Waaxda Difaaca ee Dalka Mareeykanka ayaa xaqiijiyey warar - TopicsExpress



          

Waaxda Difaaca ee Dalka Mareeykanka ayaa xaqiijiyey warar sheegayey in ciidamadeeda bada ee gaarka ah ay ahaayeen kuwii maalintii sabtida aheyd weeararka ku qaaday magaalada xeebta ku taala ee Baraawe, oo ah halka ay aadka ugu xooga badan yihiin kooxda Alshabaab. Waxa uu ahaa weerar ay ka soo qaadeen dhinaca bada oo ay ku weerareen guri la sheegay in uu deganaa hogaamiye sare oo Alshaabaab ka tirsan. Saraakiisha Mareeykanka ayaa sheegay in uu xiriir la lahaa, weerarkii ka dhacay xarunta ganacsi ee WestGate ee Magaalada Nairobi laba isbuuc ka hor. kaddib rasaas la is weeydaarsaday ayaa ciidamada Mareeykanka dib ay uga baxeen magaalada. Xili sii horeeysay ayeey Al-shabaab sheegeen in ay iska caabiyeen weerar ay ciidamo reer galbeed ah ku soo qaadeen magaalada Baraawe. Fadlan ka soo dhiibo rayigaaga oo kooban. Magacaaga, meesha aad joogto iyo aragtidaada.
Posted on: Sun, 06 Oct 2013 03:05:59 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015