WAA QOF CEYNKEE AH XASAN DAHIR? Xasan Daahir waxa uu ku - TopicsExpress



          

WAA QOF CEYNKEE AH XASAN DAHIR? Xasan Daahir waxa uu ku dhashay magaalada Dhuusamareeb sanadku markii uu ahaa 1932-kii, intii uusan siyaasadda ku biirin waxaa uu ahaa sarkaal korneeyl ka ah dowladii Siyaad Barre, waxaa uu ahaa nin siyaasi ah isla markaasna u xuubsiibtey in uu ku biiro nidaamkii dagaalyahanka Islaamiyiinta ee ka dilaacay Soomaaliya kadib markii ay dhacday dowladii Maxamed Siyaad Barre. Waxa Xasan Daahir Aweys uu ku biiray liiska argagixisada caalamiga ah waxaana arrinkaas shaaca ka qaaday dowladda Mareykanka sanadkii 2001-dii. Daahir Aweys waxa uu noqday madaxa ugu sareeya ee golahii Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ahaa waxaana ay ka koobnaayeen 90 xubnood oo loo yiqiin golahii shuurada. Xasan waxaa loo arkaa in uu ahaa mid ka mid ah hogaamiyeyaashii ugu mayalka adkaa ee Maxaakiimtii Islaamiga ku jirtey, waxaana muddo kadib amarro culus ka qaadanayey guud ahaan ciidanka maleeshiyaadka ah ee Maxaakiimtu dhiseen. Taariikhdu markii ay ku beegnayd Juun 2006 waxaa uu hogaamiyuhu amar ku bixiyey in ay maleeshiyaadka maxaakiimtu ay si deg deg ah talada caasimadda ula wareegaan. Gole ka kooban 8 xubnood ayaa sidoo kale waxaa hogaaminayey Sheekh Sharif Sheekh Ahmed, waxaana ay warbaahinta BBC ee Ingiriisku ay tilmaantay in Sheekh Shariif uu ahaa ninka keliya ee talada uu ku lahaa maxkamadahu ay aheyd mid heer kala amar qaadasho gaarsiisneyd. Hase yeeshee Xasan Daahir Aweys waxaa uu maxaakiimta iska casilay 28-kii bishii Diseembar 2006. Waxaana kolkaas soo idlaanayey taladii maxaakiimta ee magaalada caasimadda ah. Dib marka loo fiiriyo abaarihii sanadkii 1990-kii waxaa uu Xasan Daahir sutida u hayey ururkii Al-Itixaad Al-Islamiya (AIAI), waxaana kooxdan ay mas’uul ka aheyd weeraro argagixiso oo lagu qaaday hoteello iyo suuqyo ku yiil wadanka Ethiopia magaalooyinkiisa Addis-Ababa, Dirir Dhabe, Jigjiga, iyo magaalada Harar. Waxaa taariikhdu ka faaleeysaa in aasaas ahaan uu Xasan maalgelin xoog leh uu ka helayey hogaamiyihii ururka Al-Qaacida, Osama bin Laden oo isagu u dhashay wadanka Sacuudiga lalana xiriirinayo qaraxyadii sanadii 1998-kii lagu weeraray safaaradaha Mareykanku ku leeyahay wadammada Kenya and Tanzania. Xasan Dahir Aweys waxa uu qeyb ka ahaa markaas ururkii Al-itixaad kaasi oo marar badan qabsaday meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, isagoo ururkaasi mas’uul ka ahaa dhicistii dowladii Soomaaliya intii u dhaxeysay 199-dii ilaa 1998, AI-Itixaad waxa ay saldhigyo milletari ku laheyd gobolka Gedo waxaana qeybta gobolkaas heystay garsoorihii hore ee maxkammada sare ee dalka Maxamed Xaaji Yuusuf, waxaa sidoo kale Al-Itixaad ay xarumo waaweyn ku lahaayeen magaalooyinka Luuq, Beled Xaawo, iyo Buurdhuubo. muddo kadib waxaa Xasan Daahir uu ciidamkiisa ula soo dhaqaaqay dhinaca gobolka Shabeellada hoose isagoo Gedo uga soo tegay muran halkaasi ku dhex maray madaxdii ay ururka a-Itixaad islaka tirsanaayeen. Taariikhdu markey ku beegnayd 18-kii September 1996, waxaa ciidammada millateriga ee dowladda Ethiopia ay weerar ku harqiyeen magaalada Luuq waxaana lagu qasbay Al-Itixaad in ay badankeed ka baxdo degmada Luuq. Waxaana markii dambe dhacayey dagaalo ka dhacayey buuraha gobolkaasi Gedo. Waxaa Ethiopia ay ku hubeysay ururkii SNF waxaana hubkii ay Ethiopia halkaas ka qeybisay uu gaarayey ilaa 800 ilaa 1000 qoryaha yar yar ah iyo saanad millteri, Hase yeeshee dagaalka Gedo waxa uu ku dhammaaday in labada dhinac ay heshiis wada gaareen kaasi oo ay isku raaceen heshiiskii nabadeed ee lagu qabtay Ceel-Cadde bishii diseembar 1998 . Bishii Luulyo 2-keedi sanadkii 2006, waxaa Xasan Daahir Aweys uu warbaahinta raadiyaha ka sheegay in uu si adag ugu baaqayo in dagaal jihaad ah lagu qaado dhulka Itoobiya. Isagoo halkaas ka sheegay in Ethiopia ay soo gashay dhulka Soomaaliya si ay ugu hiiliso dowladda Soomaaliya. Bishii November 17, 2006, Sheekha waxa uu ka hadlay raadiyaha Shabelle isagoo carabka ku dhiftay sidii Soomaaliweyn la isugu soo celin lahaa. Waxaana uu raadiyahaas ka sheegay in la isku soo celin doono Soomaalida geeska Afrika u kala yaacday. “Kama tegi doonno walaalaheen Kenya iyo Itoobiya sidii aan ugu soo celin laheyn xornimadooda iyo dhulkii ay ka soo askumeen ee Soomaaliya” Waqtiga xaadirka ah waxaa u baahan oo Xasan Daahir raadinaya booliska caalamiga ah ee loo yaqaan Interpol.waxaana ay ku heystaan arrimo la xiriira argagixisada, Xasan Daahir waxaa madaxiisa yaalla adduun dhan $5,000,000 si gacanta loogu soo dhigo isaga iyo qoyskiisa. Arrimaha gobolka ayaa cirka isku sii shareeray kadib markii bishii Noovember ee 2006, ay safaarada Mareykanku soo saartay digniin ka dhan ah argagixisada waxaana ay hanjabaad soo gaartay safaarada mareykanka ee Nairobi iyadoo loogu hanjabay in dad naftood u hurayaal ah ay weerari doonaan Adiss Ababa iyo Nairobi. Bishii Diseembar 19-keedii, 2006 waxaa uu Xasan Daahir xaalad caafimaad ugu kicitimay wadanka Masar waxaana uu halkaas ka soo helay daaweyn caafimaad. kahor inii uusan bilaabanin dagaalkii UN-ku ay taageerayeen laguna soo dhoweynayey dowladdii ku meel gaarka aheyd. Diseembar 2006, kadib markii uu xoogeystay dagaalkii Itoobiyaanka ee waqtigaas ayaa waxa uu Xasan ka soo agdhowaaday Jeneraal Yuusuf Maxamed Saciid Indhacade. 27-kii diseembar 2006 waxaa Xasan Daahir oo hogaaminaya boqolaal dagaalyahankan Shabaab oo ah garabkii milleteri ee Maxaakiimta ay ka soo baxeen magaalada Muqdisho waxaana ay wejiga soo saareen saldhig hore oo Itixaadku ku lahaayeen Raas-kambooni. Dhamaadkii Diseembar 2006 waxaa uu axdi ku maray in uu sii dagaalami doono waxaana uu ugu baaqay wax iska caabiyeyaashiisa in ay dowladda ka hortagaan. Dhinaca kale ciidammada Itoobiya ayaa magaalada Muqdisho ka soo cirdeeyey iyagoo sidoo kale Itoobiyaanku ay lugta soo marsiiyeen Shabeelada hoose iyagoo dhinaca Kismaayo soo beegsaday. Bishii Janaayo 2007, Xasan Daahir lama ogeyn meel uu joogo waxaana la qiyaasayaa in uu aad u xanuunsaday. Horaantii 2009 waxaa afar urur ay isugu tageen caasimada Eritrea ee Asmara, waxaana halkaas isku arkay Sheekh Xasan Daahir, Sheekh Xassan Cabdullaahi Xersi “Turki” oo watey mucaskarka Raaskambooni iyo weliba Jabhado kale oo ay ka mid yihiin Jabhatul Islaamiya iyo Mucaskar Caanoole halkaasna waxa ay ka sameeyeen midow ay u dhan yihiin oo Xisbul Islaam lagu xoojinayo, iyagoo isku raacay in gaashaanka loo daruuro dowlad uu madaxweyne ka noqdo Sharif Sheekh Axmed. Bishii Apriil ee sanadkii 2009 Aweys waxaa uu ku noqday Somaaliya waxaana uu iclaamiyey dagaal ka dhan ah ciidammada AMISOM waxaana uu farriintaasi si cad ugu diray Shariif Sheekh Axmed. Isagoo Xasan yiri “Dowladda Shariif ma aysan soo dooranin shacabka Soomaaliyeed mana matasho danaha dadka Soomaalida ah” Si kastaba ha ahaatee waxaa uu waagii dambe la midoobey Al-Shabaab waxaana tani iyo ku soo biyo shubashadiisii Al-Shabaab uu hirdan xooggan kala kulmayey hogaamiyeyaasha kale ee mayalka adag sida Mukhtar Robow (Abu Mansoor) iyo Sheekh Mukhtaar Cali Zubeyr (Godane), sababtuna waxa ay aheyd Xasan Daahir oo aaminsanaa in Godane xilka amiirnimada xarakada laga qaado. Sheekha ayaa waxaa la ayidsanaa in uu ahaa hogaamiye diimeedka xarakada Al-Shabaab kala taliya arrimaha diinta iyo shareecada. Sawirkan hoose waxaa la qaaday kadib markii ururka Xisbul Islaam ay fariisiyeen idaacadii GBC ee degmada Hurwaa, Xasan waxaa uu u qudbeynayaa saxafiyiintii idaacada ka shaqeyneysay:
Posted on: Sun, 14 Jul 2013 21:32:16 +0000

Trending Topics



dy" style="min-height:30px;">
Behold, I will gather them from all the countries to which I drove
Eu quero você aqui. Eu quero o teu abraço, eu quero segurar os
Today, I am singing …. of sweet love… and thinking of you, my

Recently Viewed Topics




© 2015