War deg deg ah Madaxdii Alshabaab Garabkii Axmed Godane ka soo - TopicsExpress



          

War deg deg ah Madaxdii Alshabaab Garabkii Axmed Godane ka soo horjeeday oo lalaayey dhamantood Published on June 27, 2013 by daljir Muqdisho · No Comments Qaar kamid ah Warbaahinta Xarakada Al-Shabaab ayaa shaaciyay in la dilay Kuxigeenkii Amiirka Al-Shabaab Sheekh Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad (Ibrahin Afgan) sidoo kalana loo yaqaan Sheekh Abuubakar Al-Zaylici iyo sidoo kale Sheekh Cabdixamiid Xaashi Colhaye loona yaqaanay Sheekh Macalin Burhaan oo isna kamid ahaa saraakiisha sar sare ee Shabaab, Websetka Somalimidnimo oo kamid ah Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa bogooda soo dhigay qoraal dheer ay kaga hadlayaan Dilka labadan Hogaamiye ay sheegeen in uu dulay Amiirka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr. Warbixinta Boga Shabaab lagu qoray ayaa u qorneed sida tan. Ilaahay ayaa Mahad iska leh Nabadgalyo iyo Naxariis Nabi Maxamed CS, korkiisa ha ahaato. Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajacuun, Xasbunallah Wanicmal Wakiil. Waxaan Idiin xaqiijinaynaa in ay Shahiideen Sheekh Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad oo loo yaqaannay Sheekh Abuubakar Al-Zaylici iyo Sheekh Cabdixamiid Xaashi Colhaye loona yaqaanay Sheekh Macalin Burhaan, Raxmatullaahi Caleyhim!. Yaa Xaqiijiyey Shahaadada Culimada?. Galabnimadii Shalay oo Arbaca ahayd, June 26,2013 ayaa Waaliga Wilaayada Islaamigaa ee Shabeelada Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdallah Xiiraay iyo Masuuliyiin kale ay kulamo la qaateen Xaasaskii Labada Sheekh oo kiiba uu katagay 3 Xaas iyo dhowr iyo Toman Caruur ah. Waxayna Gabdhaha Muslimaadkaa u sheegeen in ay Asayda qaadaan waxayna u xaqiijiyeen in ay dileen Culimada. Sidoo kale waxay la kulmeen Hooyadii dhashay Sheekh Shahiid C/xamiid Xaashi Colhaye oo Sheekh Macalin Burhaan loo yaqaanay, waxayna u sheegeen Wiilkeeda in ay dileen iskana samirto, waxaa sidoo kale Waaliga Wilaayada Islaamigaa ee Shabeelada Hoose iyo Masuuliyiin kale ay kulan la qaateen Culimada Rabaaniyiintaa oo ay u sheegeen in ay dileen Culimada. Yaa Dilay?. Walaalahaas Culimada ahaa ee aan Magacyadooda Idiin soo gudbinnay Shahaadadoodana aan Idiin xaqiijinayno waxaa dilay Amiirka Xarakada Al shabaab Almujaahidiin iyo Masuuliyiin kale waxay u dileen Ayagaa looga fadhiyaa iyo qaabkii uu u dhacay howlgalkii Magaalada Baraawe!. Baaritaankii Golaha Baraarugga Islaamka!. Waxaan Illaa Maalintii Arbacada ahayd Taariikhduna ku beegnayn Bisha June, 19, 2013 baaritaan kuwadnay howlgal Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab ay ka sameeyeen Magaalada Baraawe, marar badan oo aan xiriir la samaynay waxay noosheegeen xattaa cid howlgalka kudhaawacantay in aysan jirin Walaalihii howlgalka lagu qabtayna Xabsiga la geeyey. Beenta Ay Sheegeen Masuuliyiinta Xarakada Al shabaab. Golaha Baraarugga Islaamka Walaalo kamida ayaa xiriir la sameeyey Warbaahinta Xarakada Al shabaab Almujaahidiin, Culimo, Ducaad iyo Dadweynaha Magaalada Baraawe waxayna dhammaan sheegeen Warkii Masuuliyiinta Xarakada Al shabaab ay u sheegeen oo ahaa in Xabsiga la geeyey Culimada ay xaqiijiyeen in ay dileen. Sidoo kale intii aan baaritaanka wadnay waxaan xiriir la samaynay Culimada Maktabada Daarul Xadiith waxayna noosheegeen in Culimada la dilay Xabsiga lagu hayo oo sidaas waxaa u sheegay Masuuliyiin kamida Xarakada Al shabaab Almujaahidiin, mana jirto faah faahin ay ka bixiyeen sababta Beenta Culimada iyo Muslimiinta loogu sheegay iyo qaabkii loo dilay Culimada ama howlgalkii Baraawe uu u dhacay!. Canbaarayn Dilka Culimada Iyo Cadayn Xarakada Al shabaab Hogaamiyaasheeda Laga Sugayo. Waxaan Ba’ri kannahay Dilka Walaalaha Culimadaa ee Mujaahidiinta ahaa loo gaystay, waxaana canbaaraynaynaa dilkoos oo aan u Aragno dulmi. Waxaan Culimada, Ducaadda, Hogaamiyaasha Xaraka Al shabaab oo uu ugu horeeyo Amiirka Xarakada Al shabaab Almujaahidiin ka doonaynaa in ay noo caddeeyaan sababta ay u dileen Culimada Mujaahidiintaa kuna banaysteen dhiigooda?. Ka dhiibo fekirkaada Warbixintan rasmimedia.net burhan abdillahi elmi baaruud112@gmail Readers Comments (0) Click here to cancel reply. You must be logged in to post a comment. RASMI MEDIA ON FACEBOOK Latest News * MADAXTOOYADDA SOMALILAND OO KORDHISAY KAABADAHA DIFAACA ARGAGIXISADA + CABSI SOO FOOD SAARTAY * War deg deg ah Madaxdii Alshabaab Garabkii Axmed Godane ka soo horjeeday oo lalaayey dhamantood * Sheekh Xasan Dahir Aweys oo La Hadlay Saxaafada Kuna Baaqay In Ay Habar Gidir Midowdo”Akhriso * MUDALABKII DA’DA YARAA EE DALLACAADA KU HELAY CAADIFADDA QABIIL,!!QALINKII AXMED BAASHE * Sheekh Xasan Daahir Aweys oo caawa war cusub keenay dad badanna ka yaabiyay. * Man United Oo Waji Gabax Kala Kulantay Dalab Ay Ula Tageen Kooxda Everton * Golaha Wasiirradda ka wada hadlay xoojinta Amniga iyo xuska 1da Lulyo “Warsaxaafadeed” * XASAN DAAHIR , MUUSE SUUDI IYO INDHA CADDE OO CADAADO KU WADA QADEEYAY MAANTA iyo Madaxweyne Xasan oo Baaq u diray Hogaamiyayaasha Beesha Hawiye ee Alshabaab ka tirsan * WAR DEG DEGA Xassan Dahir oo ka biya diiday inuu aado Muqdisho iyo Buuq ka taagan Cadaado * Nin goordhaweyd Midi lagu galiyey galbeedka London COPYRIGHT © 2013 - Rasmi Media Group. All Rights reserved Powered by Somaliland InfoTech Plugin from the creators of Brindes :: More at Plulz Wordpress Plugins
Posted on: Thu, 27 Jun 2013 21:23:36 +0000

Trending Topics



div>
Dubai: You are an individual who enjoys the finer things in life,
Congratulations to everyone who took part in yesterdays events,
How much do you know about CHIPMUNKS? Check your answers! 1. A
WOAH! all in the past 48 hrs. a 6.6 in Chile, a Dangerous 5.5

Recently Viewed Topics




© 2015