WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA Moqdisho Jimco Agoosto 9, - TopicsExpress



          

WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA Moqdisho Jimco Agoosto 9, 2013 Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawlada Puntlnd ee Soomaaliyeed ku sugan todobo xildhibaan kuwaas oo dhamaantoodba kamida xildhibaanada Reer Punntland ugu Jira Dawlada Federaalka ah Baarlamankeeda. Xildhibaanada ayaa imaanshahoodii Puntland kasoo degay Magaalada Gaalkacyo iyagoona sheegay in Puntland ay ugu socdaan arimo Booqasho balse Markii ay gaareen Magaalada Garoowe ayay sheegeen inay socdaalkooda qaybta ughu wayn ay uga hadli doonaan sidii loo xalin lahaa khilaafka dhex yimid Dawlada dhexe iyo Puntland. Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo hogaaminayay wafdiga xildhibaanada ayaa kulankoodii Garoowe ku shegay inay Jiraan ma madowyo badan oo Dastuurka ku jira balse Baarlamanka uu marayo. lama oga waxa kasoo bixi kara kulanka Masuuliyiinta Puntland ay la qaadanayaan xildhibaanadan kasocda Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo sida Puntland ay usoo celin karto xiriirkii Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay lalaahayd ee sida KMG ah ay ujartay. Dhinaca kale mid kamid ah Xilidhibanadaas Muqdisho kayimid ayaa Saxaafada la hadlay kana hadlay Badalka lagu sameeyeey Dastuurta Dalka Moqdisho Jimco Agoosto 9, 2013 Waxaa laga soo deerinayaa Xaalada Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Jasiirada Malta kuwaas oo naftooda ku biimeeyay biyaha u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga. Qaxootiga Soomaalida ah oo la sheegay in kor u dhaafayaan 12 Kun oo ruumowdo waxana la sheegayaa in ay ku nool yahiin nolal xun islamarkaana aysan jirin wax Hay,adda Samafal ah oo dadkaan wax u qabtay . Dowlada Malta ayaa sheegtay in Qaxootiga dalkeeda ku nool ka badan yahiin dadka ka soo jeeda dhalasho ahaan Jasiirada Malta waxaana wali sii gaaraya Jasiiradaa Tahriibayal hor leh. Soomaalida Tahriibka ku gashay Jasiirada ayaa la dajiyay Gooba Banaan waxana la siiya sida uu ii sheegay Maxamed Yusuf oo ka mid ah dadkaa lacago uu sheegay in aysan naloshooda kaafin Karin. Waxa uu sheegay Maxamed Yusuf in Qaxootiga Soomaalida ay adag tahay hada sida loo aqbalo waxa uuna tilmaamay in Dowlada Malta ugu goodisay Qaxootiyadooda in Dalkoodii ku celin doonto. Maxamed yusuf waxa uu shheegay in uu jaclaan lahaa in lagu celiyo Dalkiisii hooyo waxa uuna tilmaamay in nolasha Malta taal ka fiican tahay tan ka jirta Soomaaliya. Hay,adda Qaxootiga aduunka UNHCR iyo Dalka Irland ayaa tira yar oo qoysas ah waxaa Nasiibkooda noqday in la qaabilo oo halkaa laga daad gureeyo kuwaas oo qaarkood goor hore la qaaday Moqdisho Jimco Agoosto 9, 2013 Wararka ka imaanaya Magaalada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in Xiisaad kacsanaan ah ay deegaanka ka jirto taa oo ka dhalatay Xubna ganacsada ah oo halka dhawaan lagu xir xiray. Xiisadaa ayaa u dhaxaysa malayshiya beeld deegaanka ku dhaqan iyo Ciidama daacad u ah Kooxda Alshabaab kuwaas oo dhawaan xabsiga dhigay Xubna ganacsata ahaa oo caan ka ahaa Degmada Ceeldheer. Xaalada Degmada ayaa kacsanaan ka jirtaa sida dad ku sugan xaqiijinayaan waxaana laga dareemayaa dhaq dhaqyo ciidan oo ay wadaan dhinacyada iska soo horjeeda walow maamulka Alshabaab iyo odayaal dhaqmaydka deegaanka arintaa ka wada hadleen. Maamulka Alshabaab ayaa dhwaan dul dhigy Shacabka Degmda Ceel dheer lacago canshuuraad ah oo cidii bixin wayda la kulmi doonto ciqaab waxana habeen hore la xiray ku dhawaad 7 xubnood oo ganacsata ahaa. Xiisadaan ayaa ku soo aadaysa xili maanta dunida islaamka si wayn looga dabaal dagayo Munaasabada Ciidu fidriga oo si wayn dunida looga xusayo maadama ay soo idlaatay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan. Moqdisho: August 9, 2013 Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa in garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle, Muqdisho ay ku gubatay diyaarad xamuul ah. Ilaa iyo hadda xogta hor-u-dhaca ahi waxay tilmaamaysaa in dhacdadani tahay shil cilad farsame awgeed (technical fault). Haddaba, si faahfaahin buuxda oo sugan loo helo waxaa DFS magacawday guddi xaqiiqo-raadin ah oo ka kooban xubnaha hoos ku xusan: (1) Cabdishakuur Cali Mire, Wasiir ku-xeenka War. B.I & Gaadiidka, ahna ku-simaha wasiirka - Guddoomiye (2) Cali Maxamuud, Maareeyaha Guud Hay’adda Duulimaada Rayidka & S.H - Xubin (3) Gen. Cabdixakiim Daahir “Saacid”, Taliyaha Ciidankia Booliska Soomaaliyeed - Xubin (4) Gen. Bashir Maxamed Jama, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabsugidda Qaranka - Xubin (5) Gen. Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed - Xubin (6) AMISOM, Wakiil – Xubin (dib laga soo magacaabo) (7) SKA, Wakiil – Xubin (dib laga soo magacaabo) Dawladda federaaliga ah ee Soomaaliya waxay ka xuntahay khasaaraha dhacay waxayna tacsi u direysaa dhamaan intii ku wax yeelowday. Si loo helo xogta dhabtaa ee la xariirta shilkaan waxaa lagu adkaynayaa xubnaha guddigu inay si dhaqsa ah u hawl-galaan soona gudbiyaan warbixin buuxda sida ugu dhaqsaha badan. DHAMMAAD
Posted on: Sat, 10 Aug 2013 06:36:10 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015