Weli Telesom ma wacday adigoo ka cabanaya cilad internetka guriga, - TopicsExpress



          

Weli Telesom ma wacday adigoo ka cabanaya cilad internetka guriga, ka dib nin ku kadeeday ma kaa qabtay telefoonkii "haa salaamu calaykum, walaal soo Telesom qaybtii internetka maaha?" "wacalaykuma salaam, haa way tahay, maxaad u baahnayd" "internetkii maxaa ku dhacay wuu culusyahay?" "internetka maahee waa kumbuyuutarkaaga" "mobile-kuba waa la mid" "labada iska tuur oo wax hagaagsan iibso" wuuba kugu dhigay qab qab dhuudh dhuudh, ma ka xanaaqday daryeel xumada macaamiisha haysata, adigoo xanaaqsan ma kugu soo dhacday fikrad ah ninka maxaad qurba joog iskaga dhigi wayday kuwaasaa loo niikiyaaye oo la hor boodaaye, daqiiqado ka dib lambar kale ma ka wacday oo qurba joog dalka ku cusub ma iska dhigtay adigoo codka iyo luuqadaba dafiraya, isla ninkii ma kaa qabtay, ma ku tidhi "hello, brother atiga Telesom waa yahay sax right?" "haa brother maxaan kuu qabtaa soo dhawaw, horta ma qurbahaad ka timid" "haa ka yimid sweden" "maasha Allah soo dhawaw soo dhawaw, waa dadkii loo baahnaa, brother telefoonka la fariiso oo koob biya ahna soo qaado, soo dhawayntayaday ka mid tahay inaan ten minutes macmiil kasta u sheekayno, maxaan kuu qabtaa" "brother aniga why telesom hates me, dad kale internet way haystan iyada kula hadlaysa ma shaqaynayo waaye internet, culus yahay waaye, facebook way u xiistay aniga, maxaa ka dhacay aniga is it because ani hooyaday waa Swedish oo lama jecla, i hate this country i hv to go back?" "walaal walaaloow gacaliye sidaa ha odhan, soo dhawaw walaal, wadanku waa wadankaagii, telesom way ku jeceshahay weliba way kuu dhimanaysaa, halkeed joogtaa brother, imikaan qolooyinka farsamada kuu soo dirayaa, ha dhigin khadka ku jir aan managerka ku baree, adoo faraxsan naga tag, alla walaal waan ka xunahay, imisaad joogaysaa, walaal xarunta soo mar mar waxaanu bixinaa mobile hadyad ahaan, lambarkaaga sheeg, toban doolar oo xaal marin ah ka eeg, caawa shirkadu xaflad casho ayey leedahay ka soo qayb gal, alla walaal xaal qaado, dib dambe uma dhacayso, walaahi waan ka xumahay" "markuu toban daqiiqo niikinayey ma ka dhex gashay oo intaad kula hadashay luuqadii reer hargeysa ma ku tidhi "aaaryee baasaboor caabud, aabahaa iyo caadhkaaga cun, war waa ninkii aad markii dhawayd u boobsiisay, inaadeeroow gacaliye aniga waxba cashana ha i siin mobile hadyad ahna kaama rabo ee hadaad ilaahay taqaan markaan kula soo hadlo kumbuyuutarkayga iyo moobilkayga ha af lagaadayn, ileen mabaad arag waxay yihiine" kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Posted on: Sat, 27 Jul 2013 14:57:19 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015