XUL AFRIKAAN AH OO 4 MILYAN YUURO KU BIXINAYA KULLAN SAAXIIBTINIMO - TopicsExpress



          

XUL AFRIKAAN AH OO 4 MILYAN YUURO KU BIXINAYA KULLAN SAAXIIBTINIMO OO AY LACAYAARAYAAN XULKA SPAIN. Xiriirka kubada cagta Gabon ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigeen dhigooda 4 milyan euro si ay ciyaar saaxiibtinimo u la ciyaaraan bisha November,Iyadoo Spain ay si toos ah ugu soo baxday Koobka Adduunka, La Roja ayaa haatan raadineysa labo kulan oo saaxiibtinimo oo ay ciyaarto bisha November. Warar Spain ka imaanaya ayaana sheegaya in dhowr xul oo ka dhisan Afrika inay la yimaadeen dalabyo waxaana ku jira Senegal, Cameroon iyo Congo laakiin Gabon ayaa hogaanka u heysa tartankaas Waxaana ay u soo bandhigeen xiriirka kubada cagta Spain dalab 4 milyan euro ah iyadoo lacagtaas uu qeyb ka bixinayo madaxweynaha xiriirka Gabon Ali Bongo Ondimba, Spain ayaana laga yaabaa inay u safarto Stade d’Angondje 19ka November. Waxaa la rumeysan yahay in xiriirka kubada cagta Spain ay talo u doonteen dhigooda Portugal madaama Portugal ay u safartay Gabon bishii November 2012. Spain ayaa kulamadii saaxiibtinimo ee ugu danbeysay ee ay ciyaartay waxa ay ku soo kala bixisay meelo badan oo adduunka ah sida USA, Venzuela, Costa Rica, Puerto Rico, Panama iyo Ecuador Mohamed Haji Essa(Maygaag) NNN:National News Network:Netherland.
Posted on: Thu, 17 Oct 2013 17:06:11 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015