Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka Hadlay Sida - TopicsExpress



          

Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka Hadlay Sida uu ku dhashay Muranka u dhexeeya Madaxda Somalia Axad, November 17, 2013 (HOL) — Iyadoo uu weli taagan yahay khilaaf soo dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa ka hadlay halka uu salka ku hayo khilaafkan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia. Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo la hadlay Shabakadda Sabahi Online ayaa sheegay in khilaafka uu salka kuu hayo sida isbeddel loogu samaynayo golaha wasiirrada. Isagoo xusay in raiisul wasaaruhu doonayo inuu isku-shaan-dhayn ku sameeyo wasiiradda xukuumaddiisa, halka madaxweynuhu uu ka doonayo in raiisul wasaaruhu is casilo si markaa uu u soo magacaabo raiisul wasaare cusub. Yuusuf wuxuu sheegy in raiisul wasaaruhu uu a wood uga haysto dastuurka inuu isku shaandhayn ku sameeyo golaha xukuumadda, laakiin ay waajib ku tahay inuu horkeeno barlamaanka horkeeno si loo ansixiyo. Madaxweynuhu awood ayuu u leeyahay inuu magacaabo ra’iisul wasaaraha, balse awood dastuuri ah uma lahan inuu waydiisto inuu istaqaalad keeno. Waayo shaqada raiisul-wasaaraha waa inuu dhiso xukuumadda oo uu hor-geeyo baarlamaanka si loo ansixiyo; laakiin ma ahan inuu oggolaasho uga raadiyo madaxweynaha sida ku xusan qodobka 100-aad ee dastuurka, ayuu yiri xildhibaan Yuusuf. Sidoo kale, xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf ayaa isna sheegay inay dhawaan la kulmeen madaxweynaha iyo raiisul wasaaraha oo ay u sharraxeen halka ay ka taagan yihiin muranka siyaasadeed ee u dhexeeya. Raiisul wasaaruhu wuxuu noo sheegay in madaxweynaha iyo isagu ay isku hayaan arrimo dastuuri ah oo ku saabsan sida loo magacaabayo golaha wasiirrada, sida wasiirkan aniga iigu dar iyo wax la mida, ayuu yiri Barre, isagoo sharraxay in markii ay madaxweynaha iyo raiisul wasaaruhu ku guul daraysteen inay isku-fahmaan isku shaan-dhayntana uu madaxweynuhu ka dalbaday raiisul wasaaraha inuu is casilo. Sidoo kale, xildhibaanka oo sii hadlay ayaa yiri: Raiisul wasaaruhu wuxuu doonayaa inay si wadajir ah ugu tagaan baarlamaanka oo ay qaddiyaddaas ku xalliyaan si sharci ah, halka uu madaxweynaha doonayo inuu raiisul wasaaruhu is casilo; iyadoo aan la isla aadin baarlamaanka. Xidhibaan Cabdiraxamaan Xoosh Jibriil ayaa isna qaba inay sharci-darro tahay in raiisul wasaaruhu magacaabo golaha xukuumadda isagoo aan haysan oggolaashaha madaxweynaha. Raiisul wasaaruhu wax xaq ah uma lahan inuu magacaabo wasiirrada oo uu u gubiyo baarlamaanka. Waa inay marka hore madaxweynaha iyo raiisul wasaaruhu isku raacaan liiska wasiirrada, ayuu yiri Xoosh. Isagoo intaas ku daray: Haddii aysan isku raaci karin, meesha ugu dambaysa ee ay labada hoggaamiye ku xallin karaan khilaafkoodu waa barlamaanka, ayuu yiri. Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu Khamiistii ku qabtay Muqdisho ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka inayan ka hadlin khilaafka labada mas’uul ee dowladda Soomaaliya u dhexeeya. Jawaari ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in baarlamaanku uu awood u leeyahay xallinta muran kasta oo yimaada, isagoo ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan baarlamaanka Soomaaliya. Haddii uu jiro khilaaf siyaasadeed oo ka dhexeeya hoggaamiyayaasheenna, ugu horreyn waa inay ka wada-hadlaan khilaafkooda oo isku dayaan inay si nabad ah ku xalliyaan, ayuu yiri Jawaari. Haddii ay taas dhici wadyo waxaa go’aan ka gaaraya baarlamaanka, waayo sababta ugu wayn baarlamaanka loo dhisay waa inuu xalliyo khilaafaadka caynkan oo kale ah. Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaariha ayaa waxaa si aad ah looga hadal hayaan gudaha dalka, iyadoo ay si gooni-gooni ah uga hadlaan culummada, bulshada rayidka ah iyo qaybaha bulshada.
Posted on: Mon, 18 Nov 2013 11:56:48 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015