WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA Moqdisho: Isniin June 24, - TopicsExpress



          

WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA Moqdisho: Isniin June 24, 2013 (Wararka Dowladda Soomaaliya): War Goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Qarax Miino oo Khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac Geystay uu ka dhacay Inta u dhexeysa Isgoysyada Ex-Control Balcad iyo SOS. Qaraxaan oo ka dhashay Miino dhulka ku aasneed ayaa la sheegay in ay ku qarxday Gaari nuuca qaada dadweynaha kaasi oo ay saaraayeen Darawalka iyo Kirishboyga oo qura kuwaasi oo ku dhintay Qaraxaasi. Ma jirto Cid ka hadashay Qaraxaasi ee isugu Jirta Maamulka Degmada Huriwaa iyo Kooxihii dhigay Miinadaasi hase ahaatee dhowr Jeer oo hore ayaa wadadaasi waxaa ka dhacay Qaraxyo Miino oo Masuuliyadooda ay sheegteen Ururka Al Shabaab. Moqdisho: Isniin June 24, 2013 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Kulan Looga oo Looga hadlayay Ammaanka ayaa wax uu dhexmaray Guddoonka Baarlamaanka iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Kulankaasi oo Saxaafaddu dibad Joog ka ahayd ayaa waxaa lagu lafa guray sida lagu sugi karo Ammaanka Magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulankii ay la qaateen Taliska Ciidamadii Buliiska faah faahin ka bixiyay ayaa waxa uu sheegay in ay kala hadleen Booliska in ay ka soo dhalaalaan Waajibaadkooda ku aadan Sugida iyo Xaqiijinta Nabad Gelyda dalka Gaar ahaan Muqdisho. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal C/xakiin C/llaahi Saciid ( Saacid) oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in kulankii ay la qaateen Baarlamaanka in ay wax badan ka faa’ideysteen , islamarkaana ay isku afgarteen qodobo ay ka mid yihiin in Buliisku ay dhowraan Xuriyadda Muwaadinka Soomaaliyeed iyo in la sameeyo Guddi Hoosaadyo Baarlamaanka iyo Booliska isugu jira ee la wada socda Xaaladda Amni ee dalka. Kulankaan ay wada Qaateen Guddoonka Baarlamaanka iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa uu imaanayaa xilli Muddooyinkii dambe falal Ammaan darri ay ka taagnaayeen Caasimadda Muqdisho. Moqdisho: Isniin June 24, 2013 (Wararka Dowladda Soomaaliya):Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa Xalay mid ka mid ah Xoghaynada Baarlamaanka waxa ay ku toogteen Xaafadda Ceel Qalow ee Degmada Wada Jir ee Magaalada Muqdisho. Agaasimaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Ciyoow oo la hadlay Idaacadda Dowladda ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xalay kooxo Hubeysan ay ku toogteen Cabdalle Xasan Yarow oo loo yaqaanay Cabdalle Biyoole oo ka mid ahaa Xog haynada Baarlamaanka Soomaaliya . Max’ed Cabdullaahi Ciyoow Agaasimaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu intaasi kudaray in Kooxaha dilkaasi geystay ay yihiin dhnacyada ka soo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya. Kooxihii dilka u geystay Xog heyntaasi ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Goobta isaga baxsaday, Mana aha markii ugu horeysay oo Masuul ka tirsan dowladda Soomaaliya dil loogu geysto Degmada Wada Jir ee Gobolka Banaadir. Muqdisho June 23. 2013 Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lacag gaareysa 30,000$ (Soddon kun oo Doollar) oo ay gunadooda bishan ka jarayaan ugu deeqay carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen askarta Booliiska ah ee naftooda u huray dalkooda,dadkooda iyo diintooda kadib kulan ay Mudaneyaasha Baarlamaanka iyo Saraakiisha Booliiska ku yeesheen magaalada Muqdisho. Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa soo xaadiray saraakiisha ugu sareysa Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed oo iyagu kasoo jawaabay u yeerista Xildhibaannada Baarlamaanka. Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulankan si rasmi ah u furay ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey saraakiisha Ciidammada Booliiska ah sida ay ugasoo jawaabeen u yeerista Mudaneyaasha Baarlamaanka ayadoo talaabadanna ay muujineyso sida ay hay’adaha ammaanka gaar ahaanna Booliiska tixgelin u siinayaan la shaqeynta Baarlamaanka Soomaaliya. Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto C/xakiin Daahir Saacid oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu horyimaado Baarlamaanka Soomaaliya waxaana uu intaa ku daray in mar walba Saraakiisha Ciidammada Booliisku diyaar u yihiin iney ka jawaabaan awaamiirta Baarlamaanka. Intaasi kadib kulanka ayaa noqday mid ay albaabada u xiranyihiin ayadoo saxaafadanna dibad joog ay ka aheyd waxaana ay si hoose uga wada hadleen Mudaneyaasha Baarlamaanka iyo Saraakiisha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed sida ay uga wada shaqeyn karaan sugidda ammaanka Dalka iyo sida loo sixi lahaa dhaliilaha jira waxaana markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib saxaafadda la hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed. Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa tilmaamay in kulankii maanta ay si calool fiyoobi ah uga wada hadleen saraakiisha Booliiska iyo Xildhibaannada Baarlamaanka sugidda ammaanka Dalka iyo wada shaqeynta dhanka amniga ah islamarkaana kulanka lagu go’aamiyey in wada shaqeyn joogta ah ay Xildhibaannada iyo Booliiska ka yeesheen adkeynta amniga. “kulankan waxa uu ahaa mid muhiim ah runtii ka sokoow go’aaminta wada shaqeynta Baarlamaanka iyo Booliiska ammaanka waxaa kale oo ay Mudaneyaasha Baarlamaanku go’aamiyeen in lacag dhan 30,000$ (Soddon kun oo dollar) oo ay mushaarkooda ka jarayaan bishaan ay ugu deeqeen carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen Askartii Booliiska ee naftooda u huray dalkooda,dadkooda iyo diintooda, waxaan rajeynayaa iney wadashaqeyntaan ay sii ballaaran doonto oo ay wada shaqeyn doonaan gudiyo labada dhinac ah”ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto C/xakiin Daahir Saacid oo isaguna ka hadlay shirkajaraa’id ayaa uga mahad celiyey Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay ugu damqadeen carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyoodeen Askarta Booliiska waxaana uu talaabadan ku tilmaamay iney dhiiragelin u noqon doonto Ciidammada Booliiska ah ee hada shaqeynaya, sidoo kalena waxa uu taliyuhu ballan qaaday in wadashaqeynta Booliiska iyo Xildhibaannada Baarlamaanka aynoqon doonto mid joogto ah. Si kastaba kulankan ayaa kusoo gebageboobay jawi aad u wanaagsan maadaama ay si hoose sugidda ammaanka Dalka uga wada hadleen Taliska Booliiska saraakiisha ugu sareysa iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ah ee Soomaaliya waana kulankii ugu horeeyey ee noociisa ah oo ay si wadajir ah xarunta Golaha Shacabka ugu yeeshaan Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Taliska Booliiska Soomaaliyeed. Http://somaligov.net/
Posted on: Mon, 24 Jun 2013 10:18:56 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015