Xasan Daahir oo ku dhawaaqi doono inuu ka baxaayo Kooxda Alshabaab - TopicsExpress



          

Xasan Daahir oo ku dhawaaqi doono inuu ka baxaayo Kooxda Alshabaab iyo isaga oo wada-xaajood la qaadan doono Dowladda. (Warbixin Xasaasi ah) Warar hoose oo laga helaayo Saraakiil ka tirsan Alshabaab ayaa sheegaya in gowr dhow la filaayo in Sheikh Xasan Daahir Aweys uu dhawaan ku dhawaaqi doona in uu isaga baxay Al-shabaab, waxaana laga filaayaa inuu ogolaado wadahadl uu la yeesho Xukuumadda Somalia. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, ayaa wado qorsho ay isugu soo dhaweynayaan Xukuumadda Somalia iyo Xassan Daahir Aweys oo ay iminka xaaladu ku xun tahay, waxa ayna wararku sheegayaan in Xassan Dahir uu tagi doonaa Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland. Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland, ayaa waxaa lagu wadaa inay diyaarad usoo diri doonaan Sheikh Xassan Daahir isla markaana uu ka duuli doono Hobyo isagoona ku wajahan Magaallada Garoowe. Maamulka Puntlad ayaa doonaaya in wada hadal uu u furo Xasan Daahir Aweys iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya, waxaana magaalada Garoowe muddo aad u badan kusii sugnaa rag Xisbul Islaam ka mid ahaa kana baxsaday Al-shabaab kuwaa oo ka mid ahaa madaxii maaliyadda iyo sidoo kale Afhayeenkii hore ee ururkaasi. Magaallada Garoowe, ayaa waxaa laga dareemaya wada-xaajoodka ay Puntland ku dooneyso isu soo dhaweynta Dowladda Somalia iyo Xassan Daahir oo kasoo horjeeda in talada Alshabaab raali uga noqdo qaabka uu Axmed Godane u wado. Ugu dambeyntii, Xaaladda Xasan Daahir ayaa waxa ay hadda halis ugu jirtaa inay gasho gacanta Axmed Godane, iyadoona uu Axmed Godane Ciiddamadiisu ku wargaliyay in meesha ay ku arkaan Xassan daahir ku qaarijiyaan.
Posted on: Tue, 25 Jun 2013 15:48:58 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015