WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA MAANTA Moqdisho Isniin December 9, - TopicsExpress



          

WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA MAANTA Moqdisho Isniin December 9, 2013: Drs Fowsiya Yuusuf Xaaji Aaden R/wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibedda iyo wafdi ay hogaaminayso oo barqanimadii maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aaden Cadde ayaa faahfaahin ka bixisay shir heer caalami ah oo ay kaga soo qeybgashay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, kaasoo diiradda lagu saarayay arrimo ay kamid yihiin nabadgelyada, dhaqaalaha iyo horumarka dalalka Afrika, islamarkaana ay marti gelisay Dowladda Faransiiska. Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ka qeybgalka shirkaasi uu ahmiyad weyn u lahaa dowladda Soomaaliya, iyadoo farta ku fiiqday in mudadii uu shirkaasi socday ay dhanka kale la kulantay Madxda Dowladda Faransiiska iyo Dowlado kale oo ka tirsan Carabta iyo Afrika oo iyagu ka qeyb galay shirkaasi, kuwaasi oo ay islameel dhigeen arrimo badan oo ay ka midyihiin sidii Dowladda Soomaaliya gacan loogu siin lahaa nabad ku soo dabaalida guud ahaan dalka. Ku xigeenka R/wasaaraha dalka oo ay wehliyeen Agaasimaha hay’adda nabad sugidda qaranka Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac iyo afheyeenka Madxtooyada Eng.C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa waxaa garoonka diyaaradah Aaden Cadde si diiran ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda oo uu kamid yahay Wasiir kuxigeenka Wasaaraddaasi. Drs.Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa tan iyo mudadii ay xilkaan qabatay waxa ay ku guuleeystay in Wasaaradda arrimaha dibedda ee ay madaxda u tahay calaaqaad wanaagsan la sameyso Dowlado dhowr ah oo caalamka ka tirsan, islamarkaana xoojisay xiriirkii iskaashi, midka wax wada qabsi iyo kana diblomaasiyadeed ee Soomalaiya kala dhexeeyay dunida inteeda kale, maadaama dowladdu tahay mid rasmi ah oo ka gudubtay xilligii KMG-ka ahaa. Nairobi Isniin December 9, 2013: Dr. Maxamed Nuur Gacal Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Xiriirka caalamka oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa sharaxaad ka kooban ka siiyay Warbaahinta Qaranka booqasho rasmi ah oo uu kusoo kala bixiyaya Lixda dal ee Khaliijka, kuwaasoo uu madaxdooda u gudbiyay farriin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomalaiya kuna saabsaneyd inay ka qeyb qaataan dib u dhiska Soomaaliya. Wasiiru dowlaha ayaa xusay in Madaxda Khaliijka ay balanqaadeen in Soomaaliya ay u qabtaan Shirweyne gaar ah oo looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya, taasoo lagu go’aamin doono xilliga uu qabsoomayo Shir ay madaxda Khsalaiijka maalinta Talaadada ah ku yeelanayaan magaalada Kuwait city ee dalka Kuwait. “Shirka madaxda kahaliijka ee beri Kuwait ka furmaya ayaa waxaa lagu soo go’aamin doono xiliga loo qaban doono Soomaaliya shirka looga hadlayo dib u dhiska dalka, taasi oo faa’iido weyn u ah guud ahaan shacabka, islamarkaana dhiirigelin doonto horumarka ka socda dalka” ayuu yiri Dr Gacal. Wadamada Khaliijka ayaa kamid ah Dowladaha saaxiibka dhaw la ah Dowladda Federaalka ah ee Soomalaiya, iyadoo shirweynaha ay u qabanayaan Soomaaliyana ay muujinayso sida ay uga go’antahay dhaqangelinta dhambaalka uga yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee ku aadan inay isgarab taagaan walaalahooda Soomaaliyeed, kana qeybqaataan horumarinta iyo dib u dhiska Wadankeenna. Nairobi Isniin December 9, 2013: Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana shahaado sharaf ku aadan waxqabadkiisa lagu guddoonsiinayay safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa gelinkii dambe shaley lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Xafladan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay urur dhalinyaro oo ka dhisan dalka Kenya, kaasi oo la yiraahdo ururka horrumarinta dhalinyarada Afrika, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya, Ganacsato, Abwaano, dhalinyaro, haween , qaar kamid ah maamullada ka jira gobollada dalka iyo marti sharaf kale. Qaar kamid ah dhalinyaradii ka qeybgashay kulanka oo hadallo ka jeediyay goobta ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay nabadda iyo in dhalinyarada laga wacyi geliyo arrimaha tahriibka, muqaadaraadka iyo ku biiritaanka maleeshiyada Al-Shabaab oo qatar ku ah mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed. Safiyo C/laahi Afrax oo kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay xafladda ayaa iyadoo wakiil ka ah dhalinyarada soo qabanqaabisay xafladda waxa ay shahaado sharafta abaal marinta ah guddoonsiisay safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur “Ameeriko”. Safiirka oo goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyay shahaado sharafta lagu abaal mariyay waxqabadkiisa, isagoo dhalinyarada Soomaaliyeed ku guubaabiyay in ay ka shaqeeyaan nabadda, isla markaana ay garab istaagaan dowladda Soomaaliya. Ugu danbeeyn Safiirka ayaa waxa uu kula dardaarmey shacabka Soomaaliyeed ee k u dhaqan wadankaasi in ay Ilaaliyaan nidaamka iyo Sharciga dawladda Kenya oo Martigalisay Qaxootiga Soomaaliyeed oo ka cararey dagaaladda sokeeye oo ka dhacey Soomaaliya. Moqdisho Axad December 9, 2013: Wararka saakay naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in xalay halkaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kaas oo ay toogteen kooxo bastoolado ku hubeysanaa Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xaashi Xuseen Diiriye oo ka mid ahaa Saraakiisha ugu sareysa Maamulka Gobolka Hiiraan, waxaana sida la sheegay dilkiisa ka dambeeyay kooxo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaas oo dhowr xabad madaxa uga dhuftay, iyadoo ay markii ay dilka geysteen ka dibna ka baxsaday goobtii ay dilka ka geysteen sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha degmada B/weyne. Kooxaha Dilka geystay ayaa la sheegay in goobta ay isaga baxsadeen kadib markii aytoogteen Sarkaal ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya,lamana oga in dadka la qabtay ee ay ciidamadu sheegeen inay tuhmayaan ay ku jiraan iyo in kale, Magaalada Baladweyne ee Xareunta Gobolka Hiiraan ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ku soo badanayey Dilalka qorsheysan iyo Qaraxyada kuwaasi oo qal qal gelinaya amaanka Magaalada Baladweyne Dhinaca kale Mid ka mid ah askarta ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howglalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa u geeriyooday qarax ka dhashay soo saarista ama burburinta walxaha qarxa oo ay ka mid tahay miinada dhulka lagu aaso, warsaxaafadeed shalay ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen saddex askari oo ka tirsan ciidamada Jabuuti halka mid ka mid ah markii dambe uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray Askarta khasaaraha uu kasoo gaaray qaraxa ayaa ahaa kuwa miino baaristan ciidamada Jabuuti oo xilligaa la sheegay inay ku guda-jireen howlgal ay ku furfurayeen walxaha qarxa, ciidamada Jabuuti ee ka howlgala magaalada Beledweyne ayaa 19-kii aynu soo dhaafnay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday saldhiga Beledweyne waxaa uga dhintay hal askari iyadoo sidoo kale weerar horey uga dhacay gudaha magaalada B/weyne uu sidoo kale askari kale kaga dhintay ciidamada Jabuuti. Moqdisho Isniin December 9, 2013: Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay shaaca ka qaaday inay dhawaan si rasmi ah isugu furi-doonto dhammmaan gobolada dalkla Soomaaliya, isla markaasna ay ka sifeyn doonto jidgooyooyinka u yaala Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Somaliya. Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso inay dib isugu furto dhawaan dhammaan gobolada dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab. “Waxaan dooneynaa in dhawaan aan isku furno wadanka oo dhan, hadda waxaa heergagabo ah maraya qorshihii Al-shabaab looga xoreyn lahaa dalka oo dhan gaar ahaan deegaanada ay ku suganyihiin, Al-shabaab waa cadowga ummadda Soomaaliyeed oo dhan ee ma aha inay dowladda oo keliya ay la dagaalansanyihiin ee dadka Soomaaliyeed oo dhan ayey la dagaalamayaan” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya. Ugu dambeyntii wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay taageero dhinac kasta ah la garab istaagaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay ku howlanyihiin sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaanda ay Soomaaliya weli kaga suganyihiin sida uu hadalka u dhigay. Moqdisho Isniin December 9, 2013: Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mahdi Maxamuud Cali ayaa ka codsaday golaha baarlamaanka inuu ansixiyo hindise sharciyeedka hay’adda Qqxootiga iyo barakacayaasha qaranka. Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in ay badan tahay tirada qaxootiga Soomaalida ee ku barakacay waddamada goblka, kaddib dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay wixii ka dambeeyay sanadii 1991. Mahdi ayaa xusay in la gaaray waqtigii waddanka dib loogu soo celin lahaa qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha qaxootiyada ee waddamada Kenya, Uganda iyo Yemen, si meesha looga saaro culayska qaxootiga Soomaalida ay ku hayaan waddamada deriska. Wasiiru dowlaha waxa uu sidoo kale sheegay in ay badan yihiin dadka ku barakacay gudaha waddanka, isla markaana loo baahan yahay in laga saaro dhibaatooyinka haysta dadkaas. Mudanayaasha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayuu ka hor akhriyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka, taas oo uu ku tilmaamay in tahay mid lagama maarmaan ah. Baarlamaanka ayaa Sabtidii shalay guda galay akhrinta hindishe sharciyeedka ay soo gudbisay wasaaradda. Bishii la soo dhaafay ayay dowladaha Kenya iyo Soomaaliya iyo hay’adda qaxootiga UNHCR, heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya, kaas oo dhigayay in dalka dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Posted on: Mon, 09 Dec 2013 11:32:25 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015