Xiddigii hore ee Barcelona iyo Real Madrid Luis Figo ayaa aaminsan - TopicsExpress



          

Xiddigii hore ee Barcelona iyo Real Madrid Luis Figo ayaa aaminsan in labada kooxood ay barbaro 2-2 ku kala qeybsan doonaan Camp Nou maalinta axada. Kooxda Blaugrana ayaa lix dhibcood hogaanka kaga qaban karta kooxda xafiitamaan haddii ay guul ku gaaraan minankooda, laakiin xiddigii hore ee Portugal ayaa dareensan in dhibcaha la kala qeybsan doono isbuuca soo socda. Markii Grada360 ay weydiisay inuu saadaaliyo kulanka sabtida, waxa uu ku jawaabay: ” 2-2. Waxaan rumeysanahay in Barca ay shaqo fiican qaban doonto madaama marti loo yahay. Waxaan rajeynayaa in Madrid ay heli doonto isku dheelitiranaanta taasoo u ogolaan karta inay warar qaadaan ama malaha badiyaan.” Kulanka sabtida ee Camp Nou ayaa ah kulanka ugu soo horeeya ee xilli ciyaareedkan ee El Clasico.
Posted on: Thu, 24 Oct 2013 23:04:33 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015