Wax yar ayay is qabeen Cubeyd iyo umu Ayman sababta oo ah Cubeyd - TopicsExpress



          

Wax yar ayay is qabeen Cubeyd iyo umu Ayman sababta oo ah Cubeyd ayaa tii Alle u timid, markii uu ninkeedii dhintayna waxay umu Ayman ku soo noqotay Maka si ay ula noolaato wiilkeedii Muxammad calayhissalaam iyo Khadiija Ilaahay raalli ha ka noqdee,markaas waxaa kale oo guriga rasuulka ku noolaa marka laga reebo qoyska reer Muxammad calayhissalaam, Hind oo ahayd gabdhii Khadiija dhashay (waxayna u dhashay ninkii ugu horreeyay ee Khadiija guursaday) Cali bini Abu Dhaalib Ilaahay raalli ha ka noqdee iyo Zeyd ibnu Xaarith Ilaahay raalli ha ka noqdee. Zeyd ibnu Xaarith Ilaahay raalli ha ka noqdee wuxuu ahaa wiil carab ah oo la soo qabsaday ka dibna addoon laga dhigtay, Zeyd isaga oo carruur ah ayaa la soo qafaashay ama la soo dhacay ka dibna Maka ayaa la keenay oo addoon ahaan loo iibiyay, waxaana iibsaday wiil ay Khadiija ilmo adeer ahaayeen wuxuuna siisay ama u geeyay Khadiija si uu adeege ugu noqdo, markii ay rasuulka calayhissalaam iyo Khadiija Ilaahay raalli ha ka noqdee is guursadeen Khadiija waxay hadiyad u siisay Zeyd ninkeedii rasuulka calayhissalaam, halkaas oo rasuulka iyo Zeyd jacayl waalidnmo iyo xiriir xididdo adag leh dhex maray, wuxuuna ahaa Zeyd Ilaahay raalli ha ka noqdee adeegaha gaarka ah ee rasuulka. Markii Zeyd ibnu Xaarith aabbihiisa dhabta ahaa yimid Maka si uu wiilkiisii Zeyd u kaxaysto, ayaa Zeyd la weydiiyay waxa uu rabo, in uu aabihiis raaco iyo in uu rasuulka la joogo, jawaabta Zeyd waxay caan ku tahay taariihkda islaamka, wuxuuna Zeyd yiri Ilaahay raalli ha ka noqdee weligey inta aan noolahay rasuulka kama tegayo, wuxuu iila dhaqmaa sida qof bani´aadam loola dhaqmo sida ugu wanaangsan ama ugu sharafta badan, sidii laga rabay in ay wiil iyo aabbihiis iskula dhaqmaan, weligey agtiisa kama dareemin addoon ama nin la leeyahay, wuxuu ii dhaqaaleeyaa, sida ugu wanaangsan, wuxuu iigu naxariistaa sida ugu wanaagsan, wax aan farxadayda iyo jacaylkayga ahayne kama taliyo, waa ninkii Ilaahay waxa uu abuuray ugu sharaf badnaa, sideen ayaan markaasi kuu raaci karaa oo aan rasuulka uga tegi karaa? weligey kama tagayo! Rasuulku calahissalaam wuu xorreeyay Zeyd, haseyeeshe Zeyd wuxuu doortay in uu la joogoRasuulka oo uu adeego u noqdo, markii rasuulka calayhissalaam risaalada Ilaahay subxaanahu watacaala u dhiibay, Umu Ayman iyo Zeyd ilaahay raalli ha ka noqdee waxay ku jireen dadkii ugu hor rumeeyay rasuulka, taasna waxay keentay in ay dhib badan kala kulmaan kufaartii reer qureysh ee dhibka badneyd,maadaama ay labadan qof ay ku tuhmayeen liidninmo ama dad la iska leeyahay,(iyaga ayaa dad ugu liitay)Umu Ayman iyo Zeyd waxay rasuulka u hayeen shaqo aad u qatar badnayd oo waxay ka ahaayeen ciidanka sirta ee rasuulka iyo asxaabtiisa, sida:in ay soo ogaadeen shirqoollada Qureysh iyo waxay ka damacsan yihiin rasuulka iyo asxaabtiis, shaqadaasi waxay ahayd mid qatar ah, waxayna noloshooda u hibeeyeen difaaca diinta islaamka wixii ay doonaanba hala kulmeene. Habeen ayaa waxaa dhacday in kufaartii Qureysh xireen waddadii loo maraayay gurigii Al- Arqam, gurigaas oo ahaa saldhiggii rasuulka calayhissalaam iyo asxaabtiisa Ilaahay raalli ha ka noqdee ay ku kulmi jireen oo arrimo diinta ku saabsan ka wada hadli jireen, Khadiija Ilaahay raalli ha ka noqdee ayaa waxay sir culus u dhiibtay Umu Ayman in ay rasuulka Ilaahay gaarsiiso oo markaas joogay oo kulan muhiim ah ku lahaa gurigii Al Aqram, haseyeeshe in ay Umu Ayman farriinta rasuulka gaarsiiso wey adkayd oo waxaa dhici karaysay in ay haddii ay arkaan kufaarta Umu Ayman kaw ka sii yaan oo dilaan, nasiib wanaag Alle ayaa ka idho saabay cadawga kufaarta oo Ilaahay wuxuu gartay in ay Umu Ayman rasuulka gaarsiiso farriintii ay u wadday, rasuulka markii uu Umu Ayman ka qaatay farriintii ay marwadiisa u soo dhiibtay ayuu intuu dhoolo caddeeyay yiri maadaama uu la socday jidgooyada ay kufaartu samaysay “waxaad tahay qof la doortay ama lala jiro Umu Aymaney, waxaa xaqiiq ah in aad boos ku leedahay jannada” markii ay Umu Ayman ka tagtay rasuulka calayhissalaam iyo asxaabtiisii ayuu inta uu eegay rasuulku asxaabtiisii weydiiyay su´aashan “ ma idinku jiraa qof doonaya in uu guursado haweenay ehlu janna ah, haddii uu qofkaas idinku jiro, ha guursado haddaba Umu Ayman” Qof asxaabta Rasuulka ka mid ah oo hadal yiraahdo ama jawaabo waa laga waayay, Umu Ayman ayaa waxay ahayd haweenay tabar daro ka muuqatay iyo waliba da’deeda kor u dhaaftay 50 sano, Zeyd ibnu Xaaritha oo xagga dambe fadhiyay ayaa soo istaagay oo rasuulka u soo dhowaaday wuxuuna yiri “rasuulkii Ilaahayow aniga ayaa guursanaya Umu Ayman, Ilaahay agtiisa iyadaa ka fiican haweenay kasta oo qurux badan leh” Halkaas ayay Zeyd iyo umu Ayman isku guursadeen waxaana Alle subxaanahu watacaala kala siiyay wiil, kaas oo loo bixiyay Usama, rasuulku Ilaahay korkiisa nabad iyo naxariis ha yeelee waxuu Usama u jeclaa sidii wiilkiisa oo kale, markasta rasuulka wuxuu ciyaarsiin jiray Usama, wuu dhunkan jiray, waxuuna ku quudin jiray gacmihiisa barakaysnaa, muslumiinta ayaa waxay oran jireen, Usama waa wiilka uu jeclaa midkii la jeclaa, Usama yaraan ayuu ku bilaabay u gargaarka diinta, halkaas oo rasuulku calayhissalaam markii uu arkay kartida Usama u dhiibay in uu mas´uul ka noqdo shaqooyin dhib badnaa. Markii Rasuulka calayhissalaam iyo qaar ka mid ah asxaabtiisa u haajireen Madiina, waxay Umu Ayman ku hartay Maka, si ay hawlo gaar ah u habayso oo meel ugu hubsato, ugu dambayntii ayay ka daba tagtay ehelkeedii oo waxay u haajirtay Madiina iyada oo aan cidine la socon ama keli ah, safarkeedii Madiina ma´ahayn mid sahlan, kulaylka qorraxda wuxuu ahaa mid dilaa ah, carrada ka duulaysay saxaaraha waxay ahaayeen kuwo indho beel laga qaado, Umu Ayman ma´ahayn qof dhallinyaro ama haysay tabar ay iskaga celin karto dhibaatada, haddana wey u samirtay dhib kasta oo ay la kulantay oo safarkii wey sii wadday ilaa ay ka gaarto Madiina, rafaadkaas oo dhanna waxay u samaynaysay Umu Ayman jacaylka ay u qabto la kulanka Alle iyo Rasuulkiisa iyo diinta islaamka, markii ay Madiina gaartay lugaheedu waxay u bararsanaayeen si aan laga sheekayn karin, indhaheedana waxaa daboolay ciid iyo bus ama habaas. Markii uu rasuulka calayhissalaam arkay Umu Ayman ayuu yiri “Alla Umu Ayman ,Alla hooyo, waa xaqiiqo in booskaagii jannada diyaar kuu yahay”, Umu Ayman waxay u haysay bulshadii muslimiinta ee Madiina ku noolayd hawlo aad muhiin u ah, dagaalkii Uxud waxay waraabinaysay oo biyo siinaysay asxbaatii haraadsanaa, waxay u gargaaraysay asxaabta la soo dhaawacay, waxay kale oo rasuulka calayhissalaam iyo asxaabtiisa u raacday Umu Ayman labo dagaal oo kala ah Khaybar iyo Xunayn mid ka mid ahna wiilkeedii Ayman lagu dilay oo ay ku weysay Wiilkeedii Ayman Ilaahay raalli ha ka noqdee wuxuu ahaa saxaabi dhab ah, wuxuuna ku shahiiday dagaalkii Xunayn sanadkii siddeedaad ee hijriyada, ninkeedii Zeyd ibnu Xaarithna wuxuu ku shihiiday ka dib markii uu naftiisa addoon uga dhigay amray u gaarka diinta islaamka, dagaalkii Mu´ta ee waddanka Siiriya ka dhacay, markaas uu shihiidayo Zayd, Umu Ayman waxay kor u dhaaftay 70kii sano, halganka dheer oo ay soo gashay darteed gurigeeda ayay ku soo aruurtay oo iska dhex fadhiday, rasuulka calayhissalaam oo ay la socdaan Abukabar iyo Cumar Allaha ka raalli noqdee ayaa gurigeeda ku soo booqan jiray, markii uu rasuulka Alle u tagana wuxuu oran jiray “yaa Umaa ama hooyadaydiiyeey sidee xaalkaagu yahay ama iska warran? waxay ku jawaabi jirtay Umu Ayman “rasuulkii Ilaahayow waan wanaangsanahay inta xaalka muslimiintu wanaangsan yahay” Markii uu rasuulku Ilaahay oofsaday, wax aan oohin ahayn Umu Ayman waa laga waayay, mar ayaa la weydiiyay sababta ay Umu Ayman u ooyayso waxayna tiri “waan ogaa in rasuulka Alle mar uun dhimanaayo oo Alle oofsanaayo, laakiin waxaan la ooyayaa in rasuulka Alle uu naga tegay oo uu aaday meeshii laga soo diray Baraka waxay ahayd mid qiimo badan ku leh diinta islaamka waayo waxay ahayd qofta keliya ee rasuulka calayhissalaam ugu dhoweyd noloshiisa laga soo bilaabo dhalashadiisii ilaa dhimashadiisii, waxkasta oo uu rasuulka sameeyo gacan ayay ka gaysanaysay ama qayb ayay ka qaadanaysay, nolosheeda ma´ahayn mid ay iyada iska leedahay ee waxaa iska lahaa oo ay u hibaysay rasuulka Alle iyo diinta islaamka, waxay ahayd addoon uu Alle siiyay karti aan la arag iyo awood ay wax badan ku qabato, diinteeda iyo cabsida Alle waxay ahayd mid lafaha iyo dhuuxa ka gashay, waxay dhimatay xilligii uu khilaafada haayay Ilaahay raalli ha ka noqdee Cismaan bin Cafaan
Posted on: Sat, 23 Nov 2013 12:03:29 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015