Waxa uu yiri: “Aad ayaan u dhiiranahay xilli ciyaareedka soo - TopicsExpress



          

Waxa uu yiri: “Aad ayaan u dhiiranahay xilli ciyaareedka soo socda. Waxaan doonayaa inaan ka farxiyo taageerayaasha kooxdaan. Tartan weyn ayay ii tahay. “Waxaan halkaan u joogaa inaan caawiyo koox horeba u aheyd mid guusha u saaxiib ah. “Atletico waxa ay ku dhameysatay La Liga kaalinta 3aad, waxa ay qaaday Copa del Rey, waxaana ay ku jiraan Champions League, sidaasi darteed inaan ku soo biiro kooxda go’aan adag ma uusan aheyn.” David Villa ayaa markaas ka dib ka hadlay kooxdiisii hore ee Barcelona oo uu sheegay in cutubkaas uu soo xirmay midna cusubna uu uga bilowday Atletico Madrid, isagoo sheegay in sababta uu Catalan uga soo tagay inay aheyd inuu si joogta ah u ciyaaro.
Posted on: Tue, 16 Jul 2013 01:55:54 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015