Walaalkayga muslimka ahaw kheerka badso, aduunka noloshiisu way - TopicsExpress



          

Walaalkayga muslimka ahaw kheerka badso, aduunka noloshiisu way gaaban tahay, meesha aad u socotaa waa aakhiro, aakhirana waxaa lugu kala hor maraa qofba qofka uu ka sahay badan yahay. Waxaa dhici karta marar badan in ay awoodu kuu saamixi waydo wax badan oo kheer ah oo aad sameen leheed laakiin markaa waxaa la sameeyaa qof aad tuhmayso inuu kaa awood badan yahay ama hawshaa geli karo ayaa lugu qalqaaliyaa. Saaxiibaw ka waran hadii aad masaajid dhisto, saaxiibaw ka waran hadii aad dugsi quraan furto, sida aad u qalqaalinayso waxaa macquul ah in uu marka dambe sameeeyo wixii aad u sheegatay oo kheerka ahaa. Hadaba adigu maxaad helaysaa ama ka faaiidaysaa? Jawaabtu waxay tahay ALLAAAH waa qani , ALLAAAH wax kasta wuu awoodaa, sidaa darteed ALLAAAH agtiisa wax laysla qaybsanayo ma jirto. Bani aadmiga hadii shaqo hal qof qaban karo 2 qof lugu qabto wuxuu bixinayaa mushahrkii halka qof. ALLAAAAH hadii qof sababtaada uu maasjid ku dhuso qofkaas masaajidka dhisay iyo adigu ajar isku mid ah ayaad leedihiin. Hadii qofaas 100 xasano loo qoro adigana 100 xasano ayaad leedahay. Markaa walaal qayrka iyo wanaaga ha loo degdego waayo waa raasamaalka keli ah ee qofka muslimka ah uu haysto,....dadka oo la afuriyo waxay ka dhigan tahay qofkaa aad afurisay wixii kheer ahaa oo uu shaqaystay mid la mid ah ayaad adiguna leedahay.. Wax kasta oo kheer oo qof sababtaa u sameeyey waa la mid.
Posted on: Tue, 02 Jul 2013 21:57:04 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015