XIGMADDA MAANTA :D Sheekadani waxa ay wadataa xikmad ruuxii - TopicsExpress



          

XIGMADDA MAANTA :D Sheekadani waxa ay wadataa xikmad ruuxii si haboon u dhuuxana ka faa’iideeysan karo waana mid aan hubo inaad kawada heli doontaan. Aabe iyo wiil uu dhalay ayaa safar isla soo galay, waxa ayna u socdaaleen magaalo loo soconayo muddo 2 maalin ah. Waxa ay soo kaxeysteen dameer si ay alaabtooda ugu rartaan, waxa ayna guda galeen safarkooda, xoogaa marki oo kala bar uu marayo safarkoodii ayaa waxaa dhabarka ka jabay dameerkii, dhaq dhaqaaq ayaana laga waayay inuu wax qaado iska daaye. Aabihii ayaa wiilkiisa ku yiri: Waxa uu ilaaheey naga xijaabay ayaa ka weyn.! Alaabtii ayey dhabarka ku xambaarteen, waxa ayna sii wateen safarkooda, xooga marki ay socdeen ayuu kufay aabihii, garabka ayaana jug culusi kasoo gaartay, waxa uuna awoodi waayey inuu alaab qaado, balse inuu socdo ayuu isku dayay. Aabihii ayaa markale yiri: Waxa uu ilaahey naga xijaabay ayaa ka badan ee safarka noo sii wad..! Wiilkii ayaa alaabtii dhabarka saartay kaligiis, waxa ayna sii wateen safarkooda, xoogaa kale marki la socday oo ay habeen tahay ayaa waxaa wiilkii qaniinay MAS, waxa uuna ku dhacay dhulka isagoo xanuun daran tacbaan la ah. Aabihii ayaa yiri: Waxa uu ilaahey naga xijaabay ayaa ka badan ee wiilkeygiyoow dulqaado..! xikmad Wiilkii intaas oo dhan soo samray ayaa xanaaqay, waxa uuna aabihiis weydiiay: Ma musiibo intaan ka daran oo nagu dhici laheyd ayaa jirta..? Aabihii ayaan wax jawaab ah ka bixinin su’aashaas, waxa uuna guda galay inuu wiilkiisa baxnaanino si uu u bogsado, ugu danbeyna waa uu caafimaaday waxa ayna sii guda galeen safarkooda. Magaaladii ay u socdeen ayey galeen ugu danbeyn, waxa ayse la kulmeen barxad cidlo ah, oo dhul gariir u dhamaan dhulka la simay dad iyo dhismo intaba. Waxa ayna ka waayeen wax haba yaraatee dhaqaaqa oo dad iyo duunyo ah, aabihii ayaana wiilkiisa fiiriyay markaas ayuu yiri: Waad u jeedaa Aabe, hadii aysan nagu dhici laheyd musiibooyinkii nagu soo dhacay, waxaan halkaan imaan laheyn maalin heblaayo, waxaana ka mid noqon laheyn dadka sidaan u halaagmay, marka ogoow in ilaahey wixi nagu soo dhacay wax ka weyn uu naga xijaabay................... Fiira gaar ah... Wax walboo Kugu Dhaco ha u qaadan in ee yihiin Musiiibo tan ugu culus Meeqa Ayuu Allaaah naga bad baadiyaa Mar walbo Hadii Xaliima Aad Jecleyd lagaa guursado Ama Hanti Aad laheyd kaa gubato sidoo kale Cudur Xun kugu dhaco Ha quusan hana u qaadan in Nasiib xuntahay ee sug Naxariista Allaah waayo waxa Anaga Shar u Maleyno Ayaa kheyr inoo Ah waxa Kheyr U maleynana Shar Inoo Ah Sidoo Allaahba Noogu Sheegay Suuradda Al Nuur Ayaado ku juro Adoo Dhilmaayo iska celin karin Ayaa Aduunka lagu keynay Heer waxa lagu Gaarsiiyay Aad Maroodi ugaarsan garto oo Caqli maskax laguu dhameystiray Heerkaas waxa ku gaarsiiyay Raashinki aad guriga ka cuntay Ma ahn ee Waa Aboodda Allaaah Aan U Toobad Keyno Una Naqano Rabigii Nauumay in Meelaha Liska Caay Caayo Naxariista Rabbi laguma Helo ee Toobba aaa Wax Walba Lagu Hellaa Iyo Samir Badan Insha Allaah
Posted on: Fri, 18 Oct 2013 10:15:35 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015