iskaashiga Caalimga ee Norway, haddana Midowga Yurub u xilsaaray arrimaha Shirka 16ka September 2013 ka dhacaya Brussels iyo Safiirka Midowga Yurub ee u fadhiya Soomaaliya Michelle Cervone. Madaxweynaha waxaa kulankan ku wehliyey Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Madaxweynaha iyo Lataliyeyaasha Madaxweynaha. Mr Erik Solheim ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha qaabilaadiisa, warbixinna ka siiyey Shirka 16ka September 2013 ee ka dhacaya Brussels sheegeyna in Midowga Yurub ay ka go’antahay sidii shirkaas uu u noqon lahaa mid miro dhal ah, isla markaana ay Soomaaliya la imaan doono COMPACT ku qeexan sidii dalka dib loogu dhisi lahaa iyo sida ay dowladdu mudnaanta u kala siineyso howlaha ay rabto inay qabato. Erik Solheim ayaa sheegey inay muhiim tahay in Dowladda Soomaaliyeed la dhageysto bacdamaa Midowga Yurub uu rabo in Soomaalida waxa ay rabaan la fuliyo. Madaxweynaha ayaa Erik Solheim uga mahadceliyey booqashadiisa iyo sida ay Midowga Yurub ay uga go’antahay inay hormuud ka noqoto dib u dhiska dalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa yiri “Dowladdu waxey u xilsaartay guddi ka shaqeeya arrimaha NEW DEAL oo ku saabsan shirka 16ka September si shirkaas u noqdo mid guuleysta oo wax dalka Soomaaliya dan u ah ay ka soo baxaan. Sidoo kale waxaan wadnaa wadatashiyo aan la sameyneyno dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada si COMPACT-ka (dokumentiga) la sameynayo u noqdo mid ka yimid baahiyaha deegaanada iyo shacabka Soomaaliyeed oo ay guddigu booqan doonaan magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Hargeisa iyo Garoowe. Dokumentiga la horgeynayo Brussels 16ka September ayaa noqonaya mid dib u dhiska hay’adaha dalka mudnaanta koowaad siinaya si loo helo hay’adihii u shaqeyn lahaa shacabka Soomaaliyeed.” Madaxweynaha ayaa Midowga Yurub ka codsaday in shirkan uu ka duwanaado kuwii hore oo Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay ka wada shaqeeyaan isla markaana dabagal ku sameeyaan sidii ballanqaadyada loo fulin lahaa oo dhammaan mashaariicda la ballanqaado ay u hirgeli lahaayeen. Madaxweynaha ayaa sheegey in Dowladdu ay diyaarsay nidaamkii maamulka maaliyadda oo kalsooni siin kara dalalka deeqaha baxsha. Kulanka ka dib ayaa Safiirka Midowga Yurub Michelle Cervone iyo La Taliyaha Madaxweynaha ahna Afhayeenka Madaxtooyada Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa shir-jaraa’id wada qabtay. Shirka 16ka September 2013 ayaa wada shir-guddoominaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, ahna Madaxa Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub Lady Catherine Ashton. Geneva: Khamiis July 11, 2013 Wararka kasoo baxaya xarunta QM ee ku taalada dalka Switzerland ayaa sheegayaa in dowladda Soomaaliya loo soo jeediyay amaan kadib markii ay ku guuleysay in ay miiska soo saarto qaraar lagu difaacayo Xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee la takooro ee loo yaqaano dadka kor-cadaad qaba ama dadka qabada Albinism. Fadhigii 23aad ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM ayaa meel mariyay qaraar uu soo bandhigay safiirka Soomaaliya u fadhiya QM, dalka Switzerland iyo hay’adaha caalamiga ah ee gaarka ah Ambassador Yusuf Max’ed Ismaciil Bari Bari. Kahor inta aan lasoo bandhigin qabyo qoraalka ay Soomaaliya waday ayaa waxaa shirka ka hadlay mas’uulka QM u qaabilsan xuquuqda dadka la jirdilo Juan Méndez oo sheegay in waxa ku dhacaya dadka qaba cudurka kor-cadaad ay yihiin kuwa xaasidnimo ah oo ka baxsan bani’aadannimada oo aan marnaba loo heli Karin wax qiil ah. Juan Méndez waxaa uu sheegay in dadka qabo cudurka kor cadaadka aan jirkooda la jar jarin oo kaliya balse ayaga oo nool la aaso. Intaa waxaa Juan Méndez ku daray in dadka kor cadaadka qabo oo dalka Soomaaliya meela ka mid ah loogu yeero “gaduudow” ayaa waxaa deyriyo qoysaska ay ka dhasheen, taas oo lagu tilmaamay nooca ugu xun ee takoorka. Arrintan oo mid aad u xanuun badan ah ayaa waxay keentay in ay dalal badan oo ka tirsan qaarada afrika ay ka gabadaan sababtoo ah dalalkooda waxaa ka jiro dhibaato lagu hayo dadka qaba kor-cadaadka. Balse Ambassador Yusuf Bari Bari ayaa sheegay in Soomaaliya ay miiska saareyso qaraar lagu difaacayo laguna hormarinaayo xuquuqda dadka qabo cudurka Kor Cadaadka. Qaraarkan ayaa waxaa si buuxda u meel mariyay Golaha QM ee Xuquuqul Insaanka taasoo keentay in Soomaaliya oo mar waliba lagu sheego in ay ka jiraan tacadiyo xuquuqul insaanka ah ay hormuud ka noqotay difaacitaanka xuquuqda dad lagu hayo dhibaato ka baxsan dadnimada loo geysto. Arrintaan ayaa waxaa ay keentay hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka iyo daryeelka dadka dhibaateysan amaanaan dowladda Soomaaliya ayadoo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ay waraaqo lagu bogaadinayo loo diray. Peter Ash oo madax ka ah hay’ad caalami ah oo la yiraahdo Under the Sun oo xarunteedu tahay Canada oo ka shaqeyso difaacitaanka xuquuqda dadka qabo Kor Cadaadka ayaa ku amaantan madaxweyne Xasan Sheekh, dowladiisa iyo Ambassador Yusuf Bari Bari dadaalka lixaadka leh ee ay ka galeen difaacitaanka xuquuqda dadkan sida weyn loogu xad gudbo. Tilaabadan wax ku oolka ah ayaa waxay imaaneysaa kadib markii Soomaaliya sidoo kale ku guuleysatay in ay miiska soo saarto qaraar lagu difacayo xuquuqda aadanaha ee dadka Eritrea, taasoo Golaha uu u riyaaqay balse ka careysiiyay dowladda Eritrea. Soomaaliya oo mar waliba kaga soo muuqata QM si lo wajaho dhibaato ka jirta dalkeeda ayaa waxaa soo muuqaneysa in dowladda Soomaaliya ay door muhiim ah ka qaadaneyso fagaarayaasha caalamiga ah oo magacii ay ku laheyd dib uu usoo laabanayo. Safiirka Soomaaliya ee fadhiya Geneva Ysuuf Bari Bari, oo ah shaqsi si weyn uga muuqda safiirada caalamka ee fadhiya dalka Switzerland, ayaa sidoo kale si xoog leh ugu dhiidhiyay dhibaatada lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Africa asaga oo kaga hadlay fadhiyada xuquuqul insaanka iyo kuwa sida gaarka ah ee ay isugu yimaadin dalalka afrikaanka, ayadoo dowladda Koofur Africa ay dareentay weji gabax weyn. Http://somaligov.net/
Posted on: Thu, 11 Jul 2013 20:17:14 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015