allbanaadirHadalka faafay oo ah:qabiil lama diidayo ee qabyaalad - TopicsExpress



          

allbanaadirHadalka faafay oo ah:qabiil lama diidayo ee qabyaalad baa la diidaya,waa halqabsi ay caadaysteen dad dano gaar ahaaneed wata, waa halqabsi lagu afduubayo dadka caamoda ah,si loogu danaysto looguna sharciyeeyo in qabiilku yahay wax jira oo laysku garto laysku taakuleeyo,waa hadal lagu doonayo in guurkana laysku garab siiyo geeriduna laysku gurmado,laakiine waxaa daw ah diina ah in halqabsigaasi lagu beddalo,halkudhegga ah:waxa la diidayo waa qabiilka wax la doonayana waa islaamka,qabiilka iyo islaamkuna meel ma wada geli karaan,qofku waa in uu qabiiliste yahay oo uu qabiilku aaminsan yahay kuna abtirsada qabiilka ama waa in uu yahay muslim oo uu islaamku aaminsan yahay kuna abtirsada islaamka,labadaasi arrimoodna wax u dhexeeyo ma jiro. Akhrinta warbixintan kaddib waxaan rajeynaya in ay noo soo baxdo labadaas qodob middood,ama in uu qofku qabiiliste yahay oo aan islaamnimada shaqo ku lahayn ama in uu muslim yahay oo aan shaqo ku lahayn qabiilka. Erayga qabiil saddex meelood buu qur’aanku kaga xusan yahay,meel kastana macne u gaar ah ayuu leeyahay oo Alle ugu talogalay, suuradda Al-Israa’,aayad lambar 92 ayaa ku jirta qabiilan:ama nagaga soo rid samada sida aad ku andacootay goosimo iyadoo ah ama aad u keentid Allah iyo Malaa´ikta si caddaan ah,-meel kale waxaa ku xusan qabiiluhu oo ay ku jirto suuradda Al-Acraaf,aayad lambar 27,wuxuuna Rabbi yiri:wuu idin arkaya isaga (waa Shaydaankee) iyo ciidankiisa,wuxuuna Rabbi nooga digay Shaydaan iyo ciidankiisa in aan ka taxadarno,meesha kale waxay tahay aayadda tilmaamaysa shucuub iyo qabaa’il oo ay ku jirto suuradda Al-Xujuraat,aayad lambar 13,aayaddaasoo u baahan tafsiir dhab aha iyo sababta aayadda ay ku soo degaty,Allah subxaanahu watacaalaa wuxuu qur´aankiisa ku yiri: dadow, waxaan idinka abuuray,lab iyo dheddig,waxaana idinka yeellay shucuub iyo qabiilooyin si aad isugu garataan,ruuxase ugu sharaf badan oo ugu karaamo wanaagsan Rabbi agtiisa,waa qofka ugu dhawrsasho badan oo ugu taqwada fiican,Allahna wax walba waa ogyahay. Erayga qabiilu waxaa lagu macneeyay koox,erayga qabiilatuna waxaa lagu macneeyay mid ka mid ah lafaha madaxa ku yaalo oo qaarba qaarka kale la xiriira,qabiilatu waxaa kaloo lagu macneeyay koox dadka ka mid ah oo ay ku xiriiraan ama loogu nisbeeyo ama ay ku abtirsadaan aabbahood ama awowgood,wadarteeduna waa qabaa’il,garashada aayaddan aan soo sheegnay,waxay tilmaamaysa,isku garasho ah in la yiraahdo hebel ina hebel in hebel,isku garashaduna waxay muhiim u tahay xiriirka rixinka iyo nidaamka dhaxalka,tusaale kale,aabbe ayaa waxa uu dhalay dhow carruur,qof kasta wuxuu siinaya magac u gaar ah si qofka kale looga garto,waxay kaloo qaar ku macneeyeen in erayga shucuuban loolaba jeeda lab, qabaa’ilna dheddig,macnaha guudna in dadka ay nasab ahaan ay siman yihiin,bacdamaa laga wada yimid hal oday iyo hal haweenay. Qaar waxay qabaan in shucuuban oo ah wadarta shacab ay tahay dabaqada ugu sarreysa ee nasabka,qabaa’ilna wixii ka soo haray,waxaa kaloo la sheegay in shucuuban loola jeedo sida ay cajamtu u kala baxaan halkaasina laga isticmaalo,qabaa’ilna laga isticmaalo meelaha ay carabtu degaan,halka reer banii Isra’el ama Yuhuud ay isticmaalaan Asbaadh oo ay tilmaamayso sida ay u kala baxaan,waxaa kaloo lagu macneeyay shucuub in ay tahay nasabka fog,qabaa’ilna reer hebel oo reer hebel ka sii ah,hayeeshe sharraf ahaan dadka oo dhan waxay ka yimaadeen ciid waxayna giddi u nasab sheeganayaan Adam iyo Xawa’,waxaase lagu kala fadli leeyahay arrimaha diinta kaasoo ah dhaacada Rabbi subxaanahu watacaala iyo raacitaanka manhajka rasuulka sallallahu caleyhi wasallama. Musnadka Axmed iyo sunnooyinka Tirmidi waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abi Hureyra Allaha ka raalli noqdee in nebiga sallallaahu caleyhi wasallam uu yiri:nasabkiina ka barta micnaha qaraabada sidii aad u xiriirin lahaydeen rixinkiina,maxaa yeelay xiriirinta rixinka,waxay u wanaagsan tahay ehelka,xoolahuna wey badisaa,da’duna dib ayay u dhigtaa, sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay saxiixul jaamic,faa’iidada ay markaasi leedahay qaybinta shucuub iyo qabaa’il waxay tahay xiriirinta rixinka,si dadka ugu dhexeeyo qaraabonimo,Allah wuxuu yiri:Rabbi waa kan ka abuuray biyaha dad,kana yeelay qaraabo iyo soddognimo (suuradda Al-Furqaan,aayad lambar 54),qaraabo oo dhinaca labka ah oo loogu nisbaynayo iyo soddognimo oo ah xagga dheddigga, hayeeshe Allah xaggiisa waxaa idinku fadli badan qofkii la yimaada taqwada. Is aqoonsiga ama is garashada,waa qaarkiin qaarka kale in uu garto ee ma’ahan in qaraabonimo la isugu faano,hayeeshe isu faanidda waa taqwada,rasuulkana sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu ka digay in bani’aadamku uu u nasab sheegto aabbe aan aabbihiisa ahayn, labada sheekh saxiixooduna waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Sacad Allaha ka raalli noqdee in uu yiri:waxaan rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama ka maqlay in uu yiri:ruuxii u nasab sheegta ama ku andacooda ama sheegta aabbe aan aabbihiisa ahayn,isaguna uu og yahay in uusan aabbihiisa ahayn jannadu waa ka xaaraam. Mar haddii aan soo bandhignay macnooyin iyo fasiraad kala duwan,waxaa markaasi waajib ah in aan u laabano,dhinaca iyo sabab nuzuulka aayadda,macnaha sida ay aayaddani ku soo degtay,asbaabta aayaddan ku soo degtay waxaa ka mid ah:in aayaddani ay ku soo degtay abii Hind,sida ku xusan sunnooyinka abu Daawuud,soona weriyay Azuhriyyu wuxuuna sheegay in nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama uu ku amray reer banii Bayaada in mid ka mid ah haweenkooda ay u guuriyaan abaa Hind,(abaa Hind wuxuu ahaa toobe wuxuuna ahaa addoon la xorreeyay,waxaana xorreeyay ninka la yiraahdo Farwa bin Camro Al-Bayaadi) markaas bay reer banii Bayaada yiraahdeen,intuu kibir iyo isla weyni galay jahli darteedna ugu galay:hablaheena miyaan u guurinaa dad aan addoomo noo ahaa,markaasuu Allah soo dejiyay aayadda 13aad ee suuradda Al-Xujuraat,dadow,waxaan idinka abuuray,lab iyo dheddig,waxaana idinka yeellay shucuub iyo qabiilooyin si aad isugu garataan,ruuxase ugu sharaf badan oo ugu karaamo wanaagsan Rabbi agtiisa,waa qofka ugu dhawrsasho badan oo ugu taqwada fiican,Allahna wax walba waa ogyahay,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku ansaxiyay kitaabkiisa saxiixu sunnan abu Daawuud,ibnu Kathiirna wuxuu kitaabkiisa Irshaadul faqiih uu ku sheegay in sannadka xadiiska uu wanaagsan yahay. Sabab nuzuul kale waxay sheegaysa in aayaddani ay ku soo degtay Thaabit bin Qays bin Shammaas,markuu ku yiri kaddib nin uu uga durgi waayaya fadhiga,macnaha uga dhaqaaqi waayay:ina heblaayo,nebiga sallallaahu caleyhi wasallama ayaa markaasi yiri:yaa sheegay hebaalyo? Thaabit ayaa markaasi istaagay,wuxuuna yiri:aniga rasuul Allow,nebiga ayaa markaasi yiri:fiir wejiyaasha qoonka, Thaabit wuu fiiriyay,markaasuu nebigu yiri:maxaad aragtay Thaabit?,markaasuu Thaabit yiri:waxaan arkay caddaan iyo madow iyo casaan, markaasuu rasuulka yiri:haku kala fadli yeelin taqwada mooye,sidaas daraadeed waxay aayaddani ku soo degtay Thaabit. Sabab nuzuul kale waxay sheegaysa in ibnu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee uu yiri:markii la furaayay Maka,in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu amray Bilaal Allaha ka raalli noqdee in uu fuulo kacbada dusheeda kana addimo,markaas ayaa dadkii meesha joogay qaar ka mid ah ka soo fulay hadallo aan wanaagsanayn,Cataab bin Asiid bin Abil Ciis baa yiri: Rabbi baa mahad iska leh oo aabbahay oofsaday,si uusan u arag waxa maanta dhacayo, Xaarith bin Hishaamna wuxuu yiri:Muxammad miyuusan helin qof kaloo addima intuu keeni lahaa tukahan madow iyo qaar kaloo badan oo sheegay hadallo kaloo xun xun,Jibriil ayaa markaasi u yimid rasuulka wuuna u sheegay wixii ay dadkaasi yiraahdeen,rasuulk sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu markaasi u yeeray dadkii hadalladaasi ku hadlay,weyna qirteen, markaas baa Allah soo dejiyay aayaddan,waxaana loo sheegay in dadka ay ku kala fadli badan yihiin oo keliya taqwada,dadkoo dhanna ay ka wada yimaadeen Adam iyo Xawa’. Sida la ogsoon yahay dadku waxay u kala baxaan,dad xun iyo dad fiican,dad wax garanayo iyo dad aan waxba garanayn,dad wax arkayo iyo dad aan waxba arkayn,dad caqli leh iyo dad waalan,dad Allah ku xiran iyo dad aan Allah ku xirnayn,dad sunnada ku taagan iyo dad ka fog sunnada,qof taqi ahina looma barbar dhigi karo qof caasi ah oo aan Allah ka baqayn,dadkana waxaa ugu sharaf badan kan Allah iyo rasuulkiisa sallallaahu caleyhi wasallama aaminsan, xalaasha iyo xaaraantuna kala saari karo,qadiyadduna ma´ahan yaa reer hebel ah iyo yaa reer hebel ah,balse qadiyaddu waxay tahay yaa u dhow Allah oo si fiican ugu dheggan xariggiisa, yaase aan Allah u dhoweyn kuna dhegganayn xariggiisa,arrimahaasoo dhanna iyo wax la mid ah wax xiriir ah oo ay la leeyihiin qabiilka ma jiro,haddii aad si fiican u dhuuxdona suuradda Al-Baqara waxaa ku xusan in dadka loo qaybiyay saddex kooxood:koox Allah rumaysan, koox gaallo ah iyo koox aad khatar u ah oo madax adag dhagarna badan waana kuwa munaafiqiinta lagu tilmaamo. Muslimka ku dheggan xarigga Allah subxaanahu watacaala,mabda’iisu ma’ahan qabiil nooc kastoo ay ahaataba,lagumana soo qaadi karo qabiil,wuxuuna aaminsan yahay,qowlka Allah oo sheegaya:mu’miniintu waa walaalo (suuradda Al-Xujuraat,aayad lambar 10) iyo xadiiska ku xusan labada sheekh saxiixooda,soona weriyay ibnu Cumar,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:muslimka,muslimka kale waa walaalkiis,saxiixul Bukhaarina waxaa ku xusan in Cumar bin Al-Khadhaab Allaha ka raalli noqdee uu yiri: Abuubakar waa sayidkeena,wuxuuna xorreeyay sayidkeena,isagoo ulajeeda Bilaal,Musnadka Axmedna iyo sunnooyinka abu Daawuud iyo Tirmidi waxaa ku xusan,xadiis uu abii Saciid Al-Khudriyi ka soo weriyay rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama kaa soo sheegaya:hala saaxibin qof mu’min ah mooye,cuntadaaduna yuusan cunin qof taqi ah mooye,sheekh Albaanina wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay saxiixul jaamic. W/D Maxamed Xuseen
Posted on: Sun, 28 Jul 2013 07:24:32 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015