Xasuuso sided sano kadib Geeridii Marxuum C/qaadir Yaxye oo gacan - TopicsExpress



          

Xasuuso sided sano kadib Geeridii Marxuum C/qaadir Yaxye oo gacan ka gar daran ay ku dishay Magaalada Muqdisho. Sideed sano ka hor xalay oo kale ayay ahayd markii ay kooxo hubeysan gurigiisa ku dileen marxuum C/qaadir Yaxye Shiikh Cali oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta sare ee Hay’adda Cilmi baarista iyo wadatashiga CRD. Marxuum C/qaadir Yaxye waxaa uu ka tegay xusuus aysan hilmaamin Dadka Soomaaliyeed, taasi oo ah kaalintii uu ku lahaa u ololeynta nabadda, dib u heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, wuxuuna si weyn uga shaqeyn jiray sidii loo soo celin lahaa Nabaddii iyo kala dambeyntii Soomaaliya. Hadallo uu ka jeediyay Shirar badan oo uu ka qeybgalay ayuu ka sheegay hadallo weli taagan oo ku aadan Dhibatada Soomaaliya ka jirta haddii ay ahaan lahayd dilalka, xaalufinta lagu hayo kheyraadka dalka iyo weliba sida uu dalka Soomaaliya dhul, cir iyo bad uu u noqday mid la isaga tallaabiyo waxyaabo sharci darro ah. Dalalka Kenya iyo Ethiopia ayuu sheegay in ay lacag aad u badan Qaad uga bedeshaan Dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay Dowladda Itoobiya lacag aad u badan ugu bedesho dadka Soomaaliyeed hub, wuxuuna intaas ku daray in uu dalka Soomaaliya noqday meel la isaga gudbiyo waxyaabo sharci darro ah oo ay daroogada ka mid tahay. Runtii C/qaadir Yaxye waxaa uu ahaa Nin wax badan ku baraarujin jiray Dadka Soomaaliyeed inay aayahooda ka tashadaan, isla markaana ay ogaadaan wixii dhibaato ugu jirto iyo wixii u faa’iido ah, wanaaggaas uu Umadda u sheegayay dartiis ayaana loo dilay, sida ay sheegeen Dad badan oo ka qeybgalay aaskiisii oo dhacay 11-kii July 2005.
Posted on: Fri, 12 Jul 2013 18:59:51 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015