War Culus” Beesha Naaleye Axmed oo War Kasoo Saartay Shirka - TopicsExpress



          

War Culus” Beesha Naaleye Axmed oo War Kasoo Saartay Shirka Khaatumo 3 Sep 4, 2013 - 1 Jawaab OG: Isimada Dhulbahante OG: Maamulka Khaatumo State, Somalia OG: Dhammaan Bulshoweynta Dhulbahante Annagoo ah odayaasha iyo waxgaradka magacyadoodu hoos ku qoranyihiin kuna hadlaya magaca beel-weynta Ugaadhyahan guud ahaan, gaar ahaanna kan beesha Naalaye Axmed, waxaannu baaqan ku muujinaynaa mawqifkayaga ku addaan qodobada hoos ku xusan: * Waxaannu caddaynaynaa inaannu ayidsanahay go’aankii beelweynta Dhulbahante ay hore ugu qaadatay shirkii Khaatumo-2. Waxaannu kaloo baaqan ku muujinaynaa in aannu taageero buuxda uhaynno shirka Khaatumo-3 ee lagu wado inuu dhawaan kadhaco magaalada taariikhiga ah ee Taleex, caasimadda kumeel-gaadhka ee Khaatume State. * Waxaannu af-iyo-addinba la’garab taagannahay odayaasha, gabdhaha, culimida, iyo dhallinyarada naftooda, wakhtigooda, iyo maalkoodaba uhuray soo celinta magaca iyo sharaftii beeshe Dhulbahante ee horay u’luntay. * Waxaannu hiil iyo hooba la’garab taaganahay walaalahayage reer Taleex ee naf iyo maalba u huray shirkii taariikhiga ahaa ee Khaatumo-2 ee lagu qabtay Taleex sannadkii 2012, haatanna u’heellan sidii ay uga midho-dhalin lahaayeen Shirka Khaatumo-3 ee hadda loo ballansanyahay. * Waxaannu caddaynaynaa sida aannu uga xunnahay qaska iyo fidmada ay dad yar oo faro ku tiris ahi kawadaan magaalada Taleex iyagoo food-saaro ka dhiganaya shir lagu magacaabay beesha ugaadhyahan, shirkaas oo ah mid siyaasadaysan ujeedadiisuna tahay in lagu manjo-xaabiyo shirka Khaatumo-3, laguna kala fogeeyo beesha Ugaadhyanahan gudeheeda iyo tan Dhulbahante guud ahaanba. Kadib markii aannu xidhiidh iyo wada tashi gudo iyo dibadba ah samaynay, waxaannu ku talinaynaa qodobada hoos ku qoran: * Waxaannu soo jeedinaynaa, aad-iyo-aadna u dhiirrigelinaynaa, in la qabto shir-weyne beesha Ugaadhyahan oo gudo iyo dibadba laysaga yimaaddo waqtiga ku habboon si looga tashado aayaha beesha, shirkaas oo ah mid-same-talis ah, lagu xallilayo wixii khilaaf ama dhib ah ee beesha dhexdeeda yaal. Shirka beeshu waa inaanun ka-hordhicin carqaladna ku noqon kan beelweynta Dhulbahante ee Khaatumo-3. * Waxaannu ku talinaynaa in si degdeg ah talo midaysan looga yeesho ragga faro-kutiriska ah ee xalaashaday inay ku maxaafsadaan magaca beesha Ugaadhyahan, hadba meesha ay dantooda gaara ka arkaanna ulakaca. * Waxaannu kaloo ku borrinaynaa tolwaynaha Dhulbahante in la’midoobo, laga fogaado wixii dadka kala fogaynaya, laga midhadhaliyo go’aamadii Khaatumo lagu aasaasay, laguna dadaalo sidii losoo celinlahaa dhulka maqan. 1. Oday C/laahi Maxamed Mire 2. Oday Axmed Siciid Naalaye 3. Oday Axmed Cabdi Nuur (Raanguuni). 4. Oday Maxmuud X. Hiirad 5. Oday Axmed Xuseen Qalinle 6. Oday C/laahi Xirsi-Doobbi 7. Oday Xuseen X. Hiirad (Caleed) 8. Oday Cali Sh. Jaamac Liibaan 9. Oday Maxamuud Fool-madoobe 10. Oday Axmed Dhamac-qaarside 11. Oday Maxamed Xasan-Cadde 12. Oday Jaamac Oogle Warfaa 13. Oday Yuusuf Maxamed-hindi 14. Oday Warsame Iidle Cabdalle 15. Oday Cumar Cabdi Kaneec 16. Oday Cumar Diiriye Waraabe 17. Oday Abshir Cawil Cabdi-dhiif 18. Oday C/qaadir X. Cali Xasan 19. Oday Axmed Tabaatiig 20. Oday Jaamac Xirsi-Gurey 21. Oday Axmed Daahir Af-qudhac 22. Oday C/Raxmaan Cabdi Cilmi 23. Oday Axmed Sh. Jaamac Liibaan 24. Oday Siciid Barawaani 25. Oday C/raxmaan Cabbaase 26. Oday Axmed X. Hiirad 27. Oday Cali Xasan Daahir 28. Oday Aadan Dhegaweyne 29. Oday Baashe Cali Jaacam 30. Oday Ibraahim Cali-dheere 31. Oday Cabdi Aadan Cabdalle 32. Oday Axmed Saleebaan-dheere 33. Oday Iidle Maxamed Cawil 34. Caaqil Cabdi-godob Aadan-Cadde 35. Caaqil C/raashiid Maxamed Faarax Jibriil 36. Dr. Cali M. Xaaji Hiirad 37. Prof. Maxamuud Cali Jaamac 38. Eng. Siciid Maxamed Axmed Cabdulle 39. Eng. Aadan Cabdi Ducaale 40. Eng. Bile Maxmuud Guutaale Xiddig 41. Eng. C/rashiid Yuusuf Ismaaciil 42. Danjire Cali Axmed Cabdi 43. Suxufi C/rashiid Maxamed Jaamac (Indho) 44. Suxufi Ismaaciil Ibraahim Ducaale-aftaag 45. Suxufi C/risaaq Yuusuf Maxamed-hindi 46. Cismaan Maxamed Cilmi-caarre 47. Maxamuud Cali Aadan-Siyaad 48. Cabdi-kuus Ibraahim Ducaale-jabuuti 49. Maxamuud Geeldoon Xirsi 50. Siciid C/qaadir 51. Cumar Kaatun 52. Ibraahim Jiinje 53. Axmed Cismaan Kaatun 54. Jaamac Yuusuf Dimcad 55. Axmed Cawil Warsame-gole 56. Sh. Maxamed Curmar Cabdi Kaneec 57. Sh. Yaasiin Cali Xasan 58. Sh. Maxamed C/laahi Maxamed (Dhegaweel) 59. Sh. C/qaadir Cismaan Xasan-cadde (Cascase) 60. Sh. Sakariye Maxamed Guuleed 61. Sh. Maxamed Aw-Jibriil 62. Sh. Xuseen Ibraahim Ducaale-jabuuti 63. Sh. Maxamed Yuusuf Fidhbool 64. Sh. C/laahi Dhabayaco 65. Sh. Siciid Cabdi X. Axmed 66. Eng. C/raxmaan Boobe Cismaan 67. Econ Maxamed Axmed Xirsi-doobbi 68. Eng. Maxamed Xussen X. Hiirad 69. Prof. Aadan Maxamed Warsame 70. Prof. Hanad Cismaan Cawil Cabdi 71. Eng. Maxamed Axmed Dhamac 72. Econ. C/laahi Yuusuf Ismaaciil (Abu-Maxamed) 73. Eng. C/Cassis Cawil Cabdi-dheef 74. Dr. Axmed Maxamed Faarah (Shoombe) 75. Econ. C/qani Xuseen X. Hiirad 76. Eng. C/semed Cawil Cabdi-dhiif 77. Qareen Mustafa Axmed Xirsi 78. Econ C/naasir Iidaan Aadan-cadde 79. C/qaadir Daahir Cabdi-yare 80. Mahad Fagoor 81. Axmed Bulshaale Cali 82. Aw-Xasan Cali-dheere 83. C/rashiid Qalinle 84. Mahdi Cabdi Oogle 85. Nuur C/laahi Xasan 86. Maxamed Cali Xuur 87. Camalle Warsme Iidle 88. Axmed Maxamed Warsame Carraale 89. Ismaaciil Saleebaan Geelle (Carab) 90. Axmed Jaldhac 91. Cabdi Cali Faarax Dhunkaal 92. Ismaaciil Jaamac Aadan (Yoolac) 93. C/barre Maxamed Cawil 94. Yuusuf maxamed Xasan-dhuxul (Lugeeye) 95. Maxamed Saleebaan Aadan Ducaale 96. C/naasir Xussen X. Hiirad 97. Axmed Maxamuud Cabdi Xasan 98. C/kariim Warsame Iidle 99. Cali-haybe Cawil Cabdi-dhiif 100. C/rashiid Caana-nuug 101. Axmed Maxamed Cabdi 102. Siciid Axmed Dhamac 103. Cabdi Ismaaciil Axmed Xasan 104. C/weli Xasan Boobe 105. Khadar Beel-xiir 106. Jaamac Yuusuf-ricir Aadan 107. C/raxmaan Jaldhac 108. C/naasir Siciid Saalax Nuur 109. Cimsmaan Maxamed Bullaale 110. Maxamed C/laahi Hurre 111. Ismaaciil Maxamuud X. Hiirad 112. Sakariye Maxamuud Cismaan-dhuxul 113. C/naasir Axmed Cabdi Xasan 114. Maxamed Ducaale Diiriye-Finnad Wa Billaahi Towfiiq.
Posted on: Wed, 04 Sep 2013 22:01:19 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015