Xiddiga Barcelona Neymar ayaa sheegay inuu yaqaano sida loo - TopicsExpress



          

Xiddiga Barcelona Neymar ayaa sheegay inuu yaqaano sida loo maareeyo Pepe ka dib markii la tusay muuqaal ku saabsan daafaca Real Madrid. Neymar oo 21 jir ah ayaa ciyaari doona sabtida kulankiisii ugu horeysay ee El Clasico, waxaana ay u badan tahay inuu wajihi doono daafaca dhexe ee reer Portugal, kaasoo ay isaga horyimaadeen kulankii saaxiibtinimo ee Brazil iyo Portugal oo ay Selecao ku badisay 3-1. Laakiin weeraryahanka ayaa sheegay inuusan ka xanaajin doonin, madaama uu yaqaano habka loola ciyaaro daafaca reer Portugal ka dib markii uu daawaday muuqaal ay u soo direen xiriirka kubada cagta Brazil ka hor kulankii saaxiibtinimo. “Waxa ay ii soo direen video, waxa ay mid kale u direen Thigao Silva si aanan u caroonin marka aan wajahno isaga” ayuu Neymar u sheegay Globo TV. “Aniga kaliya la iiguma daneynin, laakiin waxaa sidoo kale loogu daneynayay asxaabteyda xulka.” Neymar ayaa dhaliyay labo gool sideed kulan uu horyaalka u saftay Barcelona xilli ciyaareedkan. Share Wararka Kale
Posted on: Thu, 24 Oct 2013 23:07:18 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015