Xarunta madaxtoyada Puntland ee magaalada Garowe ayaa xalay lagu - TopicsExpress



          

Xarunta madaxtoyada Puntland ee magaalada Garowe ayaa xalay lagu qabtay munaasibad balaaran oo lagu xusayay sanadguurada 53-aad ee ka soo wareegtay xoriyada gobolada Koonfureed ee dalka iyo midowgii Koofur iyo Waqooyiga. Madaxweyne ku xigeenka Puntland, wasiiro,xildhibaano, saraakiisha ciidamada, culimo, aqoonyahano, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kale ayaa ka soo qaybgalay. Kooxda Waabari Puntland ayaa heeso iyo riwaayado soo jiitay indhaha ka soo qaybgalayaasha xuska munaasibada kusoo bandhigay, waxayna intooda badan fankoodu u dhacayey qiimaha ay leedahay Koowda Luulyo iyo nidaamka axsaabta badan ee Puntland. Abwaan Jaamac Kadiye iyo Xaliimo Puntland ayaa iyaguna gabayo iyo buraanbur ka soo jeedshay madasha ka hor intaan koox rayid ah iyo askar aysan isla jiibin ciyaar hiddaha iyo dhaqanka Somalida ah oo si wayn loogu riyaaqay. Xoghaya ururka suxufiyiinta MAP Burhaan Axmed Daahir oo ku hadlay afka bulshada rayidka ah ayaa ku dheeraaday sida warbaahinta looga baahanyahay inay kaalin mug leh ka qaadato nidaamka dimqoraadiyada Puntland. Ururada bulshada rayidka ah ayuu xusay inay ka midaysan yihiin in nidaamka federaalku yahay wadada Somali dib la iskugu soo celin karo islamarkaasina aysan suroobeen in nidaamkii dowladd dhexe oo awood leh dalka dib uga hirgeli karin. Gudoomiye ku xigeenka Barlamanka Puntland ayaa ku tilmaamay maalin wayn Koowda Luulyo, waxana uu ku soo dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire. Waxa uu sheegay in waqti badan iyo dhiig badan loo soo daadiyay sidii xoriyad loo heli lahaa Somalia, wuxuna sidoo kale ka hadlay dhismahii Puntland 1998- diiiyo waliba nidaamkii loo dhisay, wuxuna sheegay in tacab loo soo galay dhulkii uduga. Shacabka reer Puntland ayuu madaxwayne ku xigeenka Puntland ugu baaqay inay dhexda u xirtaan ka shaqaynta midnimada umadda, wuxuna sheegay inay wali jiraan dad dhiiga Soomaaliyeed daadinaya oo aan waxba dadka u qabanayn. Xaaladda Siyaasadeed ee ka jirta Jubaland ayuu ka hadlay Cabdisamad Cali Shire oo DF ku eedeeyay inay dhibaato fool xun ka wado Jubooyinka, isagoona dhanka kale ugu baaqay in la joojiyo dagaalada ka socda Kismaayo.
Posted on: Mon, 01 Jul 2013 17:03:12 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015