and ugu qanacsan yihiin Dhinacyada Nolosha, Dhaqaalaha Iyo - TopicsExpress



          

and ugu qanacsan yihiin Dhinacyada Nolosha, Dhaqaalaha Iyo Siyaasadda Dalkooda? “Waxa si layaab leh u soo baxay oo sahamintan lagu ogaaday goobo iyo dalal sida Somaliland, Zimbabwe iyo DR Congo meesha fiican ee ay soo gaadheen, halka kuwa kale oo hela dhaqaale ka badan ama ka qanisan….” UN Sustainable Development Solutions Network Hargeysa(Berberanews):- Sahamin lagu sameeyay 44 Waddan oo ka tirsan 50-ka dal ee Afrika oo ku saabsan sida ay dal kasta dadkiisu ugu qanacsan yihiin noloshooda, siyaasad ahaan, dhaqaale iyo bulsho ahaanba, ayey Jamhuuriyadda Somaliland ka gashay kaalinta 13-aad. Daraasaddan ama sahaminta lagu sameeyey 44-ka dal ee ka tirsan 50-ka waddan ee qaaradda Afrika, oo ay samaysay Waaxda Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha noocan oo kale ah oo lagu magacaabo UN Sustainable Development Solutions Network, taasoo uu aasaasay ama curiyey Xoghayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Ban Ki-moon, ayaa warbixinta ay soo saartay waxa lagu sheegay inay sahamintaa si layaab-leh ugu soo baxeen dalal ka tirsan Afrika oo aan laga filaynin heerka ay soo gaadheen, sida lagu sheegay Warbixintan oo uu soo turjumay Wargeyska Somalilandtoday. Warbixinta Sahamintan laga soo saaray ayaa lagu sheegay in dalka kaalinta koowaad ku guulaystay yahay waddanka Angola oo noqday dalka koowaad ee dadkiisu ku qanacsan yihiin nolol ahaan, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Halka kaalinta labaad iyo saddexaadna ay galeen dalalka Mauritius iyo Aljeria, marka loo eego warbixinta sahamin sannadkan 2013 lagu sameeyey 156-ka waddan ee dunida oo Isniintii inna dhaaftay la shaaciyey. Sidoo kale, Warbixinta ay Hay’addani ka soo saartay sahaminta ay ku samaysay 44-ka dal ee Afrika, ayaa lagu sheegay in dalalka sida layaabka leh uga soo dhex-mudhay sahaminta la sameeyey ay ka mid yihiin Somaliland, Zimbabwe iyo DR Congo, kuwaasoo warbixinta lagu xusay inaan la filayn heerka ay sahaminta ka galeen inay soo gaadhi karaan, taasina ay tahay arrimaha cajiibka noqday ee sahamintaas lagu ogaaday. Waxaanay Jamhuuriyadda Somaliland ku guulaysatay inay kaalinta 13-aad ka gasho 44-ka waddan ee sahamintaas lagu sameeyey. Halka waddammada qaar laga filayey inay soo gaadhaan kaalmaha ay galeen khibrad ahaan iyo koboca dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay hoggaamiyeyaashoodu samaynayaan marka loo eego. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Kontonka dal ee Afrika shanta waddan ee ugu hooseeya lagu soo bandhigi doono sahamin sannadka soo socda ay Hay’addani samayn doonto. “Waxa si layaab leh u soo baxay oo sahamintan lagu ogaaday goobo iyo dalal sida Somaliland, Zimbabwe iyo DR Congo meesha fiican ee ay soo gaadheen, halka kuwa kale oo hela dhaqaale ka badan ama ka qanisan saddexdaa waddan ay meel hoose ka galeen sahamintan sida Botswana, Senegal and Tanzania.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warbixintan ay soo saartay Hay’adda the UN Sustainable Development Solutions Network. Shaxda 44-ka Waddan ee Sahaminta lagu sameeyey ee ay Hay’addaasi soo saartay waxay u dhignayd sidan:- 1. Angola 23. Sudan 2. Mauritius 24. Sierra Leone 3. Algeria 25. Congo (Brazzaville) 4. Libya 26. Egypt 5. Nigeria 27. Burkina Faso 6. Ghana 28. Mali 7. Zambia 29. Liberia 8. Mozambique 30. Niger 9. South Africa 31. Gabon 10. Lesotho 32. Malawi 11. Morocco 33. Chad 12. Swaziland 34. Botswana 13. Somaliland 35. Madagascar 14. Zimbabwe 36. Senegal 15. Tunisia 37. Comoros 16. Mauritania 38. Guinea 17. Djibouti 39. Tanzania 18. Congo (Kinshasa) 40. Rwanda Berberanews
Posted on: Sat, 14 Sep 2013 21:41:30 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015